TOOS, Mareykanka oo ka saaray dhammaan diyaaradaha uu duqeymaha u adeegsado saldhigga Fairford ee Britain

Mareykanka ayaa dhammaan diyaaradaha uu u adeegsado duqeymaha ee uu geeyay saldhigga RAF Fairford ee Britain dib ugu celiyay gudaha Mareykanka, sida ay xaqiijisay Pentagon-ka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ahmed Shide oo loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka Itoobiya

    Shide

    Golaha Wakiillada ee dalka Itoobiya ayaa u doortay Axmed Shide Guddoomiyaha Golaha Wakiillada muddada shanta sano ee soo socota ah.

    Axmed Shide ayaa hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo qabtay xilal kala duwan oo dowladeed.

    Kadib markii loo doortay Guddoomiyaha, Axmed Shide ayaa loo dhaariyay xilkaan.

  2. Abiy Ahmed oo mar kale loo doortay in uu noqdo raa'iisul wasaaraha Itoobiya

    Abiy

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dib loogu doortay inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas.

    Abiy ayaa xilka loo dhaariyay markii labaad - isagoo noqonaya Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya - kadib doorashooyinkii sannadkan.

  3. Aramco oo ka digtay in sawirada dayaxgacmeedka loo adeegsado weeraro ka dhan ah kaabayaasha iyo maraakiibta shidaalka

    .

    Shirkadda shidaalka Sacuudi Carabiya ee Aramco, ayaa sheegtay in sawirrada dayax-gacmeedka iyo xogta saxda ah ee raadraaca maraakiibta ay si isa soo taraysa llogu isticmaalayo weerarrada kaabayaasha dhaqaalaha iyo maraakiibta shidaalka.

    Madaxa shirkadda Aramco Amin Nasser ayaa sheegay in "nidaamyada dadwaynaha u furan aysan noqon rasaas gardarro loo adeegsado," isagoo intaa ku daray in "tiknoolajiyadu ay leedahay faa'iidooyin badan, laakiin sidoo kale ay leedahay khataro halis ah."

    Hay'adda Caalamiga ah ee Badda, oo ah hay'adda maraakiibta ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaastay in tan iyo markii dagaalka Iiraan-Ciraaq uu bilaabmay Maarso 29, ay dhaceen ilaa 91 weerar ama dhacdooyin ku lug leh maraakiibta Gacanka Faaris iyo gobolka Bariga Dhexe, kuwaas oo dilay 24 badmaaxe.

    Xarumaha saliidda ee Aramco, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee soo saara saliidda adduunka, waxaa si isdaba joog ah u bartilmaameedsaday weeraro shisheeye.

  4. Ciidamada dowladda Yemen oo sheegay inay galeen qaybo ka mid ah marinka Baab al-Mandab.

    .

    Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay qaadeen weerar istiraatiiji ah oo looga dan leeyahay in dib loogu qabsado magaalada Sanca.

    Ciidamadan ayaa sheegaya inay weerar istiraatiiji ah ku qaadeen caasimadda Yemen, isla markaana ay isku dayayaan inay Sanca kala wareegaan kooxda Xuutiyiinta.

    Telefishinka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale soo weriyay duqeymo cirka ah oo Sacuudigu ka geystay magaalada Sanca.

    Dhanka kale, sida ay sheegeen laba il-wareed oo dhanka milatariga ah, ciidamada dowladda Yemen ayaa sidoo kale weeraray goobo ay Xuutiyiintu ku sugnaayeen oo ku yaalla gobolka Dhubab, kaas oo ku teedsan marinka badda ee Bab al-Mandab.

    Sida uu sheegay Majid Abdullah Nazili, oo ah afhayeenka ciidamada dowladda Yemen, qaybihii ugu horreeyay ee ciidamada ayaa gaaray aagga Bab al-Mandab, waxayna la wareegeen gacan ku hayntooda.

    Shalay, dowladda Yemen ayaa ku dhawaaqday billowga hawlgal lagu magacaabo "Waqtiga Soo-bixitaanka Qorraxda Yemen", kaas oo looga golleeyahay in dib loogu qabsado dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiintu.

