Dagaalka Ukraine ayaa igu qasbay inaan u weecdo hooyonimada kireysan si aan lacag u helo, balse sharci cusub ayaa joojin kara qorsheyaashaas

- Author, Sofia Bettiza
- Role, World Service Global Health Reporter
- Reporting from, Kyiv
- Author, BBC News Ukrainian
- Published
- Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo
Karina waxay leedahay lix bilood oo uur ah, balse uurjiifka ku jira caloosheeda ma aha keeda.
Gabadhan 22-jirka ah ee ka soo jeedda bariga Ukraine waa hooyo la kireystay, waxayna uurka ku siddaa uurjiif ka yimid ukunta iyo shahwada lammaane u dhashay Shiinaha.
Markii ay jirtay 17 sano, gurigeeda ayaa la burburiyay xilli ay magaaladeeda Bakhmut noqotay mid ka mid ah goobaha dagaalka ugu culus marxaladihii hore ee duullaanka buuxa ee Ruushku qaaday.
Iyadoo inta badan magaalada ay isu beddeshay burbur iyo dambas, iyada iyo lammaaneheeda waxay u guureen Kyiv, balse waxaa ku adkaatay inay helaan shaqo joogto ah.
Waxay ahayd maalin ay dukaanka joogtay, iyadoo aan lacag ku filan u haysan inay ku iibsato rooti iyo xafaayad loo xiro gabadhooda hal sano iyo bar jirta, markaas ayay go'aansatay inay u jeedsato hooyonimada kireysan ee lacagta lagu helo.
Waxay sheegtay in dagaalku "igu riixay hooyonimada kireysan," isla markaana haddii uusan dagaalku jiri lahayn aysan waligeed tixgelin lahayn. Dagaalku wuxuu sababay in malaayiin qof ay lumiyaan shaqooyin iyo ganacsiyo, sicir-barar sarreeya, iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqaalaha Ukraine.
"Bilowgii, noqoshada hooyo kireysan waxay igu abuurtay caro iyo niyad-jab, laakiin hadda waan aqbalay," ayay tiri Karina Tarasenko oo hadda ku nool daafaha Kyiv, gaar ahaan guri ay siisay xarunta ay la shaqeyso. Waxay uurka ku siddaa gabar.
Waxay heli doontaa £12,500 (qiyaastii $17,000), oo ku dhowaad labanlaab ka badan celceliska mushaharka Ukraine, inkastoo ay lacagta inteeda badan heli doonto marka ay umusho ka dib.
Karina markii hore waxaa loo ballanqaaday £15,500 ($21,000), balse markii mid ka mid ah mataanaha ay uurka ku sidday uu dhintay, lacagta ayaa laga dhimay, sida ku qorneyd heshiiskeeda.
In kasta oo markii hore ay ka labalabeysay, hadda Karina waxay qorsheyneysaa inay dhasho carruur badan oo qaabkan kirada ah la isticmaalayo inta jirkeedu oggolaanayo, si ay lacag ugu urursato inay guri iibsato.
Laakiin go'aankaas waxaa laga yaabaa in dhawaan laga qaado gacanteeda.

Xigashada Sawirka, BioTexCom
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ka hor dagaalka, Ukraine waxaa si weyn loogu arkayay inay tahay xarunta labaad ee ugu weyn adduunka ee hooyonimada kireysan ee laga ganacsado, iyadoo ku xigta Mareykanka.
In kasta oo dagaalku si weyn u saameeyay arrimaha hooyonimada kireysan, haddana khubarradu waxay BBC World Service u sheegeen in ay ku dhowaad dib ugu laabteen heerarkii ka hor dagaalka.
Hase yeeshee, baarlamaanka Ukraine ayaa hadda ka fiirsanaya sharci lagu adkeynayo kormeerka waaxdan hooyonimada kireysan, isla markaana si wax ku ool ah u mamnuucaya inay ka faa'iidaystaan dadka ajaanibka ah, kuwaas oo ka dhigan 95% waaliddiinta dalbanaya. Soo jeedimahan waxay taageero ballaaran ka haystaan baarlamaanka Ukraine.
Sharcigan cusub wuxuu ujeedkiisu yahay in si adag loo maamulo warshad lagu eedeeyay inay taranka u beddeshay badeecad ganacsi isla markaana ay ka faa'iideysato haween sabool ah oo nugul. Taageerayaasha sharciga ayaa sidoo kale ku doodaya in haweenka Ukraine aysan ku habboonayn inay carruur u dhalaan dad ajaanib ah xilli heerka dhalmada uu si weyn hoos ugu dhacay sabab la xiriirta dagaalka—inkastoo carruurta ku dhalata qaabkan ay yihiin qeyb yar oo ka mid ah guud ahaan dhalashada.
