Halis dunida ku soo wajahan oo laga digayo iyo meelaha cabsida ugu badan ay ka jirto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in biyaha macaan ee dunida si xawli ah u sii yaraanayaan.
Warbixin ay soo saartay QM ayaa sheegtay in wabiyada iyo harooyinka ay sii qallalayaan, halka barafka buuraha iyo dhulalka qabow uu sii dhalaalayo.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka cimiladu uu keenayo isbeddello daran oo aan la saadaalin karin, taasoo kordhin karta fatahaadaha iyo abaaraha.
Qaaradda Aasiya iyo Afrika ayaa la filayaa inay si gaar ah u saameeyaan, iyadoo ku dhowaad 80% masiibooyinkii biyaha la xiriiray ee dhowaan dhacay ay ka dhaceen labada qaaradood.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:













