TOOS, Trump oo sheegay inuu filayo "in duqeymihii ay dib u bilowdaan haddii aan horumar laga gaarin wadahadallada Iran"

Waxay ku soo beegmaysaa arrintaani iyadoo afhayeenka baarlamaanka Iran uu dhankiisa ku hanjabay in ay jawaab degdeg ah ka bixi doonaan haddii weerar kaga yimaad Mareykanka iyo Israa'iil

Kooban

Tebin toos ah

  1. Amniga Islamabad oo la adkeyay inkastoo wafdiyadu aaney imaan

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Diyaargarow amni oo adag ayaa laga dareemayaa caasimadda Islamabad ee dalka Pakistaan si loogu diyaar garoobo wareegga labaad ee wadahadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Inkasta oo aysan weli imaan wafdiyada ka kala socda Mareykanka iyo Iran, haddana, waxaa shaqaalaha dowladda lagu amray inay ka shaqeeyaan guryahooda,maadama waddooyinku xirmayaan.

    Dhanka kale, Maxkamadda Sare ee Islamabad ayaa iyaduna xirnaan doonta Arbacada, mana jiri doono wax shaqo garsoor ah oo la qabto.

    Horey, howlgal ballaaran oo wadajir ah oo baaritaan iyo sifeyn ah ayaa laga fuliyay qaybo kala duwan oo Islamabad ka mid ah galinkii dambe ee maanta.

    Goobo kormeer gaar ah ayaa laga sameeyay meelaha laga soo galo lagana baxo magaalada si loo xoojiyo hubinta, halka dhammaan cutubayo ka tirsan cidamo rondo sameynaya iyo kooxo gaar ah ay si joogto ah ugu sugan yihiin magaalada oo dhan.

  2. Israa'iil oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadday askari burburiyay taallo Masiixiyiintu ku xusaan Nabi Ciise

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in askarigii burburiyay oo dubbaha la dhacay taallo loo ekaysiiyay Nabi Ciise CSw gudaha Lubnaan, iyo askarigii sawirka ka qaaday dhacdadaas, lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ciidan ah.

    Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in labada askari oo aan magacyadooda la shaacin laga saari doono hawlgallada dagaalka kadib baaritaan la sameeyay.

    Sidoo kale, lix askari oo kale oo goobta joogay balse aan wax tallaabo ah qaadin ama aan soo sheegin dhacdada ayaa si gaar ah loola tacaali doonaa, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray.

    Dhacdadan oo ka dhacday tuulada Debel ee koonfurta Lubnaan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran kadib markii sawirkeeda si weyn loogu faafiyay baraha internetka toddobaadkan. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu “la yaabay oo aad uga murugooday” wixii dhacay.

    War-saxaafadeed ay soo saareen Talaadadii, milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in baaritaanku caddeeyay in ficilka askartu uu si buuxda uga hor imanayo amarada iyo qiyamka ciidanka, waxayna muujiyeen“qoomamo weyn” oo ku saabsan dhacdada.

    Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadeedu ay dib u dhiseen taalladii waxyeelladu gaartay “iyagoo si buuxda ula kaashanaya bulshada deegaanka”.

    IDF ayaa carrabka ku adkeysay in hawlgalladeeda Lubnaan ay si gaar ah ugu wajahan yihiin kooxda Xisbullaahi ee ay Iiraan taageerto iyo “kooxo kale oo argagixiso ay ku tilmeemeen,”.

  3. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo hadda war soo saartay xilli war laga sugayay

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa mar kale ku celisay in aan weli go’aan laga gaarin in wadahadal lala galo Maraykanka kaasoo ka dhici lahaa magaalada Islamabad.

    Iyadoo la tixraacayo jebinta xabbad-joojinta ee Maraykanka, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Esmail Baghaei, ayaa u sheegay Iran News in ka qaybgalka wadahadalladu uusan ahayn arrinta ugu weyn, balse waxa muhiimka ahi ay tahay natiijada wadahadallada, isagoo yiri: “Haddii wadahadalladu noqdaan kuwo natiijo ku saleysan, Iiraan waxay go’aan ka gaari doontaa ka qaybgalka.”

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan weli go’aan ka gaarin ka qaybgalka, balse uu sheegay in la sugayo sida ay arrimuhu u socdaan.

    Wareysiga sidoo kale wuxuu xaqiijiyay qabashada markabka shidaalka ee Tiffany, taas oo ciidamada Maraykanku ay ku dhawaaqeen saacado ka hor, isla markaana ay sii daayeen muuqaal muujinaya ficilkaas.

