Da'dee ugu wanaagsan inay dhallinyaradu ku guursadaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Runtii ma jirto da' go'an oo sharciga ama dhaqanku uu ku xukumay qofka inuu ku guursado.
Bulshada dhexdeeda waxaa ku badan fikradda ah in qofka da'diisu weynaato isagoo aan guursan uu la kulmo culeys nafsi ah ama isbeddel dabeecadeed, balse khubaradu waxay leeyihiin waxa ugu muhiimsan waa diyaar garowga qofka.
Diyaar-garowgaasi waa inuu ahaadaa mid dhameystiran: dhaqaale ahaan, maskax ahaan iyo masuuliyad ahaanba.
Dadka qaar ayaa aaminsan in qofka da'diisu weynaato isagoo aan guursan uu yeelan karo dabeecado bulshada ka duwan ama uu la kulmo walwal caafimaad maskaxeed. Balse xaqiiqda dhabta ah waxay tahay, waxa da'da ka muhiimsan waa biseylka iyo sida uu qofku ugu diyaar-garoobay nolosha dhabta ah.
Su'aasha ugu weyn ee qofku is weydiinayo waa: Dhaqaale ahaan ma isku filanahay? Ma qaadi karaa culeyska iyo masuuliyadda loo baahan yahay si loo dhiso qoys faraxsan?
Khubarada cilmiga bulshada iyo caafimaadka waxay isku raacsan yihiin in guurku ku yimaado biseyl iyo buuxinta shuruudo nololeed oo muhiim ah, ee uusan ku xirnayn tiro da' ah oo kaliya.
Waxyaabaha ay tahay in dhalinyaradu tixgeliyaan ka hor inta aysan guurka go'aansan
1. Isku-filnaanshaha Dhaqaalaha
Tani waa tiirka ugu weyn, gaar ahaan dhanka ragga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr. Bashir Achida oo ah khabiir dhaqaale oo ka tirsan Jaamacadda Usmanu Danfodiyo ee Sokoto wuxuu qabaa in qofka doonaya guurka uu lahaado ilo dhaqaale oo xalaal ah, xitaa haddii uu yar yahay.
Ugu yaraan waa inuu awood u leeyahay inuu bixiyo saddexda tiir ee qoyska: cuntada, dharka iyo hoyga.
Wuxuu intaas ku daray in tani ay dhalinyarada barayso sida loo maareeyo dakhliga yar ee ay helaan, iyagoo iska ilaalinaya xad-dhaafka iyo khasaaraha, isla markaana yeelanaya qorshe kharash oo habaysan.
Inkastoo ay jiraan dhalinyaro ay waalidkood ama eheladoodu u qabtaan qarashka guurka, Dr. Achida wuxuu hoosta ka xariiqay inaysan tani ahayn xal waara, oo aysan dhalinyaradu ku tiirsanaan.
"Guurku waa nolol cusub oo gebi ahaanba ka duwan tii hore. Waa masuuliyad ay ku soo biiri doonaan dad kale, gaar ahaan carruur mustaqbalkooda loo diyaar garoobo," ayuu yiri Dr. Achida.
Wuxuu ku taliyay in qofku uusan eegin oo kaliya waxa jeebkiisa ku jira maanta, balse uu yeesho aragti fog oo ku saabsan halka uu dhaqaalihiisu ku wajahan yahay berri, iyo sida uu mustaqbalka u maareyn doono.
Wuxuu kaloo carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in dhalinyaradu doortaan lammaane garab is siin kara, oo xitaa dhibaatada u adkeysan kara haddii midkood uu waayo shaqo ama uu xanuunsado.
2. Qaangaarnimada iyo Caafimaadka
Dhinaca caafimaadka, khubaradu waxay sheegayaan in marka calaamadaha qaangaarnimadu soo baxaan, jirku uu diyaar u yahay inuu qaado masuuliyadda guurka.
Dr. Ahmad Sabo oo ka tirsan Jaamacadda Jos wuxuu sheegay in qaangaarnimadu aysan ku filnayn, balse ay lagama maarmaan tahay in lammaanaha ay sameeyaan baaritaan caafimaad oo dhiigga iyo hidde-sidaha ah ka hor guurka, gaar ahaan haddii ay carruur doonayaan.
Wuxuu xusay in calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto qaangaarnimada ragga iyo dumarka ay yihiin:
- Codka wiilka oo isbedela oo cuslaada.
- Soo bixitaanka garka iyo shaarbaha.
- Koritaanka laabta ee gabdhaha.
- Dareen cusub oo jirku barto.
- Isbedel ku yimaada urka jirka.
Dr. Sabo wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qof walba uu horay u ogaado xaaladdiisa caafimaad iyo tan lammaanihiisa, si loo garto wixii caqabad ah oo saameyn ku yeelan kara caafimaadka qoyska cusub iyo kan carruurta mustaqbalka.
Wuxuu intaas ku daray in ay lagama maarmaan tahay in la eego taariikhda caafimaad ee qoyska, si loo ogaado haddii ay jiraan xanuuno la iska dhaxlo.

Xigashada Sawirka, alameen.ng/IG
3. Dhinaca Da'da
Haddii da'da laga hadlo, 18 sano wixii ka sareeya ayaa guud ahaan loo arkaa in qofku gaaray biseyl dhanka sharciga, diinta iyo maskaxda ah.
Professor Shehu Saleh oo ku takhasusay caafimaadka maskaxda iyo dhaqanka aadanaha ee Jaamacadda Bayero ee Kano wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in da' cayiman lagu qasbo qofka.
