TOOS, Tehran ayaa sheegtay in aysan jirin wax qorshe ah oo wadahadalo cusub ah kadib markii Maraykanku uu qabsaday markab xamuul oo Iran laga leeyahay

Donald Trump ayaa sheegay ka dib markii markabka Iran uu iska dhega tiray digniinaha, ay ciidamada badda ee Maraykanka "qarxiyeen ". Mareykanka ayaa soo bandhigay muuqaalka weerarka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iran oo sheegtay in aanay maquunin isku dhiibayn

    Iran's President Masoud Pezeshkian

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in "Iraniyiintu aysan isku dhiibeyn maquunin" ka hor inta aan la gaarin suurtagalnimada - welina aan la xaqiijin - wadahadalo dheeraad ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

    Waxa uu sheegay in Iran ay "kalsooni darro qotodheer oo taariikhi ah" ka qabto dawladda Maraykanka, taas oo weli jirta, isaga oo intaa ku daray "in la ixtiraamo ballanqaadyada" waa inay noqotaa "asalka wadahadal macno leh".

    "Dareen aan wanaagsanayn iyo hadalo is burinaya oo ka imanaya saraakiisha Maraykanku waxay xanbaarsan yihiin fariin qaraar; waxay raadinayaan in Iran is dhiibto," ayuu ku qoray X.

  2. Wafdiga Maraykanka oo dhawaan baxaya - ilo xog ogaal ah

    JD Vance

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxay ahayd subax jahawareer leh, warar is khilaafsan ayaa kasoo baxay halka uu marayo wada-hadallada iyo - iyo in ay tageen wafdigii Mareykanka.

    Wali ma ysan bixin.

    Illo xog ogaal ah ayaa BBC u sheegay in wafdigu la filayo inay dhawaan baxaan. Macluumaad intaas ka badan lama bixin, mana la qiyaasin wakhtiga imaatinka.

    Horaantii maanta, madaxweyne Trump ayaa u sheegay New York Post in wafdiga oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka JD Vance, ay mar hore sii socdeen. Wuxuu kaloo u sheegay Maria Baritomo oo ka tirsan Fox News in heshiis “la saxiixi doono caawa”.

    si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa mid aan suurtagal ahayn marka la eego masaafada ballaaran ee Islamabad iyo baahida loo qabo joojinta shidaal.

  3. Iran ma aysan bedelin go'aankeedii ahaa inay ka gaabisay wadahadalka Mareykanka - warbaahinta Iran

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Inkastoo madaxweynaha Mareykanka Trump uu u sheegay wargeyska New York Post in wafdiga Mareykanka ay ku wajahan yihiin Pakistan, haddana Iran "ma aysan beddelin go'aankeeda ah inay ka gaabsato" wadahadallada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee mayalka adag ee Tasnim oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

    Sida laga soo xigtay warbixinta Tasnim, go'doominta ciidamada badda ee Mareykanka ayaa weli ah "caqabad", laakiin, waxaa intaas dhaafsiisan, fariimaha Mareykanka ee Iran "waxaa ku jira dalabyo xad dhaaf ah oo mugdi gelinaya rajada wadahadallada soo socda".

    Iran "waxa ay si buuxda ugu diyaar garoobaysaa iska horimaad milatari iyo in ay mar kale ciqaabto Maraykanka," ayaa lagu yidhi.

    Tasnim ma aysan magacaabin mas'uuliyiin ay ka soo xigatay warbixinteeda, welina ma aragno in Iran ay ka qeyb galayso wadahadalka iyo in kale.

    Si aad wax badan u akhrido:

  4. Trump ayaa sheegay in Israa'iil aysan waligeed kala hadlin dagaalka Iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Waxa aanu dhawaan helnay qoraal cusub oo Truth Social uu lagu daabacay oo ka soo baxay Donald Trump, kaas oo uu si kulul u weeraray warbaahinta oo uu ku yidhi "Israa'iil waligeed igama hadlin dagaalka Iran".

    Waxa uu sheegay in weeraradii Xamaas ay ku qaadeen Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023 ay kordhiyeen fikradiisa in Iran aysan weligeed yeelan karin hub Nukliyeer ah.