  4. Paksitan oo baaq u dirtay dhinacyada Iiraan iyo Mareykanka

    Baaq ayay ayay dirtay Pakistan

    Xigashada Sawirka, ForeignOfficePk/

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Maxamed Ishaq Dar, ayaa kulan uu la yeeshay Natalie Baker, oo ah ku-xigeenka safiirka Safaaradda Mareykanka ee Islamabad, ku baaqay in la kordhiyo xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka.

    Xabbad-joojintan, oo ay dhexdhexaadisay Pakistan, ayaa la filayaa ku eg tahay berri oo Arbaco ah.

    Wasiir Ishaq Dar ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay “fursad siiyaan wadahadalka iyo diblomaasiyadda.”

    Intii uu kulanku socday, Ms. Baker ayaa ku ammaantay Pakistan “doorkeeda wax-ku-oolka ah ee wanaagsan ee ku aaddan horumarinta nabadda gobolka iyo fududeynta wadahadalka.”

  5. Falastiiniyiin lagu dilay Daanta Galbeed

    Daanta Galbeed

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ururka Bisha Cas ayaa sheegay in laba Falastiiniyiin ah, oo uu ku jiro wiil 13 jir ah, lagu dilay weerar ay geysteen degaalamayaal Israa’iiliyiin ah oo ku sugan Daanta Galbeed.

    Ururku wuxuu sheegay in afar qof oo kale lagu dhaawacay tuulada Al-Mughayyir, oo u dhow Ramallah.Duqa tuulada ayaa sheegay in ay dileen dadkaan askar Israa’iiliyiin ah. Si kastaba ha ahaatee, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in uu baarayo dhacdada.

    Dhammaadkii bishii hore, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay halkaasi ka dhacayeen weerarro.

  6. War deg deg ah, Trump" Ma doonayo in aan xabad-joojinta kordhiyo"

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran aysan haysan wax kale oo ay sameyso marka laga reebo inay soo dirto wafdi wada-xaajood.

    Wareysi uu siiyay CNBC, Trump wuxuu muujiyay rajo isagoo yiri, “Waxaan u maleynayaa inaan gaari doono heshiis weyn.”

    Wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka taagabyahay meel wanaagsan wadahadallada Iiraan isagoo intaas ku daray in “ay xakameynayaan marin-biyoodka Hormuz.”

    Markii la weydiiyay haddii xabbad-joojinta la kordhin doono, Trump wuxuu yiri, “Ma doonayo inaan sidaas sameeyo. Waqti badan ma haysanno.” Wuxuu sheegay in Iran ay “taasi tahay waddada saxda ah” isla markaana ay “qasab ku tahay inay wada-xaajood gasho.”

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in haddii Iran ay heshiis gaarto, ay “mar kale noqon karto mid xoog leh oo noqota dal weyn.”

    Trump wuxuu kaloo sheegay in haddii aan heshiis la gaarin, duqeynta Iran dib loo bilaabi karo.

    Waxaa si toos ah loo weydiiyay haddii uu dib u bilaabi doono weerarrada haddii wax horumar ah laga waayo wada-hadallada soo socda ee Islamabad.

    Wuxuu ku jawaabay, “Waxaan filayaa in duqeyn jiri doonto sababtoo ah waxaan u arkaa inay ka wanaagsan tahay in hore loo socdo.”

    “Laakiin waad ogtahay, diyaar ayaan nahay. Ciidankuna si buuxda ayuu u diyaarsan yahay,” ayuu raaciyay.

  7. Iiraan oo war ka soo saartay safiirka dhawaan Israa'iil u soo magacowday Somaliland

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ugu magacowday wakiil diblomaasiyadeed “Somaliland, iyadoo Iran ku tilmaantay Somaliland in ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Wuxuu arrintaan ku tilmaamay mid caddeyn u ah, sida uu sheegay, qorshe ay Israa’iil ku dooneyso inay xasilooni-darro ku geliso dalalka Islaamka isla markaana ay ku abuurto kala qaybin ka dhex jirta waddamada gobolka.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, isla markaana ay tahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dal madax-bannaan.

    Wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka caalamka inay ka hortagaan, sida uu sheegay, sharci-darrooyinka Israa’iil, fidinta saameynta, iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka kale.

  8. Trump oo Iiraan mahadceln iyo baaq u diray

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa dib u faafiyay sawir muujinaya siddeed haween Iraniyiin ah oo la sheegay in ay halis ugu jiraan in la dilo, isagoo ku baaqay in la sii daayo.