"Dagaalka dartiis, tirada haweenka rajo beelay ayaa sii kordhaysa, waxaana xarumaha caafimaadku u soo bandhigaan fursaddan sababtoo ah lammaanayaasha reer Galbeedku waxay rabaan inay carruur si jaban uga iibsadaan," ayay tiri Maria Dmytrieva, oo ah u doode xuquuqda haweenka ah, kana soo horjeedda hooyonimada kirada ah sababo anshaxeed awgood, isla markaana aaminsan in sharcigan la soo jeediyay uusan ku filnayn.
Waxay aaminsan tahay in gebi ahaanba laga mamnuuco dhaqankan gudaha Ukraine.
Waxay ku eedeysay xarumaha hooyonimada kireysan inay si cad u bartilmaameedsadaan haweenka saboolka ah, iyadoo tixraacaysa xayeysiisyada baraha bulshada.
Mid ka mid ah xayeysiisyada la sameeyay iyadoo la adeegsanayo sirdoonka macmalka ah (AI) bishii Janaayo ee sannadkan, oo ay soo dhejisay xarun si ay u qorto hooyooyin cusub, ayaa muujinaya haweeney lagu khasbay inay kala doorato iibsashada alwaax ay shidato oo qabowga uga kulaasho ama dhar ay u iibsato carruurteeda—taas oo ka tarjumaysa dhibaatada badan ee ay dadka Ukraine soo mareen intii uu socday dagaalka.
Xayeysiis kale oo la sameeyay sanadkii 2021, oo ay soo bandhigtay xarunta ugu weyn Ukraine ee hooyonimada kireysan, BioTexCom Centre for Human Reproduction, ayaa xayeysiinayay "qiimo-dhimis Black Friday ah" oo loogu talagalay carruurta qaabkan ku dhasha.
Markii BBC ay su'aal ka weydiisay in xayeysiisyadani loo arki karo kuwo gef ama xadgudub ah, BioTexCom ayaa difaacday, iyagoo sheegay inay wax ku ool u yihiin in dadka lagu baraarujiyo arrimaha hooyonimada kireysan.
Xaruntu sidoo kale waxay wajahday dhaliillo ku saabsan sida ay u shaqeyso. Sannadkii 2018, xafiiska xeer-ilaalinta ayaa bilaabay baaritaan ka dhan ah agaasimaha guud ee xarunta, Albert Tochilovsky, iyo laba kale oo hore uga tirsanaa shaqaalaha, iyadoo lagu tuhmay dambiyo ay ka mid yihiin ka ganacsiga dadka.
Xafiisku wuxuu sheegay in baaritaanka hordhaca ah la hakiyay si loo oggolaado "iskaashi caalami ah" iyo in macluumaad laga soo ururiyo dalal kale.
BioTexCom iyo Tochilovsky waxay sheegeen inay mar walba ku shaqeeyaan sharciga, ayna "si gebi ahaanba u diidayaan eedeymaha."
Xeer-ilaaliyuhu ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedda ka ganacsiga dadka, balse BioTexCom ayaa BBC u sheegtay in arrintu ku lug lahayd is-waafaq la'aan hidde-side oo u dhexaysay waaliddiin iyo ilmo. Xaruntu waxay sheegtay in shaqaalaheedu aanay mas'uul ka ahayn, isla markaana ay "u maleeyaan in dhibaatadu dhacday xilligii la ururinayay shahwada," taas oo ka dhacday dal kale.
Shirkaddu waxay sheegtay inay ka caawiso dadka inay rumeeyaan riyadooda ah noqoshada waalid, siiso haweenka fursad ay si sharci ah lacag ku kasbadaan, isla markaana u fidiso daryeel caafimaad, hoy, iyo cunto.
Karina markii hore waxay la xiriirtay BioTexCom si ay u noqoto hooyo kireysan, balse way ka laabatay inay la shaqeyso xaruntaas, iyadoo dareentay in si qabow loola dhaqmay kulamadii ugu horreeyay.
Carruur laga tegay

Waxaa sidoo kale jira kiisas carruur lagu dayacay ka dib dhalashada marka waaliddiinta dhabta ahi ay go'aankooda beddelaan.