    Isaga oo aan carabaabin, Trump waxa uu ka jawabayaa hadal hayn ka jirtay gudaha dalka baryahaan - taa oo ah in Israa'iil ay si uun isaga ugu tararixisay in uu dagaal ku qaado Iran.

    Wargeyska New York Times, tusaale ahaan, waxa uu sheegay in la-taliyayaasha aadka ugu dhow Trump, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Taliyaasha Isku-dhafka ah Gen Dan Caine, ay ku faraxsanayn saadaasha Israa'iil ee uu soo bandhigay Ra'iisal Wasaare Benjamin Netanyahu ka hor inta aanu hawlgalka bilaaban.

    Intaa waxaa dheer, madaxii hore ee Xarunta La-dagaalanka Argagaxisada, Joe Kent, ayaa si cad u sheegay is casilaadiisa inuu rumeysan yahay in Israa'iil ay adeegsatay farsamooyin si ay ugu qanciso maamulka inay bilaabaan weerarada si ay uga caawiyaan inay gaaraan ujeeddooyinkooda.

    Trump iyo Aqalka Cad ayaa marar badan arrintaas beeniyay.

    Isla qoraalkaas, Trump wuxuu ku weeraray warbaahinta "been abuur iyo sheeko laga sameeyay", isagoo sheegay in "natiijooyinka Iran ay noqon doonaan kuwo cajiib ah."

    Si aad wax badan uga akhrido dagaalka Iran iyo Maraykanka:

  5. Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya wadahadalka Iran iyo Maraykanka

    Maraykanka iyo Iran ayaa la filayey inay qabtaan wareeg labaad oo wadahadal nabadeed todobaadkan, horaantii Isniinta.

    Laakin hadda su'aal baa la geliyey xilliga wada xaajoodka suurtagalka ah uu dhici doono, iyadoo ay jiraan warar is khilaafaya oo ku saabsan goorta ay dhici karaan.

    Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wafdiga Mareykanka ee tagaya Pakistan, sidii uu u sameeyay wareegii koowaad ee wadahadalada horaantii bishaan.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay New York Post horaantii Isniintii in Vance uu imaan doono Islamabad caawa.

    Laakiin Iran ayaa soo dirtay fariimo iska soo horjeeda oo ku saabsan wada xaajoodka, taasoo sii hurinaysa wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Tehran laga yaabo inay ka baxdo wadahadalka daqiiqadaha ugu dambeeya ee khilaafyada ku xeeran gacan ku haynta marin biyoodka Hormuz.

    Mareykanka ayaa go'doomiyay marin biyoodka, waxaana Axadii la qabtay markab xamuul oo Iran laga leeyahay. Iran ayaa ka dalbatay Mareykanka inuu joojiyo go'doominta.

  6. Abiy Axmed: 'Geeska Afrika nabad lagu wada joogi maayo hadii aan Itoobiya bad helin'

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta qaranka dalka Itoobiya ee EBC, oo laga sii daayay labo qeybood ayuu ku sheegay in bad la'aantu ay abuureyso liidnimo in Itoobiya aysan ku tartamin warshadaha.

    "Waxyaabaha ugu waaweyn ee Itoobiya u diidaya inay noqoto dal quudiya muwaadiniintiisa, oo isku filan oo tartan caalami ah gali kara waa dekedo la'aan."

    Kadib markii dhawaan ay Iran xirtay marin biyoodka Hormuz ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay wadamada oo caalamka ah.

    "Jaarkeena waa inay fikiraan, dunidu waa inay fikirtaa," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in wada-shaqeynta lala sameeyo dalalka deriska ah aysan ku filnay in la xalliyo dhibaatada.

    Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in aysan sax ahayn in Itoobiya ay 'la'aato' marin badeed.

    "Itoobiya, oo ah dalka 10-aad ee adduunka ugu dadka badan, [horey] ma aysan qabin dhibaato deked la'aaneed markii ay suurtagashay in si fudud loo helo dekedo iyada oo loo marayo sharciyada ganacsiga iyo wada xaajoodka," ayuu yiri.