    Wuxuu ku qoray baraha bulshada ee Truth Social: “Anigoo u mahadcelinaya hoggaamiyeyaasha Iran ee dhawaan la filayo inay la xaajoodaan wakiilladayda, waxaan si weyn ugu mahadcelin lahaa xorriyadda haweenkan.”

    Wuxuu sidoo kale yiri: “Fadlan ha waxyeelleyn, tani waxay noqon doontaa bilow wanaagsan oo wada-hadalladeenna ah.”

    Dabayaaqadii Janaayo, ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, madaxweynaha Mareykanka ayaa uga mahadceliyay hoggaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxa uu ku tilmaamay “joojinta dilka in ka badan 800 qof.”

    Si kastaba ha ahaatee, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Iran ayaa hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

  9. War deg deg ah, Degdeg: Pakistan oo shaacisay xog cusub oo wadahadallada ku saabsan

    Pakistan weli ma aysan helin jawaab rasmi ah oo xaqiijinaysa in Iran ay ka qeyb galeyso wada-hadallada nabadda ee ka dhici doona Islamabad, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas.

    Attaullah Tarar ayaa sheegay in xaaladda aysan waxba isk abadelin oo ilaa iyo hadda aaney war ka haynin dhanka Iiraan.

    Tarar wuxuu sheegay in Pakistan, oo ah dhexdhexaadiyaha, ay “si joogto ah ula xiriirayso Iran isla markaana ay waddo dariiqa dublamaasiyadda iyo wada-hadalka,” isagoo intaa ku daray in go’aanka Iran ee ka qeybgalka wada-hadallada ka hor dhammaadka xabbad-joojinta laba toddobaad ah ay tahay “muhiim”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Pakistan ay “dadaallo dhab ah ku bixisay sidii ay hoggaanka Iran ugu qancin lahayd inay ka qayb galaan wareegga labaad ee wada-hadallada, dadaalladaasna ay weli socdaan,” sida uu ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa X .

  10. Iiraan oo sheegtay in fursad ay ka dhex aragto xaaladda hadda taagan

    Gun on trigger

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee IRNA in Tehran ay aragto “fursado lagu kicinayo xiisadda” inta lagu jiro wada-xaajoodyada suurtagalka ah, isla markaana ciidamada difaaca ay ku jiraan “diyaar-garow buuxa”.

    Fatemeh Mohajerani si toos ah uma aysan xaqiijin, mana aysan beenin, in Iran ay ka qayb geli doonto wada-xaajoodyada xiga ee Islamabad.

    “Waxaan horteenna taalla laba istaraatijiyadood: mid waa istaraatijiyadda dagaalka, midna waa istaraatijiyadda dublamaasiyadda,” ayay tiri Mohajerani.

    Waxay sidoo kale sheegtay in kooxda wada-xaajoodyada ee Iran aysan “si fudud uga tanaasuli doonin danaha qaranka.”

  11. War deg deg ah, Iiraan oo u jawaabtay Trump

    Trump ma aha qofkii ugu horreeyay ee eedeyntan ku saabsan jebinta xabbad-joojinta soo jeediya muddadan laba toddobaad ah.

    Axaddii, ciidamada Iran waxay ku gooddiiyeen inay ka aargoosan doonaan waxa ay ku tilmaameen “fal burcad-badeednimo oo Mareykanku sameeyay”. Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay ayaa ku riday rasaas markab ganacsi oo calanka Iran wata oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.

    Washington waxay sheegtay in markabku isku dayayay inuu ka baxsado xayiraadda badda ee lagu soo rogay.Jawaab ahaan, xarunta ciidamada Iran waxay sheegtay in howlgalka Mareykanka uu ahaa “jebinta xabbad-joojinta”.

  12. War deg deg ah, Degdeg: Trump oo ku geediyay in dagaalku dib u bilaabanayo

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa u sheegay Tv-ga CNN ee Maraykanka in Iran aysan haysan wax kale oo ay sameyso marka laga reebo inay heshiis gaarto.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri: “Ugu dambayn waxaan gaari doonnaa heshiis weyn... waxaan u maleynayaa inaysan lahayn wax xulasho ah, waxaan joognaa meel aad u adag oo aan ku gorgortanno.”

    Wuxuu ka digay inuusan kordhin doonin xabbad-joojinta, isla markaana uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo dagaalka.

    Haddii aan heshiis la gaarinna, waxaan filayaa “in duqeyntu ay bilaabato, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in taasi ay tahay habka ugu wanaagsan. Diyaar ayaan u nahay, waxaan ula jeedaa in ciidamada ay si weyn u sugayaan tallaabo la qaado.”

