Waxyeello ma u leeyihiin cabitaannada tamarta ee dhalinyaradu xoogga ka raadiyaan?

Cabitaano

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maanta, cabbitaannada tamarta waxay noqdeen arrin caadi ka ah magaalooyin badan iyo tuulooyin ku yaalla dalka Nigeria iyo waddamada Afrika.

Cabitaannadan waxaa si fudud looga helaa iskuullada, goobaha shaqada, boosteejooyinka basaska, jardiinooyinka, iyo goobaha cuntada lagu iibiyo, halkaas oo dadka — gaar ahaan dhalinyarada, ardayda, carruurta, iyo xitaa dadka waaweyn — ay u cabbaan si ay u helaan xoog iyo tamar dheeraad ah, u yareeyaan daalka, ama uga hortagaan hurdo, gaar ahaan marka ay wax baranayaan iyo xaalado kale oo la mid ah.

Si kastaba ha ahaatee, khubarrada caafimaadka waxay aaminsan yihiin in dad badan ay ku tiirsan yihiin cabitaannadan iyaga oo aan si buuxda u fahmin saameynta ay ku leeyihiin caafimaadka.

Taasi waa sababta ay BBC ula xiriirtay khabiir ku taqasusay dhanka nafaqeybta jirka ah, Dr. Bello Adamu, si loo helo xog ku saabsan xaqiiqda waxa ku jira cabitaannada tamarta iyo sida ay u saameeyaan caafimaadka dadka.

Maxaa ku jira cabitaannada tamarta?

"Qaadashada maaddadan kafeynta oo ka badan inta jirku hal mar u baahan yahay — iyadoo mararka qaar hal dhalo oo cabitaan ahi ay ka koobnaan karto caffeine la mid ah laba ama saddex koob oo shaah — waa waxa ugu khatarta badan. Waxayna dhibaato u keeni kartaa wadnaha iyo hurdada," ayuu yiri.

Maadadda amino acid waa mid caawiya wadnaha iyo neerfayaasha inay si fiican u shaqeeyaan. Waxaa lagu daraa cabitaannada tamarta si ay jirka uga caawiso iska caabbinta daalka, inkastoo aysan ahayn isha keliya ee tamarta.

Maaddada Guarana

Maaddadani waxay ka kooban tahay nooc aad u xooggan oo caffeine ah. Marka lagu daro caffeine-ka kale ee cabitaanka ku jira, waxay sababi kartaa xaddi maaddada caffeine oo badan, taasoo kordhin karta khatarta wadne garaac degdeg ah iyo walwal ama kacsanaan.

Sonkor aad u badan

Tani waxay kordhisaa miisaanka jirka, waxay sare u qaaddaa halista cudurka Sokorta, waxayna jirka ka dhigtaa mid daala kadib "firfircoonida aad dareento markaad cabitaan kordhiya tabarta aad cabto."

Saamaynta cabitaanka casiirka liinta ee jirka kiciya

Sida uu sheegay Dr. Bello Adamu, dhibaatooyinka ka dhasha cabitaanka badan ee cabitaannadan tamarta leh si degdeg ah uma muuqdaan, balse si tartiib tartiib ah ayay u soo baxdaa.

Wuxuu sheegay saameynta ay leeyihiin cabitaannadan sida soo socota:

  • Waxay keeni karaan garaaca wadnaha oo degdeg noqda.
  • Waxay carqaladeeyaan hurdada ama hurdo la'aan ayay keenaan.
  • Waxay sababi karaan walwal iyo deggenaansho la'aan.
  • Cabitaankooda badan wuxuu kordhiyaa khatarta dhiig karka.
  • Waxay keeni karaan madax xanuun iyo wareer.
  • Waxay qofka ka dhigi karaan mid si weyn ugu tiirsan caffeine-ka (balwad).
  • Sonkorta badan waxay kordhin kartaa miisaanka iyo halista cudurka Sokorta.
  • Waxay saameyn ku yeelan karaan shaqada maskaxda, gaar ahaan dhalinyarada.
  • Waxay sababi karaan dhibaatooyin ku dhaca beerka iyo kelyaha haddii si xad dhaaf ah loo isticmaalo.

Khabiirka nafaqada ayaa intaas ku daray:

"Gaar ahaan dhalinyarada, maskaxdu weli way kobcaysaa, sidaas darteed maaddada caffeine badan wuxuu saameyn karaa awoodda ay u leeyihiin inay diiradda saaraan waxyaabaha ay qabanayaan."

Waa kuwee xubnaha uu dhibka badan u geysto?

Khabiirka nafaqada ayaa sharaxay in wadnuhu yahay mid ka mid ah xubnaha jirka ee ugu nugul khatarta, maadaama caffeine-ku uu ka dhigi karo wadnaha inuu u garaaco si ka dheereeya sidii caadiga ahayd.

Xubnaha kale ee sida weyn u saameysma waxaa ka mid ah:

  • Maskaxda, oo la kulanta dhibaatooyin ay ka mid yihiin hurdo la'aan iyo in qofka uu diirad-saaro shaqada, taasoo saameyn ku yeelata akhriska iyo fikirka.
  • Beerka iyo kelyaha, kuwaas oo marar badan si xad dhaaf ah u shaqeeya si ay u sifeeyaan kiimikooyinka, gaar ahaan marka cabitaannadan si badan loo cabo.
  • Caloosha iyo habdhiska dheefshiidka, kuwaas oo sidoo kale la kulmi kara dhibaatooyin sida calool barar ama nafis la'aan.