Sarkaal sare oo ka tirsan jabhadda Tigrayga oo isaga ilaaladiisu ay is dhiibeen

Gen Yohannes
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Sida ay sheegeen laba il wareed oo xiriir dhow la leh milatariga Itoobiya oo la hadlay BBC-da, Sareeye gaas Yohannes Woldegiorgis, oo ahaa taliyaha Jiidda Koonfureed ee ciidamada Tigrayga, ayaa la sheegay inuu isku dhiibay Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) iyo Ciidamada Nabadda ee Tigrayga ee bahwadaagta la ah.

Isku dhiibistan weli si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jiro wax war rasmi ah oo ilaa hadda laga soo saaray. Si kastaba ha ahaatee, dadka taageera dowladda ayaa baraha bulshada ku faafinaya warar sheegaya in Yohannes uu isku dhiibay ciidamada dowladda.

Yohannes oo si weyn loogu yaqaanay naanaysta ah "John Medid," wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya ee dhanka milatariga ee Tigrayga.

Sida ay ilo wareedyadu sheegeen, Jeneraalkan ayaa Isniintii lagu qabtay deegaan xuduud la leh Eritrea, kaas oo ka tirsan degmada Rama ee aagga Dhexe ee gobolka waqooyi, ka dib markii ay hareereeyeen ciidamo ka tirsan milatariga Itoobiya iyo xubno ka tirsan Ciidamada Nabadda ee Tigrayga.

Waxaa la sheegay in xilliga hawlgalku dhacayay ay la socdeen ilaaladiisa gaarka ah, toddobo taliye oo haysta darajada Gaashaanle Sare, iyo saraakiil kale oo dhowr ah.

Mid ka mid ah ilo wareedyada ayaa u sheegay BBC-da in Sareeye gaas Yohannes uu hadda ku sugan yahay magaalada Adwa.

Sareeye Gaas Yohannes wuxuu xubin ka ahaa Taliska Dhexe iyo Golaha Taliska Milatariga ee ciidamada Tigrayga.

Waxaa la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaatay dib u habeynta iyo dib u ururinta ciidamada Tigrayga intii lagu jiray sanadkii 2021-kii, ka dib guuldarrooyinkii soo gaaray bilowgii dagaalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka hor khilaafka siyaasadeed ee dhex maray dowladda federaalka iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF), Yohannes wuxuu xilal sare ka soo qabtay ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, isagoo soo noqday taliyaha Taliska Galbeedka ee ciidamadaas.

Sanadihii ugu dambeeyay, Yohannes wuxuu noqday mid aan kaliya ahayn taliye ciidan, balse sidoo kale shakhsi siyaasadeed oo miisaan leh. Wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ka soo horjeestay maamulkii uu hoggaaminayay Getachew Reda, oo ahaa madaxweynihii hore ee Maamulka Ku meel-gaarka ah ee Tigrayga.

Wuxuu ka soo muuqday warbaahinno dhowr ah, wuxuuna caan ku noqday hadallo xasaasi ah oo dhanka siyaasadda ah, xilli ay sii kordhayeen kala qaybsanaanta ka dhex jirtay hoggaanka Tigrayga.

Wararka sheegaya inuu is-dhiibay ayaa imanaya xilli isbeddello waaweyn ay ka dhacayaan xaaladda militari ee Tigrayga. Ka dib markii ay dib u billowdeen dagaallada koonfurta Tigrayga, ciidamada Tigrayga ayaa muddo gaaban gudaheed dib loogu riixay dhanka xuduudda Eritrea.

Ciidamada federaalka Itoobiya iyo xulafadooda ka tirsan "Ciidamada Nabadda ee Tigrayga" ayaa hadda la sheegayaa inay gacanta ku hayaan qaybo badan oo ka mid ah gobolka, oo ay ku jirto caasimadda gobolka ee Mekelle.

Haddii la xaqiijiyo, is-dhiibitaanka Yohannes wuxuu noqon doonaa dhacdo muhiim ah oo ku aaddan colaadda, waxaana la rumeysan yahay inay tahay markii ugu horreysay oo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Tigrayga uu isku dhiibo ciidamada federaalka Itoobiya, tan iyo markii uu billowday dagaalka sanadkii 2020-kii, dagaalkaas oo sababay dhimashada in ka badan nus milyan qof.