    Saacad ka hor, Mr. Trump ayaa mar kale ku eedeeyay Iran inay si joogto ah u jebisay xabbad-joojinta, isagoo ku qoray baraha bulshada, balse ma uusan sheegin dhacdo gaar ah.

    Iran wali ma aysan shaacin go’aankeeda ku aaddan ka qaybgalka wada-hadallada nabadeed ee Islamabad, balse Maxamed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka ahna madaxa kooxda wada-xaajoodka ee Iran, ayaa adkeeyay in “aanan aqbali doonin wada-hadal lagu galo hooska hanjabaadaha, labadii toddobaad ee u dambeeyayna waxaan isku diyaarinaynay inaan soo bandhigno xeelado cusub oo dagaalka ah.”

    Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow hay’adaha milatariga iyo amniga, ayaa qortay:

    “Iyada oo la tixgelinayo in uu soo dhow yahay dhammaadka muddada xabbad-joojinta lagu heshiiyay, isla markaana tallaabooyinka xad-dhaafka ah ee Mareykanka iyo ku dhawaaqista go’doomin badeed ay hor istaageen dib u bilaabista wada-hadallada, Iran si buuxda ayay ugu diyaarsan tahay suurtagalnimada dagaal dib u qarxa,”.

  13. War deg deg ah, Trump oo Iiraan eedeyn culus u jeediyay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iran inay jebisay heshiiska xabbad-joojinta “marar badan.”

    Eedeyntan ayuu ku sheegay farriin uu dhowaan ku daabacay bartiisa Truth Social, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa uu ula jeeday.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo weli ay jirto hubanti la’aan ku saabsan in wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay maanta ka dhici doonaan magaalada Islamabad, maadaama Iran aysan weli si rasmi ah u xaqiijin ka qaybgalkeeda.

  14. Baydhabo oo laga mamnuucay ku dhex wadashada noocyada kala duwan ee hubka culus.

    Mid ka mid ah gawaarida ciidamada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Telefishinka Koonfur Galbeed

    Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in maanta laga bilaabo aan magaalada dhexdeeda lagu wada karin hubka culus oo ay ka midka yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, boobayaasha culus iyo gantaallada garabka laga tuuro.

    Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Bay, Gaashaanle Sidiiq Aaden Doodishe oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in ay cidI ku dhex wadato magaalada hub.

    “Maanta laga bilaabo waxaa mamnuuc ka aha in magaalada dhexdeeda lagu isticmaalo hubka waaweyn, oo dhashiikuhu ka mid yahay”.

    Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dhacdooyin kala duwan oo dhanka amniga ah laga soo wariyay magaalada Baydhabo, xilli ay kaabiga ku soo hayso doorashada maamulkaasi oo dhacaysa dhamaadka bishaan Abriil.

    Shalay waxaa magaalada lagu dilay ilaa saddex qof oo aan ilaa iyo hadda war laga haynin ciddii falkaasi gaysatay sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo.

    Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo isaga baxay qaar ka tirsan ciidamadii taageersanaa madaxweynihii hore ee maamulkaas Lafta-gareen, kuwaas oo dhawaantaan lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo gudaha magaalada.

  15. Wasiir Difaac oo dadka dalkiisa raalin gelin siyay

    Niger

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Jamhuuriyadda Niger, hay’adaha ammaanka dalka ayaa ugu baaqaya dadka ku nool meelaha ay dhibaatooyinka amni ka jiraan in ay raalli-geli ka ahaadaan dib-u-dhaca yimaada marka ciidamada ammaanku gaaraan goobaha weerarradu ka dhacaan, sida ay shacabka dalka qaarkood ka caowdeen.

    Wasiirka Difaaca dalka, Jeneraal Salifou Mody, ayaa arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka RTN, isagoo ugu baaqay shacabka Niger in ay fahmaan in ciidamada ammaanku aysan joogin karin tuulo kasta, maadaama Niger ay leedahay qiyaastii 32,000 tuulo.

    Arrintan ayaa imanaysa xilli dalka uu weli wajahayo weerarro argagixiso, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado ciidamada militariga ee dalka.

  16. "Trump oo ogaaday in Israa'iil ay war been ah u sheegtay"

    Trump iyo Netanyahu

    Xigashada Sawirka, EPA

    Indha-indhaynta wargeysyada Ingiriiska, oo ay ku jiraan falanqaynta dagaalka Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Israa'iil oo isku dhinac ah ee la macaamilka Iiraan, ayaa eegaya saameynta dhimista kharashaadka difaaca Ingiriiska, iyo murannada sharciga ah ee ku saabsan saameynta isticmaalka baraha bulshada.

