"Waligay cabitaan kama aqbali doono qof aana garanaynin"

Xigashada Sawirka, MIA DOSHI PRICHARD
17-ka bishii Jannaayo sanadkii 2020-ka waxaa is badashay nolasha Mia Doshi Prichard'. Waxay damacday in ay xasuusato habeen kale oo qoob-ka cayaar iyo jawi deggan bannaanka kula qaadanaysay saaxiibbadeed. Balse habeenkaas wuxuu ku dhamaaday niyad jab iyo naxdin. Wixii ka dambeyay habeenkaas oo hadda laba sano laga joogo Mia bannaanka uma soo bixin.Mia waxaa cabitaan loogu daray daroogo(waxyaabaha maanka-dooriya) taas oo ah dhaqan jiray xillayadii dambe sida dhawaan ay sheegeen guddi arrimaha gudaha ka shaqeeya oo ka tirsan baarlamanaka Uk waxayna arrintaan saameyn ku yeellan kartaa dhibanayaasha.
"Bilihii xigay, waxaan la kulmay weeraro argagax leh," haweenaydaan 21-jirka ah ayaa sidaas iyada oo ilmaynaysa u sheegaty barnaamijka BBC-da ee Newsbeat."Mar walba aad ayaan u argagaxsanahay, qadaadka dambe ee madaxa waxaan u maleynayaa in wax xun iiga dhici doonaan."ayay tiri. Dhaqankaan ah in dadka wax loogu daro cabitaanka ayaa ah dhaqan aad u xun.
Falalka noocaan ah ayaa ka dhaca inta badan dunida,hase-yeeshee meelaha ugu badan oo dhacdooyinkaan lagu arko waxaa ka mid ah meelaha fagaarayaasha ah iyo xafladaha gaarahaanna waxaa lagula kacaa haweenka la doonayo in dhac loo gaysto ama lagula kaco xad-gudub galmo.
Sanadkii 2010-ka Qaramada Midoobey ayaa ka digtay korarka naxdinta xambaarsan ee waxyaabaha loogu yeero dawooyinka kufsiga fududeeya.Sida ay sheegeen.Marka loo eego xogta rasmiga ah ee Xafiiska Tirakoobka Qaranka, waxaa jiray 120 dhimasho ah oo lala xiriiriyay GHB (gamma-hydroxybutyrate) gudaha England iyo Wales intii u dhaxaysay sanadihii 2014 iyo 2018-ka.
Latin Ameerika sanadihii dambe waxyaabahaan ayaa ka mid noqday maan-dooriyaha qarsoon ee baddalay waxa loo yaqaanno burundanga oo ah waxyaabo afka iyo xidida laga qaato.Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in maareynta caalamiga ah ee ka ganacsiga GHB ay yihiin kuwo aad u yar. Balse maxaa ku dhacaya dhibanayaasha xaaladdan oo kale ?. BBC-da ayaa saddex dhallinyaro ah ka waraysatay waxyaalbihii ay soo mareen iyo dhibaatada ka dhalatay daroogo loo adeegsaday iyaga oo aan raalli ka ahayn.

Xigashada Sawirka, MIA DOSHI PRICHARD
"Waxaan la kulmay weeraro argagax leh"
Mia waxay ka soo jeedaa magaalada Leicester balse waxay wax ka barataa York oo ku taalla waqooyi bari dalka Ingiriiska.Waxay xasuusataa habeenkii falku dhacayay inay cabtay cabitaan la mid ah kii saaxiibbadeed caben balse iyada oo kaliya ay dareentay madax wareer. "Koobkii ayaan dhulka dhigay waxaana u weecday in aan la qoob-ka cayaaro saaxiibaday".ayay tiri Doshi. Markaas ayay dareentay in waxyaabo maanka-dooriya loogu daray cabitaanka.
Mia waxay aaminsan tahay in maandooriyaha noocaan oo kale "uu maskaxiyan wax ka bedeli karto dadka."Habeenkii waxa ku dhaceen kadib waxay Mia isku daydaa mar walba inay mar kale saaxiibbadeed bannaanka u raacdo laakin arrintaasi wali way ku adagtahay.
"Waligay ma aqbali doono cabitaan qof aana garanaynin"
Saskia Boissevain meel ayaa looga tagay iyada oo wal-walsan isla markaana waxay dhibane u noqtay dhacdadaan in muddo ah iyadoo hadda aad uga walaacsan la kulanka dad aysan garaneyn. Waxay tilmaantay in dhacdadaan ay lumisay dareenkeedii maskaxeed kadib markii la siiyay cabitaan u muuqday in lagu daray waxyaabaha maanka-dooriya.
Haweenaydaan 30-jirka ah oo ka soo jeeda London, ayaa bannaanka u raacday laba nin kuwaas oo siiyay waxyaabaha qofka ku sababa in miyirkiisu is badalo,waxayna gaartay heer ay waxba kala garan waydo. Habeenka arrintaasi ku dhacday subaxii xigay waxay soo kacday Saskia iyada oo jiifta suuliga kaligeedna joogta guriga mana aysan kala garan karin sida xaal yahay.
Saskia hadda si feejjignaan ah ayay iskaga eegtaa dadka ku xeeran iyo goobaha laga helo cabitaannada,maadama ay dhacdo xanuun badan kala soo kulantay daroogo cabitaan loogu daray. " Waxay sheegtay in arrintaas aaney cabsi ahayn laakiin "waxaan hubaa ayay tiri in aan aad uga taxadaro, waligeyna kama aqbali doono cabitaan qof aanan aqoon oo dambe." Taxadarka ayay aaminsantahay inuu xakameynayo cidda aad waqtiga la qaadanayso iyo waxa aad cabayso.

Xigashada Sawirka, SASKIA BOSS
"Waxaan lumiyay kalsoonidii iyo iimaankii"
Niamh Donnelly waxay joogtay guri ay leeyihiin qaar ka mid ah asxaabteeda bil ka hor, iyadoo isu diyaarinaysa inay baxdo habeenkii, waxay sheegtay in la daroogeeyay."Waxaan noqday miyir la'aan meel ka baxsan gurigayga, dadka dariiqa joogay waxay ku qasbanaadeen inay igu caawiyaan inay ii soo qaadaan gudaha gurigayga."ayay tiri Niamh Donnelly. Aad bay uga cabsatay waxa dhacay, waxayna ka tagtay kuliyadda Nottingham waxayna ku laabatay gurigeeda Birmingham, halkaas oo ay ku sugnayd tan iyo markaas.Niamh, oo 21 jir ah, ayaa sheegtay inay dareemayso "wax lala yaabo" marka ay ka fikirto bixida habeenkii oo ay lumisay "kalsoonida iyo iimaanka" kuwa ay u malaynaysay inay ilaalinayaan ammaankeeda,ayay kala kulantay dhacdo argagax leh."Gabar ahaan, aad bay muhiim u tahay adiga iyo saaxiibbadaa inaad dibadda u baxdaan oo aad dareento ammaan, iyo in dadka kugu xeeran ay hubiyaan inaad tahay amnigaada."Ka bixidu waa khatar, runtii tani aad ayay ii saamaysay ayay hadalkeeda raacisay. Waxay sheegtay in wixii ay soo martay oo dhibaato ah ay ka dhigeen qof taxadar badan."Waxay iga dhigeen mid aad u taxadar badan, cidnana lama wadaago cabitaankayga". ayay tiri mar kale.








