Wadooyinka oo la xiray iyo amniga oo la adkeeyay caasimadda Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana la adkeeyay ammaanka agagaarka caasimadda Pakistan ee Islamabad ka hor imaatanka la filayo in wafdiga Mareykanka ay gaaraan halkaa kuwaa oo wadahadallo kale la leh Iran.
Si kastaba ha ahaatee, si dhab ah uma cadda, haddi ay jiraan, wadahadalo ka qayb galayso.
Donald Trump ayaa mar sii horreysay warbaahinta Mareykanka u sheegay in madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu hadda "hogaaminayo" wafdiga Mareykanka, balse ma jiro war rasmi ah oo arrintan ku saabsan.
Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in wafdiga la filayo in ay baxaan “dhowaan”, inkastoo aan xog dheeri ah laga bixin.
Iran sidoo kale wali ma aysan xaqiijin in ay ka qeyb galayso wadahadalada, iyadoo mas'uuliyiintu ay ka aamusan yihiin mowduuca.














