Sida aan hore u
soo sheegnay, rakaabku waxay warbaahinta Israa’iil u sheegeen in laba duuliye
oo fadhiyay qaybta dambe ee diyaaradda ay ka caawiyeen in diyaaradda la dejiyo
kaddib markii uu dagaal ama gacan-ka-hadal ka dhacay gudaha diyaaradda.
Rakaab kale oo
lagu magacaabo Almog Itali ayaa warbaahinta u sheegay in labadan duuliye ay
ahaayeen duuliyeyaal beddel ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay duuliyaan
duulimaad kale oo xigay.
Itali wuxuu
sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaashaas uu ahaa British, halka duuliyaha
labaad uu ahaa Yurubiyiin, balse uusan sheegin jinsiyaddiisa.
Itali wuxuu
sheegay in faahfaahinta saxda ah ee wixii ka dhacay qolka duulista aysan weli caddayn, balse uu sheegay in
duuliyeyaashii ay xakameeyeen diyaaradda oo ay si nabadgelyo ah ugu dejiyeen
Sacuudi Carabiya.
“Waxaa jira dhowr
nooc oo kala duwan oo dhacdada ah,” ayuu yiri kaddib markii uu la hadlay dad ku
sugnaa qaybta hore ee diyaaradda. “Waxa cad ayaa ah in laba duuliye ay ku
jireen qaybta hore mid ayaa kan kale mindi ku dhaawacay.”
Weli ma aanan
maqal war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta oo ku saabsan faahfaahinta
wixii ka dhacay duulimaadka. Horaantii, shirkadda maamusha garoonka Tabuk,
halka ay diyaaradda ku degtay, waxay sheegtay in kabtanka iyo kaaliyaha
duuliyaha ay dhaawacmeen.