    Wuxuu bartiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku qoray in ka dib markii gobolkaas la hareereeyay, ay maleeshiyaadka Xuutiyiintu ku baxsadeen doonyo.

  5. Iran: Dagaal cusub ayaa harqin doona dhammaan waddamada Mareykanka martigeliya ee gobolka.

    Ali Abdollahi

    Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliyaha Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa sheegay in haddii dagaal cusub uu ka bilaabmo Iran, "dabkiisu uu baabi'in doono dhammaan waddamada gobolka ee ciidamada Mareykanka ay ku sugan yihiin."

    Mr. Abdollahi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in, si ka duwan hadallada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, aysan Jamhuuriyadda Islaamiga ah sugayn natiijooyinka doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, isla markaana ay Iran si "adag" uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo militari oo ka dhan ah.

    Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa sidoo kale ku eedeeyay Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) inay "u dhaqmayso sida yeey xiran maqaar ido," wuxuuna sheegay in hadallada hay'addu ay ka bixisay xarumaha nukliyeerka ee Iran ay yihiin kuwo "aan sal iyo raad toona lahayn."

    Mr. Abdollahi ayaa mar kale ku celiyay in Iran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay wajahdo "halis kasta."

  6. War deg deg ah, Faahfaahin cusub: Boko Haram oo qaadday weerar dad badan ay ku dhinteen

    .

    Wararka ka imaanaya Nigeria ayaa sheegaya in tirada dadka lagu dilay weerar ay kooxda Boko Haram toddobaadkan ka geysatay waqooyiga dalka ay gaartay 28 qof.Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Borno, xilli dadka deegaanka ay u baxeen inay qabtaan shaqooyinkooda.

    Markii hore, 15 qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka, waxaana meydadkooda lagu aasay Khamiistii tuulada Marte. Hase yeeshee, 13 meyd oo kale ayaa dhammaadkii toddobaadka la helay.

    Weerarkan ayaa ka mid ah weerarrada ka dhacay Borno iyo gobollada kale ee waqooyiga Nigeria, kuwaas oo muddo la tacaalayay amni-darro.

    Sidoo kale, koox xiriir la leh Daacish oo sheegata inay dagaal jihaad ah waddo ayaa lagu eedeeyay afduubyo madax-furasho ah, inkastoo dowladda Nigeria ay sheegtay in xaaladda amni ee gobolka ay soo hagaagayso.

  7. War deg deg ah, Israel oo xiraysa marinno muhiim ah oo ku yaalla Daanta Galbeed iyo Gaza

    .

    Mas’uuliyiinta Israel ayaa go’aansaday inay Isniinta iyo Arbacada xiraan Daanta Galbeed iyo marinnada laga galo Marinka Gaza, xilli la xusayo sannad-guurada saddexaad ee weerarradii 7-dii Oktoobar 2023.

    Wasiirka Difaaca Israel, Yisrael Katz, ayaa sheegay inuu ansixiyay soo jeedinta ciidamada ee lagu dhaqan-gelinayo xayiraadaha 5-ta iyo 7-da Oktoobar, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay qiimeynta xaaladda amni iyo xuska sannad-guurada weerarrada.

    Xayiraadaha Daanta Galbeed waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka ciidamada iyo qiimeynta amniga. Si kastaba, waxaa jiri doona dad laga qafiifinayo ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka muhiimka ah iyo xaalado gaar ah.

    Sidoo kale, laba maalmood ayaa la xirayaa marinnada laga galo Gaza, taasoo xaddidi doonta dhaqdhaqaaqa dadka Falastiiniyiinta.

    Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Israel ay adkeyneyso tallaabooyinka amni ka hor sannad-guurada weerarradii 7-dii Oktoobar, kuwaas oo sababay dagaal weyn oo u dhexeeya Israel iyo Xamaas.

  8. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    .

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

  9. War deg deg ah, Arrin khatar ku ah hooyooyinka uurka leh oo la shaaciyay iyo sababta

    .

    Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan isbeddelka cimilada ayaa ka digay in kulaylka daran uu khatar weyn ku yahay haweenka uurka leh iyo dhallaanka.

