You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Dagaal ka socda Baydhabo oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo kale oo daacad u ah Laftagareen

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku ku faafay xaafadaha magaalada qaarkood, iyadoo meelaha qaar laga maqlayo rasaasta la is waydaarsanayo

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta si buuxda ugu hayaan Baydhabo

    Weli waxaan ku jirnaa tebinta wararka ku saabsan dagaalka Baydhabo, Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka Baydhabo ay soo weerareen al-Shabaab iyo ciidamo ka amar qaata madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed "Laftagareen).

    Bogga raadiyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa baahiyay qoraallo iyo sawirro ay ku sheegayaan in ay jab xooggan gaarsiiyeen dhinacyada soo weeraray oo ay xuseen in weerarkoodu uu ku bilowday qaraxyo.

    Warkan kooban ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka hortageen weerarka ay soo qaadeen wax ay ku sheegeen meleshiyaad "isu huwanaa" iyagoo sidoo kale xusay in magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

  2. War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo

    Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo, ayaa sheegtay in kooxihii saaka Baydhabo soo weeraray ay ahaayeen "argagixiso isla markaana job xooggan la gaarsiiyay.

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa Facebook, ku baahiyay qoraal kooban ayaa sidaan yiri: "Mataanihii Argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray".

    Hadalka wasiir Fiqi ayaa u muuqda in uu mataanaha ula jeedo ama uu is raacinayo ciidamada ka amar qaatta madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis laftagareen iyo al-Shabbaab, oo dhowr jeer oo hore dowladdu sidaan oo kale isugu lammaanisay.

  3. War deg deg ah, Dhinacyada ku dagaallamay Baydhabo oo hadlay iyo wararkii ugu dambeyay

    Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in saaka magaalada Baydhabo, ay isku dayeen wax ay ku sheegeen al-Shabaab in ay arbushaad ka sameeyaan hase-yeeshee ay ka hortageen ciidamada kala duwan ee maaamulkaas.

    Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa xusay magacyada dhowr qof oo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin al-Shabaab isla markaana saaka isku dayay in ay khal-khal galiyaan amniga magaalada Baydhabo.Wuxuu sheegay in ciidamada qalabk sida ee Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka hortageen ficillada ka dhanka ah amniga Baydhabo.

    Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo, oo muuqaalkiisa la faafiyay ayaa xilliga uu hadlayo waxaa la maqlyaa rasaas dhacaysa, waxaana uu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan oo waxyaabah ay maq-maqlayaanna ay yihiin wax aan sidaa u sii weyneyn.

    Dhanka kale Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhyeenka ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa isana sheegay in ciidamadoodu ay ku dhowyihiin in ay“ gacanta ku dhigaan Baydhabo iyo guudahaan Koonfur Galbeed“.

    Sheegashooyinka labada dhinac marka laga yimaado ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa waxa dhabta ah ee dhacaya, maadama weli magaalada dagaal ka socdo.

    Dadka shacabka ah ayaa dareemaya cabsi xooggan waxaana qaarkood ay ku jiraan oo ay ku gambanayaan guryahooda sida wararku ay sheegayaan.

  4. War deg deg ah, Qarax xooggan oo la maqlay iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

    Wakaaladaha wararka ee Iran ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay waqooyiga Urdun, iyadoo warar aan rasmi ahayn oo baraha bulshada lagu faafiyay ay sidoo kale sheegayaan arrintaas.

    Lama sheegin waxa sababay qaraxa ama goobta saxda ah ee uu ka dhacay.

    Dhanka kale, wakaaladaha wararka Iran ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu weeraray saldhigyo ay leeyihiin kooxaha Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda Iran, kuwaas oo ku yaalla Erbil ee Ciraaq.

    Labada warba midkoodna weli si rasmi ah looma xaqiijin ama looma beenin.

  5. Maxaa ka jira eedeynta ah in ciidamada Laftagareen iyo al-Shabaab ay isku milmeen?

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

    Laftagareen oo dhawaan waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:

  6. War deg deg ah, War cusub: Maxaa ka socda magaalada Baydhabo, xog dheeraad ah

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in halkaasi ay ku dagaallamayaan ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo kale oo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

    Ilo madax bannaan ayaa BBCSomali, u xaqiijiyay in dagaalka oo bilowday waaberigii hore ee saaka uu ku faafay xaafado ka tirsan Baydhabo.

    Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, laakin hugunka rasaasta ayaa laga maqlayaa qaybo ka tirsan magaalada.

    Afhayeen u hadlay madaxweynihii hore ee Laftagareen ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay guulo dagaalka ka gaareen hase-yeeshee BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashadaas.

  7. War deg deg ah, Iran oo gantaal ku dhufatay markab ciidamo Mareykan ah ay la socdeen iyo khasaare ka dhashay

    Warbaahinta NBC ee Maraykanka ayaa sheegtay in siddeed askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Maraykanka ay ku dhaawacmeen gantaal Iran ay ku dhufatay markab ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz 14-kii Sebtembar.

    NBC oo soo xiganaysa saddex mas’uul oo Maraykan ah ayaa sheegtay in askartu ay la kulmeen qiiq iyo calaamado dhaawac maskaxeed ah, balse aanu midkood dhaawac culus soo gaarin, dhammaantoodna ay shaqada ku laabteen.

    Markabka la weeraray ma ahayn markab dagaal oo Maraykan ah, waxaana la sheegay in toddobada askari ay ahaayeen ciidan caadi ah, halka midkood uu sarkaal ahaa.

    Magacyada siddeeddan askari ayaa lagu daray diiwaanka dhaawacyada Wasaaradda Difaaca Maraykanka ku dhowaad 10 maalmood kadib weerarka.

  8. War deg deg ah, Adeegyo muhiim ah oo la sheegayo in dunida ay ka sii yaraanayaan

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in biyaha macaan ee dunida si xawli ah u sii yaraanayaan.Warbixin ay soo saartay QM ayaa sheegtay in wabiyada iyo harooyinka ay sii qallalayaan, halka barafka buuraha iyo dhulalka qabow uu sii dhalaalayo.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka cimiladu uu keenayo isbeddello daran oo aan la saadaalin karin, taasoo kordhin karta fatahaadaha iyo abaaraha.

    Qaaradda Aasiya iyo Afrika ayaa la filayaa inay si gaar ah u saameeyaan, iyadoo ku dhowaad 80% masiibooyinkii biyaha la xiriiray ee dhowaan dhacay ay ka dhaceen labada qaaradood.

  9. War deg deg ah, Khuburo Iiraaniyiin ah oo la sheegay in lagu dilay Yemen iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay gobolka Taiz ay ku dhinteen toddoba qof, 40 kalena ku dhaawacmeen, iyagoo ku eedeyay Sacuudiga.

    Dhanka kale, dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay inay duqeysay xero ciidan iyo gaadiid ay Xuutiyiintu leeyihiin.

    Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 72 saacadood gudahood lagu dilay ama lagu dhaawacay kumannaan dagaalyahanno Xuutiyiin ah iyo afar khabiir oo Iiraaniyiin ah.

    Afarta nin ee u dhashay Iran ayaa ahaa kuwa ku takhasusay sameynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaallada.

  10. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada BBCSomali, oo halkaan idinkugu soo gudbin toonta wararkii caalamka kuwoodii ugu dambeyay.