Labaatan iyo
toddoba qof ayaa ku dhintay laba toogasho oo ay saacado u dhexeeyeen Koonfur
Afrika, waana rabshadihii ugu dambeeyay ee rasaasta lagu furay dalkaas.
Toddoba iyo
toban qof ayaa ku dhintay markii siddeed nin oo hubaysan ay weerareen baar ku
dhow Johannesburg fiidnimadii Sabtida, iyadoo 15 kale ay ku dhaawacmeen.
Toogasho
kale oo dhacday aroornimadii hore ee Axadda, 10 qof ayaa lagu dilay bannaanka
goob madadaalo ah oo ku taal magaalo u dhow Cape Town, 11 kalena waa la
dhaawacay.
Koonfur
Afrika waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee dilalka lagu geysto, waxayna ku
dhibtoonaysay inay xakamayso rabshadaha la xiriira qoryaha ee kooxaha
sannadihii ugu dambeeyay. Booliisku ma aysan sheegin sababta dhabta ah ee ka
dambeysay mid ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay.
Magaalada
Johannesburg, rag hubeysan ayaa rasaas ku furay macaamiisha bannaanka baarka ka
hor inta aysan sii wadin weerarka gudaha oo ay gubeen laba gaari ka hor inta
aysan cararin.
Boliisku
waxay sheegeen in saddex iyo toban nin iyo afar dumar ah la dilay.
Taliyaha
Booliska Gauteng Lt Gen Tommy Mthombeni ayaa sheegay in dad ka yimid Itoobiya
iyo Lesotho ay ka mid ahaayeen dadkii lagu toogtay toogashada, laakiin in
badankoodu ay ahaayeen Koonfur Afrikaan.
Wuxuu sidoo
kale sheegay in booliisku ay aaminsan yihiin in ujeeddada ka dambeysa
toogashada ay ahayd dhac, maadaama hanti shaqsi ah la qaatay, laakiin aysan
meesha ka saari karin dagaallo u dhexeeya kooxaha macdan qodista sharci darrada
ah.