Ukraine gudaheeda, waalidka loogu talagalay ilmaha ayaa sharci ahaan mas'uul ka ah ilmaha marka uu dhasho, waxaana sharci darro ah in ay ka tagaan ilmaha sabab kastaba ha noqotee.
Hase yeeshee, marka si dhab ah loo eego, hirgelinta sharcigan marka ay dalal kala duwan ku lug leeyihiin waa adag tahay.
Wei, oo hadda shan sano jir ah, ayaa la kulmay dhaawac maskaxeed oo daran ka dib markii uu si degdeg ah u dhashay sanadkii 2021. Dhalashadiisa qaabka hooyonimada kireysan ah waxaa soo abaabushay BioTexCom.
Hadda wuxuu ku nool yahay xarun dowladeed oo lagu daryeelo carruurta naafada ah oo ku taal Kyiv.
Markii BBC ay booqatay, Wei wuxuu cunayay muus la shiiday isaga iyo carruurta kale ee ku nool xarunta. Waxay si wadajir ah u fadhiistaan waqti kasta oo cuntada ah.
Wei ma awoodo inuu keligiis fariisto, madaxiisana ma ceshan karo, sidoo kale araggiisu ma fiicna, wuxuuna u baahan doonaa daryeel joogto ah (24 saacadood maalintii) inta ka dhiman noloshiisa.
Markii waaliddiintii loogu talagalay ee ka soo jeeday dal ku yaalla Koonfur-bari Aasiya ay ogaadeen xaaladdiisa, waxay doorteen inaysan qaadan. Si muuqata ayay ugu gacan-seyreen, isku dayo badan oo ay sameeyeen hay'adaha iyo BioTexCom si ay ula xiriiraan ayaa fashilmay.
Hooyadii kireysnayd ee dhashay Wei iyaduna ma dooneynin, sharciyan wax waajibaad ahna kama saarneyn.
Valeria Soruchan oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Ukraine, kana mid ah dadka riixaya isbeddelka sharciga, ayaa sheegtay in "carruur badan" oo ku dhasha qaabkan lagu dayaco, inkastoo dowladda aysan hayn tirooyin rasmi ah.
Iyadu mabda' ahaan kama soo horjeeddo hooyooyinka la kireysto, balse waxay dhaleeceyneysaa nidaamka aan si fiican loo xakameyn ee ka jira Ukraine, waxayna taageersan tahay in laga mamnuuco dadka ajaanibka ah.
Agaasimaha guud ee BioTexCom, Tochilovsky, ayaa waxa dhacay ku tilmaamay "musiibo," isagoo sheegay in marka waaliddiintu dayacaan ilmaha, "annaguna qayb ahaan aan mas'uul ka nahay."
Marka carruur la dayaco, sharci ahaan xarumaha caafimaadka waajib kama saarna inay bixiyaan kharashka loogu daryeelo xarumaha dowladeed, kuwaas oo helaya maalgelin isugu jirta mid dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay, BioTexCom-na wax lacag ah kuma bixin daryeelka Wei.
Carruurta qaba naafo culus sida Wei aad bay u yar tahay in qoys korsada ay helaan. Ilaa 15 qoys ayaa eegay faylkiisa, balse midkoodna muu muujin xiiso uu ku korsanayo.
'Waxay naga dhigeen qoys'

Hase yeeshee, waxaa jira dad ku doodaya in ganacsiga hooyonimada kireysan uu faa'iido u leeyahay dhammaan dhinacyada.
Muddo shan sano ah, Himatraj iyo Rajvir Bajwa oo ka yimid London waxay ku guul darreysteen inay qoys yeeshaan, xitaa ka dib laba jeer oo ay isku dayeen hannaanka ilmo isku beerista ee IVF, ka hor intaysan go'aansan hooyonimada kireysan.
Rajvir, oo 38 jir ah, waxay qabtaa xanuunka endometriosis oo daran, taas oo aad uga dhigaysa mid adag inay uur qaaddo. Sidoo kale waxay qabtaa xaalado kale.
Labada qof waxay ka gaabsadeen inay ku adeegsadaan hooyonimada kireysan gudaha UK, halkaas oo kaliya la oggol yahay nidaamkan oo aan ganacsi ahayn, taas oo micnaheedu yahay in hooyada aan la siin lacag faa'iido ah balse kaliya la daboolo kharashaadka. UK gudaheeda, hooyonimada kireysan waa mid aan si rasmi ah loo nidaamin, waxaana badanaa loo abaabulaa saaxiibbo, qoys, ama hay'ado aan faa'iido doon ahayn oo isku xira waaliddiinta iyo hooyooyinka kireysan.
Sida uu dhigayo sharciga UK, hooyada kireysan ayaa sharci ahaan mas'uul ka ah ilmaha ilaa amar maxkamadeed la sameeyo, kaas oo ku wareejiya mas'uuliyadda sharci ee ilmaha waaliddiinta loogu talagalay.
Himatraj iyo Rajvir waxay ka walaacsanaayeen inaysan isla markiiba helin xuquuq sharci ah oo ku saabsan ilmaha. Waxaa jiray kiisas dhif ah oo hooyooyin kireysan oo aan lacag qaadanin ay ka laabtaan inay bixiyaan ilmaha, inkastoo arrintani aad u yar tahay.
Lammaanuhu waxay aad ula dhaceen sida hooyonimada kireysan uga nidaamsan yahay Ukraine, waxaana kale oo sabab u ahaa qiimaha jaban ee halkaas ka jira.
Waxay adeegsadeen BioTexCom sanadkii hore, iyagoo bixiyay qiyaastii £65,000 ($87,770) — taas oo aad uga yar kharashka Mareykanka, halkaas oo qarashka hooyonimada kireysan uu ka badan karo £110,000 ($150,000). Lammaanuhu waxay sheegeen inay waayo-aragnimo wanaagsan kala kulmeen BioTexCom.
Iyagoo adeegsanaya IVF, waxay London ku sameeyeen uurjiif, kaas oo loo diray Kyiv laguna keydiyay haamaha qaboojinta ee xarunta.
Bishii Juun ee sanadkii hore, waxay gaareen Kyiv si ay uga qayb galaan dhalashada ilmahooda.
Laakiin dib-u-dhaca ka yimid maamulka UK ee dhammaystirka waraaqaha iyo bixinta baasaboorka wiilkooda awgeed, waxay saddexdiisa bilood ee ugu horreeya ku qaateen Kyiv, iyagoo mararka qaar ku dhuumanaya goobo gabbaad ah xilli Ruushku duqeeyay magaalada.
"Waxay ahayd wax cabsi leh oo aan caadi ahayn," ayay tiri Rajvir.
Waxay dib ugu laabteen England iyagoo sita wiilkooda dabayaaqadii Ogosto.
Bishan Juun, waxay u dabaaldegi doonaan sannad-guuradiisa koowaad.
Lammaanuhu waxay ka soo horjeedaan sharciga Ukraine ee la soo jeediyay, iyagoo ku doodaya in hay'addii hooyonimada kireysan ee ay adeegsadeen ay u keentay "farxad iyo raynrayn."
"Waxay na siiyeen wax aanan weligeen u maleynayn inay suurtagal tahay — waxay naga dhigeen qoys," ayuu yiri Himatraj oo 37 jir ah.
Himatraj iyo xaaskiisa waxay doonayeen inay la kulmaan hooyadii kireysneyd, markii ay kulmeenna waxay u geeyeen shukulaato iyo ubax.
Waxay sheegeen inaysan rumaysnayn in la ka faa'iideystay.
"Si cad waxay ahayd doorashadooda, waana hab ay ku noolaadaan. Haddii ay tani ka caawinayso, ugu dambeyn waxaan hubaa in qof walba uu ku faraxsan yahay natiijada."

'Cidna nama qasbeyso'
Karina sidoo kale waxay diidday fikradda ah in ganacsiga hooyonimada kireysan uu yahay mid dadka lagu tacaddiyo.
"Cidna nama qasbeyso. Jirkani waa kayga, go'aankuna waa kayga... Waanan heli doonaa abaal-marintayda anigoo siinaya farxad," ayay tiri.
Waxay ka soo horjeeddaa isbeddelka sharciga, iyadoo sheegtay inuu "gebi ahaanba burburin doono" qorshaheeda ah inay guri iibsato.
Iyadoo hoos u eegaysa caloosheeda, ayay intaas ku dartay:
"Waan ogahay in tani aysan ahayn ilmahayga, balse waan jeclahay. Waan la hadlaa. Marka ay dhaqaaqdo, waxaan u sheegaa in waaliddiinteedu ay sugayaan.
"Waxaan kaliya rajeynayaa inay yeelato nolol wanaagsan."
Tebin dheeraad ah: Fay Nurse, BBC World Service iyo Victoria Prisedskaya, BBC News Ukrainian