    Simon Stiell oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kulaylka daran ee la xiriira isbeddelka cimilada uu sii kordhayo xiriirka uu la leeyahay dhalmada xilli hore, dhalmada ilmo dhintay iyo dhibaatooyin caafimaad oo ku dhaca hooyooyinka.

    Waxaa la filayaa inuu sidaas u sheego ergooyinka shirka isbeddelka cimilada ee ka dhacaya Fiji, isagoo xiganaya daraasad cusub oo muujisay in ku dhawaad saddex-meelood meel afar ka mid ah khubarada caafimaadka hooyada ay sheegeen in shantii sano ee la soo dhaafay ay kordheen dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha kulaylka daran.

  10. War deg deg ah, Maxaa ka soo kordhay ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo Xabsi ku jira

    .

    Kumannaan taageerayaal ah oo u ololeynaya sii deynta ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa ku wajahan caasimadda Islamabad.

    Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo caafimaadka Khan oo 73 jir ah. Qoyskiisa ayaa sheegay in araggiisa isha midig uu si weyn u daciifay, iyagoo ku eedeeyay maamulka xabsiga inuu ku guuldarreystay inuu qaado tallaabooyinka caafimaad ee loo baahnaa.

    Khan, oo hore u ahaa xiddig cricket-ka ah, ayaa sannadkii hore lagu xukumay 17 sano oo xabsi ah iyadoo loo haysto kiis musuqmaasuq ah. Isaga ayaa sheegay in dhammaan dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin kuwo siyaasadeysan.

    Inkasta oo uu xiran yahay, Khan weli waa shaqsi saameyn weyn ku leh siyaasadda Pakistan, waxaana dibadbaxyada taageerayaashiisa hore uga dhashay rabshado dhimasho sababay.

    Dibadbaxyada Axaddii ka billowday magaalada Lakki Marwat ayaa hakad galay habeenkii, waxaana la filayaa inay dib u bilowdaan galabta.

    Xisbiga PTI ayaa sheegay in wada-hadalladii dowladda ay fashilmeen, kaddib markii maamulka uu diiday codsigooda ahaa in loo oggolaado inay la kulmaan Khan si ay ugala tashadaan arrimaha siyaasadda iyo dalka.

    Xisbiga ayaa sidoo kale dalbaday in Khan si degdeg ah loo baaro caafimaadkiisa, lana siiyo daaweyn ku habboon.

  11. War deg deg ah, Israa'iil oo hoggaamiye Ingiriiska ka soo jeeda ka mamnuucday dalkeeda

    .

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay inay ka mamnuucday in dalka uu galo Zach Polanski, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Green Party ee Britain.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii xisbiga Green Party uu ansixiyay mooshin uu ku tilmaamaya “Sahyuuniyadda” cunsuriyad.

    Inta badan xubnaha xisbiga ayaa taageeray mooshinka intii lagu jiray shirkii sannadlaha ahaa, inkastoo qaar ka mid ah madaxda xisbiga ay kasoo horjeesteen.

    Golaha Wakiillada Yuhuudda Britain iyo Golaha Hoggaanka Yuhuudda ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ku tilmaamidda Yuhuudda iyo hay’adaha Yuhuudda Britain inay yihiin cunsuriyiin ay sii hurinayso nacaybka Yuhuudda ee dalka.

    Madaxa xubnaha Yuhuudda ee Green Party ayaa sheegay inuu dib u eegayo xubinnimadiisa xisbiga.

  12. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo gordhawed Galgaduud gaaray

    .

    Ra'iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoogaainayo ayaa saaka gaaray degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu soo dhaweyay.

    Sababta uu ra'iisul wasaaruhu u tagay Ballanbal ayaa lagu sheegay in uu ka qayb galayo shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo beelaha wada dega Waqooyiga gobaolkaas Galgaduud.

    Muddooyinkii la soo dhaafay gobolkaas waxaa ka dhacayay dagaallo u dhaxeeyay beelaha halkaa wada dega, iyadoo inta badan colaadda halkaasi ay salka ku hayso aanooyin qabiil.