    Khudbadiisa Abiy waxa uu yiri''5000km laga bilaabo cirifka Mesawa ilaa cirifka Muqdisho, aagga ayaa ah halka uu ka jiro khayraad aad u badan. Laakin arxan darada, aamusnaanta, aaminaad la'aanta iyo in aanay bixin tilmaamo laga qaato, iyo sidoo kale rabitaan la'aanta in Itoobiya ay siiyeen marin-badeed ma caawin doonto.

    Dawladdu waxa ay ka shaqaynaysaa xal muddo gaaban ah si loo yareeyo saamaynta dekedaha, ayuu yiri.

  7. Pakistan oo sheegtay in ay diyaarisay 'amni la isku halayn karo'

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa la kulmay safiirka Iran Reza Amiri Moghadam si uu dib ugu eego u diyaar garowga wejiga labaad ee wadahadalka Islamabad, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Pakistan.

    Iyadoo Iran aysan weli xaqiijin ka qayb galka wadahadalada cusub, Naqvi ayaa sheegay in qabanqaabada la soo gabagabeeyay, iyadoo "amniga la isku halayn karo" loo diyaariyay wufuudda imaaneysa.

    Sidoo kale waxa uu safiirka uga warbixiyay safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Iran. Wasiirka ayaa sheegay in heshiis wada-xaajood ah oo dhex mara Maraykanka iyo Iran ay lama huraan u tahay xasilloonida gobolka.

    Sida laga soo xigtay wasaaradda, Moghadam ayaa soo dhaweysay Pakistan "doorka wanaagsan iyo doorka wax ku oolka leh" ee dadaalka lagu qaboojinayo xiisadaha.

    Saraakiisha sare ee Islamabad, oo ay ku jiraan madaxa gudoomiyaha, kormeeraha guud ee booliska, iyo gudoomiye ku xigeenka, ayaa ka qayb galay kulanka.

  8. Iran oo farriin cusub dirtay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in "dagaalku cidna faa'iido u lahayn, iyo in kasta oo uu ka soo horjeeda hanjabaadaha, hadana waddo kasta oo macquul ah iyo diblomaasiyadeed ay tahay in la adeegsado si loo yareeyo xiisadada".

    "Guulaha iyo caqabadaha labadaba waa in si daacad ah loola wadaagaa dadweynaha," Pezeshkian ayaa yiri.

    Mar sii horaysay afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Iran ayaa sheegay in Tehran aysan wax qorshe ah ka lahayn ka qayb galka wareega xiga ee wadahadalada.

  9. Islamabad oo mar kale u diyaar garoowday martigalinta wadahadala Iran iyo Maraykanka

    .

    Islamabad, amaanka ayaa aad loo adkeeyay. Silig ayaa lagu ooday waddooyin badan oo gala aagga diblomaasiyiinta ee magaalada.

    Booliska, ciidamada iyo millatariga ayaa kaalmaynaya kumanaan askar booliis ah oo laga keenay Punjab oo u dhow caasimadda.

    Xafiisyada dowladda ayaa albaabada loo laabay, jaamacado badan ayaana casharadooda ku qaadanaya qaab online ah. Laakiin iyadoo magaaladu u muuqato inay diyaarsan tahay, haddana waxaa jira su'aalo badan oo ku saabsan wadahadallada.

    Waxaa jiray wax yar oo ay Pakistan si cad u sheegtay maalintii u dambaysay, taa oo ahayd in kuwa yar oo kaliya ay diyaar u yihiin inay wax huraan.

    Markii wadahadaladu ay halkan ka dhaceen sideed maalmood ka hor, Iran waxay sidoo kale ka tagtay dad badan oo la qiyaasay inay soo bixi doonaan ilaa daqiiqada ugu dambeysa.

  10. Netanyahu oo cambaareeyay fal uu sameeyay askari Israa'iili ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si kulul u cambaareeyay falkii uu askari Israa’iil ah u geystay mid ka mid ah "taalooyinka halyeeyada diinta Katooliga" ee koonfurta Lubnaan.

    Waxay daba socotaa muuqaal baraha bulshada ku baahay oo muujinaya askari Israa'iili ah oo bir ku garaacaya taallada kirishtanka.

