TOOS, Turkiga, Ciraaq iyo Georgia oo noqday waddamadii ugu horreeyey ee mamnuucay diyaaradaha Iraan, kadib go'aankii Maraykanka

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessant uu sheegay in shirkadaha diyaaradaha Iran laga mamnuuci doono inay si caalami ah u duulaan maalmaha soo socda.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Iran iyo Pakistan oo iskaashanaya

    .

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran iyo Pakistan ay iskaashi ku dabooli karaan baahiyahooda, iyaga oo ka faa’iidaysanaya awooddooda gudaha iyo tan gobolka.

    Wuxuu sheegay in labada dal ay muhiim tahay inay kordhiyaan iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga.

    Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa isna sheegay in Islamabad ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Tehran.

    Labada dhinac waxay sidoo kale sheegeen inay doonayaan in ganacsiga labada dal la kordhiyo 3 bilyan oo dollar ilaa 10 bilyan oo dollar, halka xadka Iran iyo Pakistan uu sii ahaan doono mid furan 24-ka saacadood.

  2. War deg deg ah, Netanyahu oo wajahaya culeys kaga imaanaya mucaaradkiisa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Doorashada Israel ayaa dhow, balse ra’yi-ururintu weli ma muujinayso in xukuumadda Benjamin Netanyahu ay heli karto aqlabiyadda.

    Ra’yi-ururin uu sameeyay Channel 12 14-kii Sebtembar ayaa saadaaliyay in xulafada Netanyahu ay heli doonaan 50 kursi, halka aqlabiyaddu tahay 61 kursi.

    Netanyahu wuxuu haystaa ilaa 27-ka Oktoobar inuu wax ka beddelo xaaladda doorashada, iyadoo hadalladiisa ku saabsan sii wadista iska horimaadka Iran ay dhalinayaan su’aalo ku saabsan saameynta ay xiisaddaasi ku yeelan karto doorashada.

  3. Halis dunida ku soo wajahan oo laga digayo iyo meelaha cabsida ugu badan ay ka jirto

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in biyaha macaan ee dunida si xawli ah u sii yaraanayaan.

    Warbixin ay soo saartay QM ayaa sheegtay in wabiyada iyo harooyinka ay sii qallalayaan, halka barafka buuraha iyo dhulalka qabow uu sii dhalaalayo.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka cimiladu uu keenayo isbeddello daran oo aan la saadaalin karin, taasoo kordhin karta fatahaadaha iyo abaaraha.

    Qaaradda Aasiya iyo Afrika ayaa la filayaa inay si gaar ah u saameeyaan, iyadoo ku dhowaad 80% masiibooyinkii biyaha la xiriiray ee dhowaan dhacay ay ka dhaceen labada qaaradood.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  4. War deg deg ah, Iran oo loogu baaqay in ay joojiso taageerada ay siiso Xuutiyiinta Yemen

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ayaa Iran ugu baaqay inay joojiso hubaynta iyo taageerada ay siiso Xuutiyiinta Yemen.

    Waxay sidoo kale cambaareeyeen weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga, iyaga oo sheegay in dagaallada ka socda xeebaha Badda Cas ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo tamarta caalamka.

    Qaramada Midoobay waxay sheegtay in in ka badan 120,000 oo qof ay ku barakaceen dagaallada ka socda xeebaha Badda Cas ee Yemen.

  5. War deg deg ah, Maxaan ka ognahay wefdiga Iran ka socda ee gaaray New York

    .

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, IRNA, ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, uu gaaray magaalada New York si uu uga qayb galo kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay inuu New York uu tagay isagoo hoggaaminaya “wafti diblomaasiyadeed”.

    Sida ay IRNA sheegtay, marka laga soo tago ka qaybgalka kulamada Qaramada Midoobay, Caraqji wuxuu la yeelan doonaa “wadahadallo iyo la-tashi” mas’uuliyiin iyo wasiirro arrimo dibadeed oo ka qaybgalaya shirka

  6. Duuliyihii Mareykankau dhashay ee Iran madaxiisa ay duldhigtay lacagta oo ka sheekeyay wixii uu la kulmay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mid ka mid ah laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka Mareykanka, kuwaas oo diyaaraddooda dagaalka ee F-15E lagu soo riday hawada Iran bishii Abriil, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wixii dhacay.