Wuxuu caddeeyay in tiirarka ugu muhiimsan ay yihiin saddex arrimood: in qofku qaangaaray, inuu yeesho caqli iyo maskax buuxda, iyo inuu awood u leeyahay inuu xambaaro masuuliyadda qoys.
"Tani waa tallaabada ugu weyn ee lagu garto qaangaarnimada dhabta ah, waa marka uu qofku awood u yeesho inuu go'aan ka gaaro masiirkiisa, isla markaana uu si buuxda u qaato masuuliyadda noloshiisa," ayuu yiri Professor Saleh.
Khubaro badan waxay qabaan in da'da u dhexeysa 22 ilaa 27 ay tahay waqtiga ugu habboon ee guurka, maadaama inta badan dhalinyarada da'daas ay soo gabagabeeyeen waxbarashadii ama xirfaddii, isla markaana ay bilaabayaan isku-filnaansho iyo degganaasho nololeed.
Hase yeeshee, sida uu khabiirku xusay, ma aha qof kasta oo gaaray da'daas inuu si toos ah diyaar ugu yahay guurka.
"Da'du kaliya ma go'aamiso, arrintu waxay ku xiran tahay heerka biseylka maskaxeed ee uu qofku ka gaaray da'da 18 sano wixii ka dambeeya," ayuu yiri.
Maxaa dhacaya haddii uu qofku muddo dheer guur la'aan joogo?
Dad badan ayaa aaminsan in qofka da'da ku weynaada isagoo aan guursan uu la kulmo culeys nafsi ah ama uu u dhaqmo si aan caadi ahayn.
Balse Professor Saleh wuxuu meesha ka saaray aragtidaas, isagoo sheegay inaysan jirin caddayn cilmiyeed oo arrintaas xaqiijinaysa.
Wuxuu xusay in qaangaarnimadu aysan ku xirnayn da' keliya, qaar ayaa da' weyn gaara iyagoo aan weli bislaan, halka qaar kalena ay muujiyaan biseyl iyo degganaasho iyagoo aad u yar.
"Ma aha da'da kaliya ee qofka qaabeysa, qof 30 jir ah ayaa mararka qaar caqli ahaan la mid noqon kara mid 15 jir ah," ayuu yiri khabiirku.
Wuxuu sheegay in dhibka ugu badan ee guur la'aantu keento uu yahay walwalka iyo culeyska bulshada ka yimaada.
Wuxuu carabka ku adkeeyay inuusan jirin cilmi-baaris rasmi ah oo caddaynaysa in maskaxda qofka ay dhaawacanto kaliya sababtoo ah guur la'aan.
"Dhibta ugu weyn waa tan ku gaareysa adiga oo kaliya," ayuu yiri.
Dhinaca kale, waxaa jira fikrad bulshada ku dhex faafsan oo sheegta in dib u dhigista guurku ay dhibaato ku keento caafimaadka taranka ragga.
Hase yeeshee cilmi-baaris lagu daabacay National Library of Medicine sanadkii 2017 ayaa meesha ka saartay aragtidaas, iyadoo caddeysay inaysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya in guur la'aanta muddada dheer ay waxyeelo u geysato awoodda taranka.
Cilmi-baaristu waxay xaqiijisay in jirka raggu leeyahay nidaam dabiici ah oo si joogto ah u cusbooneysiiya, isla markaana u nadiifiya.
Cilmi-baaristu waxay sheegtay in muddada uu qofku joogo, ay saameyn ku yeelan karto xaddiga marka dambe, balse aysan waxba u dhimeyn tayada.
Sida cilmi-baaristu qabto, marka nolosha guurku bilowdo, jirku wuxuu si caadi ah u sii wadaa nidaamkiisii cusbooneysiinta, sidaa darteed muddada dheer ee guur la'aantu kama hor istaageyso in qofku mustaqbalka ubad yeesho.
Dumarka, sidoo kale cilmi-baaristu waxay caddeysay in caafimaadka ukunta uusan ku xumaanin kelinimada, haweeneydana aysan lumin fursadda hooyonimada kaliya sababtoo ah in guurkeedu uu dib dhacay.
4. Aqoon iyo fahamka nolosha qoyska
Khubarada dhaqanka waxay qabaan in dhalinyarada guurka hiigsaneysa ay leeyihiin faham qoto dheer oo ku saabsan maareynta qoyska, awoodda xakameynta xanaaqa, iyo yeelashada is-dulqaad iyo is-xakameyn.
Dr. Achida wuxuu ku daray in ay lagama maarmaan tahay in qofku barto xuquuqda uu lammaanihiisa ku leeyahay, gaar ahaan kuwa diinta iyo dhaqanka suubani dhigeen.
Aqoon u lahaanshaha sida loola noolaado lammaanaha si xushmad, kalgacal iyo is-qadarin ku jirto, ayaa ah tiirka ugu weyn ee lagu dhiso guur guuleysta ka hor inta aan loo tallaabsan.
Dr. Sabo isna wuxuu tilmaamay in la door bido dhalinyarada awoodda u leh xakameynta xanaaqa, ee lagu yaqaano dabeecad wanaagga.
Sidoo kale wuxuu xusay in dhalinyaradu ay ogaadaan in guurku uusan ahayn cayaar iyo madadaalo oo kaliya, balse uu yahay ballan culus oo ku fadhiya daryeel, dulqaad, iyo naf-hurnimo joogto ah.


