    War qoraal ah oo lagu daabacay barta X, ayuu Netanyahu ku sheegay in isaga iyo "inta badan reer Israa'iil" ay ka naxeen oo ay ka xumaadeen markii ay maqleen dhacdada.

    Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta ciidamadu ay wadaan baaritaan dambiyeed la xiriira arrintan, ayna ka qaadi doonaan “tallaabo anshax oo ku habboon” dembiilaha.

    "Israa'iil waa meesha kaliya ee Bariga Dhexe ku taal ee u hoggaansan xorriyadda cibaadada. Waxaan muujineynaa sida aan uga xunahay dhacdada iyo wax kasta oo dhaawac ah oo ay tani sababtay," ayuu raaciyay hadalkiisa.

    Goor sii horreysay, safiirka Mareykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee, wuxuu ku baaqay “dhakhso, cawaaqib adag oo degdeg ah oo dadka dhan ay wada arkan”.

  11. War deg deg ah, Xog laga helay Trump oo ku saabsan xannibaadda Mareykanka ee maraakiibta Iiraan

    Ilo wareed ka tirsan laamaha amniga ee dalka Pakistan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay telefoonka ku wada hadleen madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo taliyaha ciidamada Pakistan.

    Labada mas’uul ayaa ku wada hadlay taleefoonka, wuxuuna Trump sheegay inuu qaadan doono waxa uu ku taliyo taliyaha, oo ku saabsan waxa uu ka yeeli doono xayiraadda maraakiibta Iiraan ee Marinka Hormuz.

    Xannibaadda marin biyoodka Hormuz ayaa caqabad ku ah wadahadallada nabadda ee lala galo Iiraan.

    fhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Iiraan aysan weli go'aansan inay ka qaybgasho wareeg labaad oo wadahadallo ah oo ay la yeelanayso Mareykanka iyo in kale.

    "Ilaa hadda... ma hayno qorshe ku saabsan wareegga xiga ee gorgortanka, mana jirto wax go'aan ah oo arrintan laga gaaray," ayuu yiri afhayeenka, Ismaaciil Baghaei, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

  12. Shiinaha oo ka hadlay Makabka Iiraan ee uu Mareykanka qabtay

    .

    Xigashada Sawirka, Centcom

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku baaqay in wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka ay tahay inay dib u bilaabmaan, ka dib markii uu Mareykanka gacanta ku dhigay markabka Touska oo uu ka babanayay calanka Iiraan.

    Guo Jiakun ayaa shir jaraa'id ka sheegay in Shiinuhu uu "walaac ka muujinayo" "qabashada qasabka ah" ee ciidamada Mareykanka ay ku qabsadeen markabka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa hore ugu tilmaantay xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka ee dekedaha Iiraan "mid mas’uuliyad darro ah oo khatar ah".

    Shiinaha ayaa lagu qiyaasaa inuu iibsado qiyaastii 90% shidaalka ay Iiraan dhoofiso - iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan in xayiraadda Mareykanka looga gol leeyahay Shiinaha, oo la doonayo inuu cadaadis saaro Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  13. Waa maxay Cicida, nooca cusub ee Covid-19?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isha ku haya nooc cusub oo ah Covid-19 oo noocyo badan leh, kaas oo ilaa hadda laga helay 23 waddan.

    Noocan cusb oo si rasmi ah loogu magacaabay BA.3.2 ayaa sidoo kale lagu arkay USA, Hong Kong, Mozambique, iyo UK.

    Inkastoo aysan jirin wax caddaynaya in noocan uu ka khatar badan yahay kuwa kale, haddana khubaradu waxay xuseen in carruurtu ay u muuqdaan inay ugu dhowdahay inay qaadaan cudurka marka loo eego dadka waaweyn.

    Haddaba intee in le'eg ayay tahay in aan welwelno?

    Waa maxay noocan cusub ee cudurka – CICADA

    Noocan BA.3.2 waxaa lagu magacaabay "Cicada" sababtoo ah ka dib markii la ogaaday bilawgiiba, waxaana la arkay inuu yahay mid aan firfircoonayn muddo dheer (dormant) qaybo ka mid ah aduunka, waxayna ku nool yihiin dhulka hoostiisa muddo dheer.