    Jariidada The Independent ayaa maqaal uu qoray Robert Fox waxa uu ku eegayaa halka uu marayo dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan, kaas oo ciwaankiisu ahaa "Ugu dambayntii, Donald Trump waxa uu ogaaday in Israa'iil ay khiyaano ku samaysay".

  17. Qadar oo muujisay mowqifkeeda wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka

    Qadar

    Xigashada Sawirka, @MofaQatar_AR

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar Majid Al-Ansari ayaa sheegay in Qadar ay xiriir la leedahay dhammaan dhinacyada, oo ay ku jiro Maraykanka, marka laga hadlayo wadahadallada ka socda Islamabad.

    “Ma dooneyno inaan ka hadalno fashilka wadaxaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan,” ayuu Majid Al-Ansari ku yiri shir jaraa’id.

    “Dunida oo dhan ayaa taageeraysa wadahadalladan. Annaguna qayb ayaan ka nahay. Waxaan taageeraynaa walaalaheenna Pakistan.”

    Majid Al-Ansari ayaa intaas ku daray in dhammaan dalalka Khaliijka ay maalin kasta xiriir toos ah la leeyihiin dhinacyo kala duwan. “Tani waa dhibaato ka jirta gobolka. Taasi waa sababta aan u leenahay xiriir toos ah.”

    Marka laga hadlayo xiritaanka Marinka Hormuz, afhayeenku wuxuu yiri: “Xallinta dhibaatada Marinka Hormuz mas’uuliyaddeeda ma saarna hal dal oo keliya, balse waa mas’uuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan dalalka. Haddii xiritaanka Marinka Hormuz uu sii socdo, waxay dhibaatadan ka dhigeysaa mid caalami ah halkii ay ahaan lahayd mid gobol ku eg.”

  18. Iiraan oo tiri nalooma caga-jugleyn karo

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Safiirka Iiraan u fadhiya dalka Pakistan Reza Amiri Moqadam ayaa sheegay in Iiraan aysan wadahadal geli doonin iyadoo lagu hayo hanjabaad ama cadaadis.

    Wuxuu sheegay in ay tahay xaqiiqo si guud loo aqoonsan yahay in dal leh ilbaxnimo qadiimi ah uusan gorgortan ku geli karin xaalad hanjabaad ama cadaadis ah.

    Wuxuu sidoo kale xusay in tani ay tahay mabda’ adag oo Islaami oo diin ku saleysan, isaga oo intaas ku daray inuu rajeynayo in Maraykanku fahmo arrintaas.

  19. War deg deg ah, Trump oo ku hanjabay in qaraxyo badan dhici doonaan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay yar tahay fursadda lagu kordhin karo xabbad-joojinta labada toddobaad ah haddii aan heshiis lala gaarin Iran.

    Wareysi uu siiyay war-baahinta wararka caalamiga ah ee Bloomberg, Trump wuxuu sheegay in xannibaadda marin-biyoodka Hormuz ay sii socon doonto ilaa heshiis la gaaro.

    Dhanka kale, wareysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka ee PBS News, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in haddii xabbad-joojinta Iran ay dhammaato, “bambooyin badan ay qarxi doonaan.”

    Waxaa xusid mudan in 8-dii bishan la gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo laba toddobaad ah oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

  20. War deg deg ah, Jarmalka oo farriin u diray Iiraan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ku dhiirrigeliyay Iiraan inay la yeelato wadahadallo “wax dhisaya” Mareykanka kuwaas oo qorshuhu yahay in lagu qabt dalka Pakistan.

    “Sida aan ognahay, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu u safro Islamabad. Iiraan waa inay ka faa’iidaysataa fursaddan, iyada oo loo eegayo danta dadkeeda,” ayuu yiri Johan Vadful kahor kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee Arbacada ka dhacaya Brussels.

    Pakistan ayaa martigelinaysa wareeg cusub oo wadahadallo ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

    Donald Trump ayaa sheegay inuu wakiillo u diri doono Islamabad, balse Iiraan waxay sheegtay inaysan weli go’aan ka gaarin inay ka qayb gasho wadahadallada.

    Aqalka Cad ayaa horay u sheegay in J.D. Vance, madaxweyne ku-xigeenka Trump, uu sidoo kale u safri doono Islamabad, balse wali lama hayo wax war ah oo ku saabsan tagitaanka wafdiga Mareykanka.

    Xabbad-joojinta u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka ayaa ku eg berri.