    Sarkaalkan oo loo yaqaan "Bravo", ayaa sheegay in markii gantaalku ku dhacay diyaaradda ay ahayd "sida tareen xamuul ah oo ku dhacay oo kale."

  7. War deg deg ah, Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galaya shirka Golaha Guud ee QM

    .

    Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New Yorka, ee dalka Mareykanka, halkaas oo uga qayb galayo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

    Shirkan oo looga hadlayo arrimo kala duwan ayaa waxaa ka qayb galaya madax ka kala socota caalamka, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khubad oo kaga hadlayo xaaladaha dalka.

    Sidoo kale inta uu halkaas ku suganyahay waxaa kulma gooni-gooni ah uu la yeelan doonaa madaxda ka soo qayb galaysa shirka.

  8. War deg deg ah, Iran oo bilaabaysa qorshe cusub oo dagaalka ku saabsan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Taliye ku-xigeenka Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Mustafa Ezadi, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay sii wadaan xoojinta awooddooda milatari.

    Sida ay baahisay BBC Persian, warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Ezadi uu soo dhoweeyay taageerayaasha dowladda oo habeenkii weli waddooyinka isugu soo baxaya, isaga oo yiri:

    “ Haddii ay sii socoto joogitaanka muwaadiniinta ee waddooyinka, waxaa fashilmi doona dhagar badan oo cadowgu maleegayo.”

    Taliye ku-xigeenka ayaa sheegay in Iran ay hadda sii xoojinayso awooddeeda dhinacyada gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada nooca cruise-ka, nidaamyada internetka, dagaalka elektaroonigga ah iyo difaaca cirka.

  9. War deg deg ah, Ruushka oo lagu eedeyay inuu cabsi ku abuurayo xubnaha Midowga Yurub

    Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaia Kalas, ayaa Ruushka ku eedeysay inuu doonayo inuu xubnaha Midowga Yurub ka yareeyo taageerada ay siiyaan Ukraine, isaga oo qaaradda Yurub ka abuuraya cabsi.

    “Yurub waxaa si xawli ah ugu sii badanaya weerarrada waxyeellada loo geysto ee qarsoodiga ah iyo xadgudubyada lagu sameeyo hawadeeda,” ayay tiri.

    Ms Kalas ayaa qoraal ay ku baahisay barta bulshada ee X ku sheegtay: “Maadaama Ruushku uu kordhinayo falalka wax burburinta ah, waa in Yurub ay sidoo kale kordhisaa cadaadiska iyo kharashka uu Ruushku ku bixinayo falalkaas.”

    Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa intaas ku dartay in laba tallaabo oo lagu kordhin karo cadaadiska Ruushka ay kala yihiin in tallaabooyin adag laga qaado maraakiibta uu u adeegsado dhoofinta saliidda si uu uga baaqsado cunaqabateynta iyo in la adkeeyo tallaabooyinka ka dhanka ah warshadaha milatari iyo kuwa difaaca ee dalkaas.

  10. Ibrahim Barre ayaa ka mid ahaa 10-kii hoggaamiye oo Afrikanka ahaa ee la dilay iyagoo xil haya

    .

    Xigashada Sawirka, Universal History Archive/Universal Images Group via Getty Images

    Liiska Hogaamiyaasha Afrika ee iyagoo xilka haya rasaas lagu dilay waa mid aad u dheer, waxaana ka mid ah Patrice Lumumba, Thomas Sankara, Anwar Sadat, Melchior Ndadaye iyo kuwo kale.

    Qaar ka mid ah dilalkani ma ahayn oo keliya loolan siyaasadeed oo gudaha ah oo xukunka loogu tartamayay, balse waxay ahaayeen shirqoolo ay soo abaabuleen dad gudaha ah iyo kuwo dibadda ka yimid.

    Warbixintaan ay diyaarisay BBC News Africa waxay si gaar ah diiradda u saaraysaa 10 dil siyaasadeed oo taariikhda Afrika si weyn u gilgilay.