    Noocan ayaa markii ugu horreysay laga helay Koonfur Afrika bishii Noofambar 2024, laakiin ma aysan ahayn kuwo sii kordha illaa Sebtembar 2025.

    Bishii hore, Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ayaa ku dhawaaqday in kiisas laga soo sheegay 25 gobol.

    Sida laga soo xigtay machadka, cudurkan BA.3.2 waxaa laga helay suuf sanka oo laga soo qaaday afar rakaab ah, muunado caafimaad oo laga qaaday shan bukaan ah, iyo 132 muunado oo laga soo qaaday biyo wasakh ah.

  14. Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa durba billowday xiisaha ku saabsan qodista shidaalka oo ay dadka qaar aaminsan yihiin in shidaalka durba uu dibadda u soo bixi doono.

    Arrintan waxaa sii xoojiyey ka dib markii jimcihii lagu soo dhaweeyay xeebaha Muqdisho markabka Cagri Bey ee qodaalka samaynaya.

    Laakinse khubaradu waxay qabaan in ay jiraan dhowr marxaladood oo qodista iyo soo saarista shidaalku ay ka yihiin laba qayb oo muhiim ah.

    Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir ka faallooda arrimaha shidaalka ayaa BBC u kala qeexay labadaas marxaladood.

    Wuxuu ku bilaabay in wejiga hadda la galayo uu yahay 'wajigii labaad ee sahaminta'.

    Xogtii hore waxay ahayd mid badda gunteeda laga baaray oo sawir u badan. Maadaama markabku qodayo meelihii hore loo baaray ayaa wejina ka mid tahay sahanka, welina waxay ka mid tahay horumarinta. Wajiga hadda lagu jiro dhowr marxaladood ayuu marayaa, kuwaasoo ah in la qodo, in naamuunado laga qaado nooca shidaalka, in qiyaas lagu sameeyo, kaydka ku jira int auu le'eg yahay" ayuu yiri.

    Marka arrimahaas laga soo gudbo ayuu Naafic sheegay in qorshihii qoditaanka shidaalka la soo saarayo la gali doono, qiyaasta kharashka galaya, iyo marinka dibadda loogu dhoofinayo. "Wejigan waa mid go'aan qaadasho oo lagu go'aamiyo in shidaalku ganacsi geli karo oo hore loo sii socon karo" ayuu sii raaciyey.

    Wuxu intaa ku daray in wajiga horumarinta oo hadda bilaabanaya uu socon karo 5 - 8 sano. "Markaa ka dib ayaa loo gudbayaa wajiga wax soo saarka oo la diyaarinayo riigaggii iyo goobihii badda gudaheeda laga dhisi lahaa, dhuumihii qaadi lahaa, kaydadkii iyo qalabkii iyo warshadihii ka shaqayn lahaa" ayuu qiyaas ku bixiyey.

    Waxaa kale oo aad akhrisan kartaa:

  15. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo go’aan ka soo saartay wadahadallada Mareykanka

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in Iiraan aysan weli go'aansan inay ka qaybgasho wareeg labaad oo wadahadallo ah oo ay la yeelanayso Mareykanka iyo in kale.

    "Ilaa hadda... ma hayno qorshe ku saabsan wareegga xiga ee gorgortanka, mana jirto wax go'aan ah oo arrintan laga gaaray," ayuu yiri afhayeenka, Ismaaciil Baghaei, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu wafdi u dirayo Pakistan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka JD Vance si ay wadahadallo u yeeshaan fiiidnimada Isniinta ah.

    Ergayga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay Jared Kushner ayaa sidoo kale la filayay inay ka soo qayb galaan wadahadalka.

    Axaddii warbaahinta dawladda Iiraan waxay sheegtay in mas’uuliyiintu aysan qorsheyneynin inay ka qeyb galaan sababtoo la xirriira xayiraadda Mareykanka ee maraakiibta Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  16. Faa'iidada Somaliland ugu jirta aqoonsiga Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Jimcihii ay bisha Disembar 26ka ahayd ayaa lagu baraarugay ictiraafkii ugu horreeyey ee Somalland ay ka heshay dal awood iyo miisaan kuleh fagaarayaasha caalamka.

