Itoobiya: "Masar waxay carqaladaynaysaa dadaalkeenna ku aaddan helitaanka marin baddeed"

Danjire Nebiyat Getachew

Xigashada Sawirka, FBC

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Masar ayaa lagu eedeeyay inay carqaladaynayso dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in Itoobiya ay si toos ah marin uga hesho Badda Cas, kadib heshiis-badeed oo ay Masar la gashay Eritrea.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Danjire Nebiyat Getachew, ayaa shalay ku sheegay war-saxaafadeed in "tallaabooyinka aan wax ku oolka ahayn ee ka imanaya Qaahira" ay ujeeddadoodu tahay in la wiiqo isla markaana la leexiyo himilada Itoobiya ee ah inay si nabad ah u hesho marin-baddeed.

Danjire Nebiyat wuxuu intaas ku daray in siyaasadaha Masar ay leeyihiin taariikh dheer oo lagu carqaladaynayo xasilloonida Geeska Afrika. Wuxuu sheegay in inkastoo ay caadi tahay in Qaahira ay kiciso xiisado mar kasta oo ay Itoobiya dadaal diblomaasiyadeed ku bixinayso helitaanka marin-baddeed, haddana arrinta marin-badeedka aan dib loo celin karin.

Heshiiskan dhex maray Masar iyo Eritrea ayaa la sheegay in la saxiixay intii uu booqasho ku joogay Asmara Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo Wasiirka Gaadiidka Kamel al-Wazir, iyagoo la kulmay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Heshiisku wuxuu ku saabsan yahay abuurista khad maraakiib oo isku xira dekedaha Masar iyo Eritrea iyada oo loo marayo Badda Cas.

Intii uu joogay Asmara, Wasiir Abdelatty ayaa carrabka ku adkeeyay in ammaanka iyo maareynta Badda Cas ay yihiin mas'uuliyad u gaar ah waddamada xeebaha leh, isagoo si cad u sheegay in waddamada aan xeebaha lahayn aysan xaq u lahayn inay ku lug yeeshaan heshiisyada la xiriira Badda Cas.

Qalalaasaha hadal (dood ereyo) ee hadda socda wuxuu sii daba-socdaa arrinkii marin-badeedka ee ay sanadihii u dambeeyay si joogto ah uga hadlayeen Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, iyo sidoo kale saraakiil sare iyo taliye-yaal milatari.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirto xaalad juqraafi ahaan go'doonsan, isagoo xusay in dal leh in ka badan 120 milyan oo qof uusan sii jiri karin isagoo aan lahayn marin-badeed toos ah, isla markaana Badda Cas ay tahay xuduud dabiici ah oo Itoobiya leedahay. Wuxuu marar badan ku celceliyay in arrintan lagu xallin karo si nabad ah ama xoog.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iyagoo taageeraya aragtidan, saraakiisha sare ee militariga Itoobiya ayaa iyaguna sheegay in dalkoodu doonayo inuu dhiso ciidan badeed u gaar ah, isla markaana helitaanka saldhig milatari oo ku yaalla Badda Cas loo tixgelinayo mudnaan istiraatiiji ah.

Dhinaceeda, dowladda Eritrea ayaa si adag uga hortimid bayaannada soo noqnoqda ee ka imanaya Addis Ababa.

Asmara ayaa si cad u diidday arrintan, iyadoo sheegtay in Badda Cas aysan ahayn hanti la wadaago, balse ay gaar u tahay oo kaliya dalalka leh xuduudaha xeebaha.

Itoobiya ayaa bishii Janaayo 2024 heshiis xusuus-qor (MoU) la saxiixatay Somaliland, oo hore uga go'day Soomaaliya isla markaana sheegatay ismaamulkeeda.

Heshiiskan, waxaa ku jiray in Itoobiya la siiyo oggolaansho ay muddo 20 sano ah ku maamusho marin badeed oo dhererkiisu yahay 20 kiiloomitir, si loogu adeegsado maraakiibteeda militari iyo kuwa ganacsi.

Heshiiskan ayaa si weyn u dhaliyay muran, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid kuna tilmaantay mid jebinaya madaxbannaanideeda. Sababtaas awgeed, heshiiska ayaa weli hakad ku jira iyadoo ay jiraan cadaadis diblomaasiyadeed iyo dhexdhexaadin uu Turkigu wado.

Khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa ka sii qoto dheer arrinta Somaliland, wuxuuna salka ku hayaa muranka muddo toban sano ka badan socday ee ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

Masar, oo in ka badan 90% biyaheeda ka hesha Webiga Nile, ayaa u aragta biyo-xireenkan khatar amni.

Taasi darteed, Masar waxay xoojisay xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalal ay ka mid yihiin Sudan, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in Maraykanka uu qorsheynayo inuu qaado cunaqabateyno saarnaa Eritrea, waxaana la xusay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, uu kulan kula yeeshay Washington xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Marco Rubio.