Siddeed dal oo Muslim ah oo ka soo horjeestay tallaabo ay qorsheyneyso Israa'iil

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Siddeed waddan oo Muslimiintu u badan yihiin ayaa cambaareeyay siyaasadda deegaamaynta Israa'iil ee Daanta Galbeed iyagoo si wadajir ah u soo saaray bayaan, iyagoo ku tilmaamay qorshahaan deegaameynta ee loo yaqaan "Y-1," "mid khatar ah oo xiisado sii kordhinaya."
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dhowr waddan, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Masar, Pakistan, iyo Indonesia, ayaa muujiyay inay ka soo horjeedaan qorshaha.
Horay, koox ka kooban toddobo waddan, oo ay ku jiraan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, iyo Kanada, ayaa ka codsaday shirkadaha inaysan ka qayb qaadan dalabyada dhismaha magaalooyinkan.
Dowladda Israa'iil waxay qorshaysay degsiimo la yiraahdo Y1, oo lagu dhisi doono kumanaan guri oo laga dhisayo Bariga Qudus.
Dadka dhaliila ayaa sheegaya in hirgelinta qorshahan ay carqaladeyn doonto sii jritaanka juqraafiyeed ee u dhaxaysa waqooyiga iyo koonfurta Daanta Galbeed waxayna ka dhigi doontaa abuurista dowlad midaysan oo Falastiin ah mid adag.
Cambaareyntan ayaa timid xilli ay xukuumadda Israa'iil dardargelisay ballaarinta deegaameyta ee Daanta Galbeed.

Xigashada Sawirka, EPA
Labaatan sano ka hor, xukuumaddii Israa'iil ee xilligaas ayaa dadka ka daad-gureysay magaalada Kadim oo ku taal waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto, balse hadda waxaa magaaladaas dib ugu soo laabtay jiil cusub oo reer Israa'iil ah.
Sidoo kale, xukuumadda hadda jirta ee Israa'iil ayaa qaadday xayiraaddii saarnayd deegaameysiga iyo degganaanshaha aagagga ku hareeraysan magaalada Jenin, taas oo la soo rogay ka dib markii deegaannadaas laga guuray sannadkii 2005-tii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, degitaannada Israa'iil ee dhulalka la haysto waxaa loo arkaa kuwo sharci-darro ah, balse Israa'iil way diiddan tahay aragtidaas.
Kadim waa tii ugu dambaysay ee afar deegaan oo laga guuray sannadkii 2005-tii, haddana dib loo furayo.
Dib-u-furidda afartan deegaan ayaa ah qayb yar oo ka mid ah qorshaha ballaaran ee dawladda Israa'iil ay ku ballaarinayso degitaannada dadkeeda ee dhul ku yaalla Daanta Galbeed.
Tan iyo markii uu xukunka qabtay dabayaaqadii 2022, dowladda Benjamin Netanyahu waxay ansixisay dhismaha in ka badan boqol degsiimo cusub oo ku taal Daanta Galbeed, sagaal iyo toban ka mid ahna waxay ku yaalliin waqooyiga dhulka.
Kamal Abu al-Rab, madaxa Maamulka Falastiiniyiinta ee Jenin, ayaa u sheegay BBC inuu ka walaacsan yahay in qabsashada dhulka ku wareegsan xerada ay u gogol xaarto degsiimooyinka Israa'iil ugu dambayntiina ay magaalada u qaybiso qaybo kala duwan.
Wuxuu xaaladdan barbar dhigay xaaladaha ka jira Hebron iyo Jerusalem.
Weriye ka tirsan BBC-da Bariga Dhexe Lucy Williamson ayaa sheegtay in isbeddello ay si degdeg ah uga dhacayaan gobolka.
Waxay qortay in dhowr toddobaad ka hor ay fadhiday dukaan qaxwada lagu cabo oo ku yaal Wadada Kadim, laakiin hadda meeshaas iyo tobanaan dukaamo Falastiiniyiin ah iyo ganacsiyo ku hareeraysan ay burburiyeen ciidamada Israa'iil.
Ka dib markii la dardargeliyay dhismaha degsiimooyinka Israa'iil, siddeed waddan oo Muslimiintu u badan yihiin ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareynayaan siyaasadda waxayna ku baaqeen in la joojiyo.
Laakiin waagii hore, dowladda Israa'iil kama aysan laaban qorshayaasha lagu dhisayo degsiimooyinka inkastoo ay ka soo horjeedeen.
Horumarradan ayaa sii socda iyadoo Israa'iil ay isu diyaarinayso doorashooyinka Oktoobar, ballaarinta deegaamaynta iyo burburinta dhismayaasha Falastiiniyiinta ayaa noqday arrimo muhiim ah oo ku saabsan isku dhaca siyaasadeed iyo dhuleed ee ka jira Daanta Galbeed.