    Waxaa baraha bulshada ka soo muuqday ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, oo saxiixaya sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland. Waxaa kale oo isla xilligaas Khadka ku jiray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhoollo-caddaynaya.

    Wixii intaas ka dambeeyey waxaa iska soo daba dhacayey diidmada iyo aqoonsigaas, mana jirin dal taageero u muujiyey, marka laga reebo Taiwan oo iyada qudheeda sheegata in ay ka go'day Shiinaha, sidaa darteed Israa'iil waxay noqonaysaa dalkii ugu horreeyey ee dal madax banaan u aqoonsada Somaliland.

    Somaliland iyo Israa'iil si furan oo toos ah uma aysan soo bandhigin waxa uu midba kan kale ka doonayo ee xiriirkan iyo aqoonsigan uu ku helayo. Dadka wax indha indheeya waxay aad isha ugu hayaan laba qodob oo Israa'iil dan u ah. Midi waa in ay saldhig ku yeelato badda cas si ay isaga ilaaliso khaatarta kaga imaanaysa Xuutiyiinta. Qodobka labaad oo ah mid aysan Somaliland ilaa hadda ogolaan ah, hase yeeshee jaamacadda carabtu ay sheegtay inuu ku jiro qorshaha Israa'iil ayaa ah in ay hesho dhul la dejiyo falastiiniyiinta ka dib marka la soo musaafuriyo.

    Dhanka Somaliland kama aysan hadlin waxa danta u ah ee ay ku helayaan heshiiskan marka laga reebo in ay Israa'iil aqoonsatay.

  17. Bam la aasay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo la helay

    Qiyaastii 800 oo askari oo boolis ah ayaa isku gadaamay goob ku taal waqooyi-galbeed ee magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska, iyadoo khubaradu ay isku dayayaan inay xakameeyaan bam laga helay halkaas oo aasanaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Kumanaan qof oo deganaa halkaas ayaa laga daadgureeyay masaafo dhan 450 mitir.

    Bamka waxaa laga helay aagga Colombes sagaal maalmood ka hor, laakiin khubaradu ma aysan awoodin inay ka saaraan isku daygoodii ugu horreeyay sababtoo ah qolofkiisa ayaa waxyeelloobay.

    Qorshaha hadda socda waa in loo soo sare qaado ilaa laba miitar.

  18. Midowga Africa oo war ka soo saaray safiirkii ay Israa’iil u soo magacaawday Soamliland

    .

    Xigashada Sawirka, Social media

    Guddiga Midowga Afrika ayaa soo saaray warqad ay uga hadayaan safiirkii ay Somaliland Arbacadi u soo magacaawday jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Waxay warqadda ku sheegeen inay si adag u cambaareynayaan talllaabadan oo dabcan ah go’aanka Israa’iil ay ku magacawday safiir loo dirayo wax loogu yeero “Somaliland.”, waa sida ay iyaga hadalka u dhigeene.

    “Guddigu wuxuu mar kale xaqiijinayaa ixtiraamka Midowga Afrika uu u hayo madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan Xeerka aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah. Midowga ma aqoonsana Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan”, ayaa lagu yirii bayaanka ka soo baxay Midowgu.

    Iyadoo la xusuusinayo bayaankii ka soo baxay kulankii 1324aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee 6-da Janaayo 2026, Guddigu wuxuu carrabka ku adkeynayaa in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo la siiyo Somaliland uu yahay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka digayaa in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar gelin karaan xasilloonida gobolka, ayaa lagu yiri qoraalka warqadda.

    Midowga Afrika waxaa weli ka go’an taageeridda nabadda, dowlad-dhiska, iyo midnimada qaran ee Soomaaliya ayaa intaas la sii raaciyay.

    Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo Muslim ah ayaa Sabtidii shalay ahady cambaareeyay ku dhawaaqista Israa'iil ee ah inay magacowday wakiil diblomaasiyadeed oo "u jooga Somaliland."

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indoneesiya, Bakistaan iyo Kuweyt ayaa sheegay in magacaabista Israa'iil ee ergay u jooga Somaliland ay tahay "xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya."