  11. War deg deg ah, Trump oo warbaahin cusub sameystay iyo wariyaasha oo tallaabo qaadaya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Aqalka Cad ayaa bilaabay kanaal telefishin ah oo internetka laga daawanayo, kaas oo loogu magac daray Trump TV.

    Tallaabadan ayaa timid saacado uun ka dib markii shabakado waaweyn oo telefishinno oo Mareykanka laga leeyahay ay joojiyeen baahintii ay si wadajir ah uga sameyn jireen Aqalka Cad, iyaga oo ka cabanaya go’aanka Donald Trump uu CNN, MS Now iyo Politico uga mamnuucay gudaha xarunta, kuna eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah.

    Bogga internetka ee Aqalka Cad ayaa Trump TV ku tilmaamay “kanaalka lagama maarmaanka ah ee laga heli karo xogta muhiimka ah”.

    War-saxaafadeed ay soo saartay maamulka Trump ayaa lagu sheegay in helitaanka Aqalka Cad uu yahay mudnaan, balse aanu ahayn xuquuq qof walba leeyahay. Waxa kale oo intaa lagu daray in madaxweyne aanu waajib ku ahayn inuu xaruntiisa ku soo dhaweeyo waxa ay ku tilmaameen hawlgal cadowtinimo ku dhisan.

    Warbaahinta laga mamnuucay Aqalka Cad ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto maamulka Trump, si ay u difaacdo xorriyadda saxaafadda.

  12. Safiirka Mareykanka u fadhiya QM: "Dhimashada dadka rayidka ah ee Iraan waxay ahayd mid 'aan ula kac ahayn'.

    Mike Waltz, oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dhimashada dadka rayidka ah ee ka dhalatay dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jireen Iraan ay ahayd mid "aan ula kac ahayn oo shil ah."

    Mr. Waltz ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka hor imaan doono baaritaanka hay'addaas inta lagu guda jiro kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee maanta furmaya.

    Qaramada Midoobay ayaa baaritaankeeda ku sheegtay in Mareykanku laga yaabo inuu galay dambiyo dagaal intii lagu guda jiray laba weerar oo lagu qaaday Iraan bilowgii dagaalka bishii Febraayo. "Xitaa xaaladaha aan aragno khasaare soo gaaray dadka rayidka ah, mana oranayo taasi waa waxa halkan ka dhacay, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in Pentagon-ku uu weli dib u eegis ku sameynayo, xitaa haddii aan aragno khasaare rayid, waxay ahayd mid aan ula kac ahayn oo ku kama' ku dhacay, qaybna ka ahayd dabeecadda dagaalka".

    Koox xaqiiqo-raadin ah ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Xuquuqul Aadanaha ee Qaramada Midoobay ku sheegay in Mareykanku uu si sharci-darro ah u weeraray dugsi iyo xarun ciyaaraha lagu qabto oo ku yaalla Iraan, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 120 carruur ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Turkiga, Ciraaq iyo Georgia oo noqday waddamadii ugu horreeyey mamnuucay diyaaradaha Iraan

    Turkiga, Ciraaq iyo Georgia oo noqday waddamadii ugu horreeyey mamnuucay diyaaradaha Iraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kaddib markii Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessant uu ku dhawaaqay in shirkadaha diyaaradaha Iran laga mamnuuci doono inay si caalami ah u shaqeeyaan maalmaha soo socda, Ciraaq iyo Georgia ayaa ku biiray Turkiga, iyagoo ku dhawaaqay in shirkadaha diyaaradaha Iran laga mamnuucayo inay galaan dalalkooda.

    Shirkadda Mahan Air ayaa horay u sheegtay in Turkigu ku wargeliyay inay joojiso duullimaadyadeeda dalkaas.

    Laba ilo-wareed oo Ciraaqi ah ayaa Isniintii AFP u sheegay in Baqdaad ay joojin doonto duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran, kaddib ku dhawaaqistii Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

    Sida ay sheegayaan wararka aan heleyno, Georgia ayaa sidoo kale shirkadaha diyaaradaha Iraan ka mamnuucday inay galaan dhulkeeda.

  14. War deg deg ah, Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo New York gaaray

    Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa baahisay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, uu gaaray magaalada New York si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Warbaahinta Iraan ayaa sheegtay in Araqchi uu New York u tagay “isagoo hoggaaminaya wafdi diblomaasiyadeed”.