  13. War deg deg ah, Degdeg: Ra'iisul wasaaraha Spain oo wajahaya culus iyo cadaadis xooggan

    Spain

    Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo doorasho baarlamaan oo degdeg ah, xilli uu maanta jeedinayo khudbad laga sii daawan doono telefishinka.

    Sánchez ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajahayay cadaadis sii kordhaya, kaas oo xoogaystay kaddib markii dowladdiisu Jimcihii ku guuldarreysatay cod muhiim ah oo ku saabsanaa tallaabooyin guryaha la xiriira.

    Tallaabooyinkan ayaa la diyaariyay kaddib dibadbaxyo dalka oo dhan ka dhacay, kuwaas oo looga soo horjeeday in haweeney 87 jir ah laga saaro gurigeeda, kadib markii kirada si weyn loo kordhiyay.

    Dowladda Sánchez ayaa sidoo kale wajahaysa fadeexado iyo dacwado maxkamadeed oo saameeyay xisbiga Socialist Party iyo qaar ka mid ah xulafadiisa dhow.

    Ra’iisul wasaaraha Spain ayaa hadda aan haysan aqlabiyad baarlamaan.

  14. War deg deg ah, Mareykanka oo weerar ku laayay dad doon saarnaa

    .

    Taliska Mareykanka ee Koonfurta ayaa Axaddii, weerar ku qaaday doon kuwa dheeraysa ah oo uu sheegay inay ku shaqaynaysay waddooyin loo adeegsado tahriibinta daroogada ee Kariibiyaanka.

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in afarta qof ee doonta saarnaa, oo uu ku tilmaamay “argagixisada daroogada”, lagu dilay weerarka.

    Si kastaba, Mareykanku ma uusan shaacin nooca daroogada ama caddeymaha muujinaya waxa doonta ay sidday.

    Hawlgallada noocan ah ayaa hore loogu dhaleeceeyay dhinaca sharciga caalamiga ah, iyadoo qaar ka mid ah khubarada ay ku eedeeyeen Mareykanka inuu galay dambiyo dagaal.

    Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah daroogada iyo in kooxaha daroogada lagu daray liiska ururrada “argagixisada ah.

  15. War deg deg ah, Dowladda Yemen oo xuutiyiinta ku qaadday weerarro tiro badan

    Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in ay qaadeen 1,122 weerar oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay leeyihiin Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan goobo madaafiic, gantaallo iyo xarumo talis.

    Majid Cabdullaahi Nazili ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in weerarrada loo adeegsaday diyaarado dagaal, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo, madaafiic iyo hoobiyaal.

    Wuxuu sheegay in weerarradu ka dhaceen gobollada Saada, Al-Jawf iyo Tacis, iyo sidoo kale deegaannada xeebaha Yemen.

    Sida uu sheegay, ku dhawaad 1,747 xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa lagu dilay weerarradaas.

  16. Cirbad ragga ka hor istaagaysa in ay dhalaan iyo dood ka dhalatay

    .

    Maalmahan, tijaabo ay sameeyeen Golaha Baaritaanka Caafimaad ee Hindiya (ICMR) ayaa qabsatay caalamka.

    Tijaabadan caafimaad ee cirbadda dhalmada joojisa ee ragga ayaa la sameeyay kaddib toddobo sano oo baaritaan ah oo haatan soo gabagaboobay.Tan micnaheedu waa in haatan la ansixiyay isticmaalka cirbaddan.

    ICMR ayaa sheegtay in cirbaddan aysan lahayn wax saameyn taban ah ayna aad waxtar u leedahay.

  17. Maxay dareemaan ragga iyo dumarku marka ay Timuhu ka daataan?

    .

    Xilli fiid ah, anigoo isu diyaarinaya dhalashada saaxiibaday, 17 maalmood kaddib fadhigeygii ugu horreeyay ee Kimikada ee kansarka naasaha, timahaygu waxay bilaabeen in ay si kedis ah ugu daataan Musqusha qubayska ee hoteelka.

    In kasta oo aan xidhnaa koofiyada, si ay timaha u badbaadiso, haddana ii ma shaqayn. Luminta timahayga waxay iiga xanuun badnayd xataa naaskii la iiga jaray qalliinka, sababtoo ah waxaan ogaaday in timuhu ay qayb ka ahaayeen aqoonsiga qofnimadayda.

  18. War deg deg ah, Cabsi darteed guryaheenna ma seexanno

    .

    Dadka ku nool magaalada Wasagu iyo ku dhawaad toddobo magaalo oo kale oo ka tirsan deegaanka Danko/Wasagu ee gobolka Kebbi ee Nigeria ayaa weli wajahaya dhibaato ka dhalatay kooxaha hubeysan.

    Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan guryahooda seexan muddo shan bilood ah, halka xaaladda amnigu ay sidoo kale caqabad ku noqotay goosashada iyo gaadiidka dalagyadooda.

    Khamiistii, in ka badan 20 qof ayaa laga soo daadgureeyay beerahooda, kadib cabsi laga qabay weerarro.

    Booliska Nigeria ayaa sheegay inay tallaabooyin qaadayaan si wax looga qabto xaaladda, iyagoo la shaqeynaya dowladda gobolka Kebbi.

    Qof deegaanka ah ayaa BBC u sheegay in magaalada Wasagu ay cabsi iyo qalalaase ka jiraan.

    Wuxuu yiri: “Meel kasta oo aad Wasagu ka baxdo ama aad ka soo gasho, waad ogaan kartaa inaad bixi karto, balse ma garanaysid inaad si nabad ah ugu soo laaban karto, sababtoo ah kooxahan hubeysan meel kasta ayaad kula kulmi kartaa.”

  19. War deg deg ah, Dhamaan dadkii saarnaa diyaarad badda ku burburtay oo laga cabsi qabo in ay dhinteen

    .

    Lix qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen shil diyaaradeed

    Lix qof oo saarnaa diyaarad caafimaad oo Sabtidii ka duushay Bermuda kuna sii jeeday Boston ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen, kadib markii diyaaraddii ay la socdeen ay ku dhacday badda.

    Ilaalada Xeebaha Mareykanka ayaa Axaddii hakiyay baadigoobkii loogu jiray dad ka badbaaday shilka, kaas oo ka dhacay meel u dhow jasiiradda Nantucket ee gobolka Massachusetts.

    Diyaaradda ayaa la waayay wax yar kadib 1:00 habeenimo, waxaana markii dambe la helay cadad la xaqiijiyay in ay yihiin burburka diyaaradda.

    Shirkadda Latitude Air Ambulance ayaa sheegtay in diyaaradda ay saarnaayeen afar muwaadin oo Canadian ah iyo laba muwaadin oo Bermuda ah.

  20. War deg deg ah, Shir ka dhacay Sacuudiga oo looga hadlayo xaaladda Yemen

    .

    Caasimadda Sacuudiga ee Riyad ayaa Isniinta maanta ah martigelin doonta kulan ay yeelanayaan dalalka xubnaha ka ah “Heshiiska Maka ee Difaaca Wadajirka ah”, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

    Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda, kulanka waxaa ka qaybgalaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yaşar Güler iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Selçuk Bayraktaroğlu, iyo sidoo kale wakiillo ka socda Sacuudiga iyo Pakistan oo iyaguna saxiixayaasha heshiiska ka mid ah.

    Kulanka ayaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo horumarka laga sameeyay dadaallada lagu xoojinayo isbahaysiga, iyo sidii loo siin lahaa qaab hawleed rasmi ah.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa Jimcihii sheegay in Iran ay muujisay inay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dadaallada dhexdhexaadinta siyaasadeed ee lala xiriirinayo fallaagada Xuutiyiinta, arrintaas oo la filayo in kulanka looga hadlo.

    Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Yemen, oo Sacuudigu taageero, ay ku dhawaaqday inay bilowday howlgallo militari oo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Ansar Allah ee Xuutiyiinta, oo Iran taageerto, iyadoo ujeeddadu tahay in dib loogu soo celiyo saameynta iyo gacan-ku-haynta deegaannada ay kooxdaasi maamusho.