Sawirro la qaaday marki la iclaamiyey geerida Amiir Philip

Published

Qasriga Buckingham waxaa jimcihi laga iclaamiyey Amiir Philip oo ah seyga boqorad Elizabeth II inuu ku geeriyooday Windsor Castle.

Haweeney ubax dhigeyso albaabka hore ee laga galo Qasriga Buckingham

Amiir Philip oo ah shaqsiga waqtiga ugu dheer u soo adeegay UK ayaa geeriyooday isaga oo ay da'diisu ahayd 99 jir.

Windsor Castle wuxuu ku soo laabtay 16-kii March kaddib marki uu muddo bil ah isbitaal ku jiray.

Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada la qaaday xilliga la iclaamiyey geeridiisa.

Ogeysiis muujinaya inuu geeriyooday Amiir Philip oo lagu dhajiyey albabada laga soo galo qarsiga Buckingham

Bayaan qasriga Buckingham ka soo baxay waxyar un kaddib xilliga duhurka waxaa lagu yiri: "Boqornimadiisa sarreysa subaxnimadi maanta wuxuu ku geeriyooday Windsor Castle"

Shaacinta geerida Amiirka kaddibna ogeysiiskan hoos ka muuqda ayaa lagu dhajiyey dhammaan albaabbada laga soo galo qasriga Buckingham.

Ogeysiiska albabbada qasriga lagu dhajiyey ee muujinaya inuu Amiir Philip geeriyooday

Calanki surnaa qasriga Buckingham kala bar ayaa hoos loo dhigay.

Shacab hortuban qasriga Buckingham hortiisa oo maqlay geerida Amiir Philip
Calanka UK oo kala bar hoos loo dhigay oo kabbabanayo qasriga Buckingham

Shacb ubaxyo ay la socdaan farriimo tacsi ah dhigaya qasriga Buckingham hortiisa.

Wiil yar oo ubax dhigaya afaafka hore ee qasriga Buckingham
Hadiyado ubax ah oo qasriga hortiisa dhooban
Hadiyado ubax ah oo qasriga hortiisa dhooban

Dowladda waxay shacabka dalka UK ugu baaqday iney isugu imaanin qasriga boqortooyada ay deggan yihiin hortiisa si looga gaashaanto faafitaanka cudurka safmarka.

Qoyska boqortooyada waxay shacabka ka codsadeen iney shacabku deeq u bedelaan halki ay ubaxyo ay dhigi lahaayeen si ay Amiirka ugu xusaan.

Gabadh yar oo u socota iney ubax dhigto qasriga hortiisa

Bogga ay leeyihiin qoyska boqortooyada waxaa lagu diyaariyey hab dadka u sahlayo iney farriimahooda tacsida ay ku soo diraan.

Westminster Abbey 60 ilbiriqsi 99 ku garaacday jalas taasoo looga talagalay xushmeynta Amiir Philip ee geeriyooday saacaddu markay ahayd 9-kii fiidnimo xilliga UK.

Dumar ubax gacanta ku haya oo qasriga Buckingham hor jooga

Sida oo kale shacabku waxay ubaxyo dhigeen dhismaha Windsor Castle, oo ah halka uu Duke toddobaadyadi u dambeeyey joogay inta aan isbitaalka laga soo saarin.

Ubaxyo yaalla afaafka hore ee laga soo galo dhismaha Windsor castle
Ubaxyo yaalla bannaanka hore ee dhismaha Windsor castle
Farriin tacsi ah oo loo diraya Boqorad Elisabeth II oo la dhigay bannaanka dhismaha Windsor Castle
Ubaxyo dhinac la isugu uruurinayo

Waxaa hoos loo dhigay calanki surnaa qasriga Edinburgh ku yaalla ee Holyroodhouse, iyada oo ay shacabkuna billaabeen iney ubaxyo halkaasi dhigaan.

Calan kala bar hoos loo dhigay oo ka babbanaya dusha sare ee dhismaha qasriga Holyroodhouse oo ku yaalla Edinburgh
Nin ubax dhigaya qasriga Holyroodhouse ee ku yaalla Edinburgh, Scotland

Albaabbada qasrigana waxaa la suray ogeysiis lagu shaacinayo geerida Amiir Philip.

Laba ka mid ah shaqaalaha qasriga Holyrood oo ogeysiis suraya

Dad aamusnaan ugu baroordiiqay Amiirka geeriyooday oo ku sugan Liverpool.

Dad aamusnaan ugu baroordiiqay Amiirka geeriyooday oo ku sugan Liverpool.

Ciyaartooyda iyo shaqaalaha goob lagu ciyaaro Rikeetka oo ku sugan magaalada London ayaa laba daqiiqo u aamusay si ay u maamusaan Amiir Philip.

Ciyaartooyda iyo shaqaalaha goob lagu ciyaaro Rikeetka oo ku sugan magaalada London ayaa laba daqiiqo u aamusay si ay u maamusaan Amiir Philip.

Magaalada London dhala weyn oo bartamaha magaalada suran ayaa laga soo saaray sawir weyn oo lagu maamusayo Amiir Philip.

Magaalada London dhala weyn oo bartamaha magaalada suran ayaa laga soo saaray sawir weyn oo lagu maamusayo Amiir Philip.

Qasriga boqortooyadana wuxuu sheegay in shaacin dheeri ah la sameeynayo.