    Sida ay sheegtay IRNA, Araqchi ayaa la filayaa inuu, ka sokow ka qaybgalka shirarka Qaramada Midoobay, “wadahadallo iyo kulamo la yeesho” tiro badan oo mas’uuliyiin iyo wasiirro arrimo dibadeed ah oo ka qaybgalaya shirka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Afhayeenka Qaramada Midoobay: “Ururku waxa uu xiriir la sameeyey Pakistaan si loo soo afjaro colaadda Iraan iyo Mareykanka

    António/Stephane Dujarric

    Xigashada Sawirka, UN

    Afhayeenka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyay mas’uuliyiin Pakistaani ah, si gacan looga geysto dadaallada lagu soo afjarayo colaadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iraan.

    Stephane Dujarric ayaa ammaanay doorka Pakistaan ee heshiiskii bishii Juun ay Mareykanka iyo Iraan ku gaareen joojinta dagaallada, isaga oo ku tilmaamay “guul weyn.”

    Dujarric ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dib u bilaabista wada-xaajoodyadu ay gacan ka geysan karto soo afjaridda colaadda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Boqortooyada Sacuudiga oo hakad gelisay Bandhigga Filimada Badda Cas

    Bandhigga Filimada Badda Cas 2024

    Xigashada Sawirka, AP

    Bandhigga Filimada Badda Cas ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay munaasabaddii sannadkan, iyadoo walaaca amni ee gobolka uu sii kordhayo.

    Qabanqaabiyeyaasha munaasabadda ma aysan sheegin in sababta dib-u-dhigistu ay tahay dagaalka dib uga soo cusboonaaday Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen, ama dagaalka dagaalka Iraan.

    Si kastaba ha ahaatee, sanadkan waxaa Sacuudiga si joogto ah loogu qaaday weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, taas oo wiiqaysa dadaallada Boqortooyadu ku doonayso inay isu soo bandhigto inay tahay meelaha ugu waaweyn ee madadaalada iyo bandhigyada gobolka.

    Bandhigga Filimada Badda Cas, oo lagu qabto magaalada Jeddah, ayaa sanadba sanadka ka dambeeya waxa uu noqonayey mid ay sii kordheyso sumcaddiisa tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2019.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Sacuudiga oo kordhiyey dhoofinta shidaalka ee Gacanka kadib weerar lagu qaaday dhuumaha shidaalka

    Sida ay qortay shabakadda warbaahinta Reuters, Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa Axaddii ku shubtay ku dhowaad 14 milyan oo foosto oo saliid ceeriin ah toddobo markab oo waaweyn oo shidaal qaada, kuwaas oo ku sugnaa gudaha Gacanka Carabta, sida ay muujisay xogta TankerTrackers.com.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo Sacuudigu kordhiyay shidaalka laga raro dekedaha dhoofinta ee ku yaalla Gacanka, kaddib markii weerar uu carqaladeeyay dhoofinta shidaalka ee maraysay dhuumaha isku xira bariga dalka iyo Badda Cas.

    Dhoofinta la kordhiyay ayaa muujinaysa in dhoofinta shidaalka Sacuudiga ay si tartiib ah dib ugu soo kabanayso. Rajada laga qabo in shidaal badan suuqa soo galo ayaa Isniintii cadaadis ku saartay qiimaha shidaalka, waxayna sababtay in qiimaha Brent uu hoos uga dhaco 100 doollar foostadii, markii ugu horreysay tan iyo 9-kii Sebtembar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  18. Cilad ku timid Nidaamka Hagista diyaaradaha New York oo hakad gelisay isku socodka diyaaaradaha

    Nidaamka hagista diyaaradaha garoonka John F Kennedy

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tobannaan duulimaad ayaa hakad galay garoomada diyaaradaha ee waqooyi-bari Mareykanka, kaddib cilad dhinaca isgaarsiinta ah oo saameysay nidaamka hagista diyaaradaha, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka Mareykanka (FAA).

    Isniintii galabtii ayaa la hakiyay duulimaadyada ka baxaya garoomo waaweyn oo ku yaalla New York, Philadelphia, New Jersey iyo Boston.

    Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ciladdu la xiriirto isgaarsiinta xarunta hagista diyaaradaha ee Philadelphia, taas oo maamusha duulimaadyada garoomada ku yaalla gobolka.

    Weli lama oga goorta la qaadi doono hakinta duulimaadyada, waxaana BBC-du FAA ka dalbatay faahfaahin ku saabsan ciladdan.

    Afhayeen u hadlay FAA ayaa BBC-da iyo CBS oo ay iskaashadaan u sheegay in dhibaatadu saameysay nidaamka hagista diyaaradaha ee Terminal Radar Approach Control, kaas oo loo adeegsado hagista diyaaradaha marka ay kacayaan iyo marka ay soo degayaan.

    Sidoo kale, mas’uuliyiinta duulista Mareykanka ayaa sheegay in “wareegga korontada/isgaarsiinta uu cilad galay”, taas oo keentay in la ogaado fiilo kale oo fiber-optic ah oo kayd ahaan loogu talagalay nidaamka, balse ay waxyeelleeyeen shaqaale dhismo oo ka shaqeynayay New Jersey. Iyaga oo intaas ku daray in hagaajinta fiilada kaydka ah ay qaadan karto qiyaastii 13 saacadood, Ilaa hadda, mas’uuliyiintu waxay qiyaasayaan in ku dhawaad 90 duulimaad loo weeciyay gobollo kale.

  19. The Washington Post “Tirada askarta Mareykanka ee lagu dilay dagaalka Iraan ayaa ka badan inta la shaaciyay”

    Warbixin uu qoray The Washington Post ayaa lagu sheeegay in tirada askarta Mareykanka ee lagu dilay dagaalka Iran ay ugu yaraan afar jeer ka badan tahay tirada ay si rasmi ah u shaacisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon).

    Wargeysku wuxuu Jimcihii soo xigtay mas’uuliyiin Mareykan ah oo sheegay in tirada askarta Mareykanka ee lagu dilay dagaalka ay ka badan tahay tirada rasmiga ah ee Pentagon-ku soo bandhigay.

    Sida lagu sheegay warbixinta, oo ku salaysan xog ay bixiyeen shan mas’uul oo xog-ogaal u ah tirada dhimashada ee Wasaaradda Dagaalka Mareykanka, ugu yaraan 22 askari ayaa lagu dilay dagaalka IraAn, taas oo ka badan tirada uu Pentagon-ku si rasmi ah u sheegay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Mohamed Salah oo laga mamnuucay wadista baabuurta muddo lix bilood ah

    Mohamed Salah oo laga mamnuucay wadista baabuurta muddo lix bilood ah

    Xigashada Sawirka, AP MEDIA

    Ciyaaryahankii hore ee Liverpool, Mohamed Salah, ayaa laga mamnuucay inuu baabuur wado muddo lix bilood ah, kaddib markii gaarigiisa Rolls-Royce lagu qabtay isagoo xawaare sare ku socda.

    Salah ma uusan sheegin qofkii waday gaariga oo ku socday xawaare dhan 58 km saacaddii, xilli waddadaasi xawaareheeda ugu badan uu ahaa 48 km saacaddii. Dhacdadan ayaa 27-kii Febraayo ka dhacday Wilmslow, Cheshire, England.

    Ciyaaryahanka 34 jirka ah kama uusan jawaabin amarka booliska, mana uusan qiran eedeymaha loo soo jeediyay.

    Maxkamaddu waxay ku xukuntay in laga mamnuuco wadista baabuurta muddo lix bilood ah, sidoo kalena uu bixiyo 1,044 euro oo ganaax ah.

    Afhayeen u hadlay maxkamadda ayaa sheegay in Salah sidoo kale lagu helay dambi ah inuu diiday inuu bixiyo xogta qofkii waday gaarigiisa.

    Waxaa la sheegay in Salah uu xawaaraha ka sarreeyay maalmo kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool, halkaas oo uu sagaal sano ku qaatay.

    Markii Salah uu 24-kii Febraayo ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool, waxaa lagu tilmaamay inuu “noqday mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda kooxda.”

    Ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu u wareegayo horyaalka Turkiga, Salah wuxuu Liverpool u saftay 442 kulan, isagoo dhaliyay 257 gool.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: