Xatooyadii ugu 'wayneed' Talyaaniga: rag la fakaday khamri qiimihiisu ka badan yahay $5.8 milyan oo doolar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tuugnimo cusub oo weyn ayaa ka dhacday shirkad khamri oo ku taalla Talyaaniga, taasoo tuugo ay ka qaateen 30,000 oo dhalo oo khamri ah oo qiimahoodu yahay qiyaastii 5 milyan oo Yuuro ($5.8 milyan oo doolar).
Sida laga soo xigtay shirkadda Talyaaniga ee Winery Marchesi Antinori, dhacdadu waxay ka dhacday Sabtidii bakhaarkeeda Tuscany iyadoo la diyaarinayo in loo raro shixnad khamri ah oo badan macaamiisha dibadda.
Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, ugu yaraan toddobo nin oo wejiga-duubtay ayaa ku lug lahaa dhacdada, kuwaas oo markii hore curyaamiyay nidaamka digniinta ka dibna damiyay kaamiradaha ilaalada ka hor inta aysan fulin qorshahooda.
Ka dib markii ay waxaas oo dhan sameeyeen, tuugada ayaa si farxad leh u soo raray laba gaari oo waaweyn oo ay ka buuxaan khamri cas oo kala ah noocyada Tignanello, Solaia, iyo Guado al Tasso iyagoo kaashanaya mashiinnada shirkadda.
Madaxa shirkadda, Renzo Cottarella, ayaa u sheegay wargeyska Corriere della Sera in tani ay ahayd xatooyadii ugu weynayd nooceeda ah ee Talyaaniga.
"Dhac sidan u qiimo badan oo baaxaddan leh weligeed horay ugama dhicin Talyaaniga," ayuu yiri.
Renzo Cottarella ayaa rajo ka muujiyay in mas'uuliyiintu ay awoodi doonaan inay raad-raacaan khamrigii la xaday.
"Laba gaari oo xamuul ah oo alaab ka buuxdo ma ahan wax si fudud u baaba'i kara," ayuu yiri. "Waddooyinka Tuscany meel kasta waxaa yaalla kaamirooyin. Waxaa laga yaabaa inaan nasiib u yeelanno inaan dib u helno ugu yaraan qayb ka mid ah dhalooyinkii la xaday."
"Dhalooyinkan khamriga ah ayaa aad qaali u ah, mana garanayo sida tiro intaas le'eg oo khamri ah loogu iibin karo caalamka iyadoo aan cidna dareemin," ayuu ku daray wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times.
Shirkaddu waxay aaminsan tahay in dhalooyinka khamriga ee la doortay ay badanaa qiimahoodu u dhexeeyaan 150 ilaa 500 oo Yuuro halkii dhalo, taas oo muujinaysa in tuugadu ay si fiican u yaqaaneen khamriga, isla markaana ay suurtagal tahay inay haysteen xog gudaha ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkaddu waxay ogaatay dhaca subaxnimadii Isniinta markii shaqaaluhu ay shaqada yimaadeen sidii caadiga ahayd.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama soo sheegin in la xiray cidda lagu eedeynayo falkan.
Shirkadda Marchese Antinori waxaa la aasaasay sanadkii 1385-kii, waxayna khamriga u dhoofisaa 170 waddan. Sanadkii hore, dakhliga shirkaddu wuxuu ahaa 263 milyan oo Yuuro.
Sanadkan gudihiisa waxaa Talyaaniga ka dhacay kiisas dhowr ah oo la xiriira xatooyada khamriga, oo ay ku jiraan laba dhac oo ka dhacay gobolka waqooyi ee Piedmont, halkaas oo la sheegay in la xaday dhalooyin qiimahoodu gaarayo malaayiin Yuuro.