    Waxay sidoo kale si cad u xaqiijiyeen diidmadooda aan mugdiga ku jirin ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama ku xadgudba madaxbannaanidooda.

    Waxay intaa ku dareen in tallaabooyinka noocaas ah ay "ka dhigan yihiin jebin cad oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Xeerka Asaaska Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay dejinayaan tusaale halis ah oo khatar gelin kara xasilloonida Geeska Afrika."

    Sidoo kale akhri

  19. Daraasad cilmi muhiim ah looga ogaaday xubnaha taranka ragga oo abaal marin heshay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Cilmi baaris lagu cabiray farqiga dhinaca heer-kulka ee u dhaxeeya xiniinta bidix iyo tan midig ee ka mid ah xubnaha taranka ragga ayaa qeyb ka noqotay daraasado 2019-kii ku guuleystay abaal marinta qaaliga ah ee Nobel-ka.

    Khubarada ku takhasusay cilmiga taranka dadka ee lagu kala magacaabo Roger Mieusset iyo Bourras Bengoudifa ayaa cabirka heer-kulka ku sameeyay rag u dhashay dalka Faransiiska.

    Waxay cilmi baaristaas ku sameeyeen isagoo dhar xiran iyo isagoo aan xirneyn labadaba.

    Aqoonyahannadan ayaa markaas ka dib ogaaday in xiniinta bidix ay ka diirran tahay tan midig, balse ay saas tahay kaliya marka uu ninku dharka xiran yahay.

    Abaal marinta qaaliga ah ee lagu bixiyo dhinaca cilmi baarista caafimaadka ee la yiraahdo Ig Nobel ayaa looga dhawaaqay munaasabad ka dhacday Jaamacadda Harvard.

    Natiijada cilmi baarista ay soo saareen ayaa lagu daabacay wargeys ka faallooda arrimaha la xiriira taranka bani'aadanka, waxayna khubaradu ku sharraxeen tijaabada ay sameeyeen iyo cilmiga ay ku ogaadeen markii ugu horreysay.

    Waxay khubaradan ka codsadeen 11 rag ah oo ka shaqeeya boostada waraaqaha lagu diro inay muddo 90 daqiiqo ah meel istaagaan, halka ay iyaguna cabir ku sameynayeen heer-kulka kala duwan ee xubnahooda taranka.

    Tijaabo kale oo ay hirgaliyeen ayey ku sameeyeen 11 nin oo ka mid ah darawaliinta basaska kaxeeya, kuwaasoo iyagana fadhiyay xilligaas.

    Ig Nobels ayaa la guddoonsiiyaa natiijooyinka cilmi baarista ee mowduucoodu uu sanadkaas noqdo kan ugu muhiimsan.

    Iyadoo taas loo eegayo, cilmi baareyaal kale ayaa sheegay in heer-kulka la xiriira xiniinyaha ragga ay saameyn buuxda ku leeyihiin shaqada xubnaha taranka.

    Tayada dhinaca taranka ee ay leedahay shahwada ragga ku nool dalalka reer galbeedka ayaa hoos usii dhaceysa, laakiin wax yar unbaa laga ogyahay sidii horumar lagu gaarsiin lahaa.

    Nin lagu magacaabo Craig Franklin ayaa BBC-da u sheegay in ay musiibo ku habsatay markii uu ogaaday inuusan wax shahwo ah lahayn gabi ahaanba.

  20. Iiraan oo maraakiib Mareykan ah weerartay

    .

    Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa werisay in Iiraan ay weerarro cirka ah ku qaadday maraakiibta militariga Mareykanka ee ku sugan Gacanka Cumaan, ka dib markii ciidamada badda ee Mareykanku ay gacanta ku dhigeen markab xamuul ah oo laga leeyahay Iiraan oo ku sugan Gacanka Cumaan.

    Ma jiraan wax warbixino ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarrada loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Horey, Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan - oo ah qaybta ugu sarreysa ee taliska hawlgallada ee isku dubaridka ciidamada qalabka sida - ayaa ku tilmaamay hawlgalka ciidamada badda ee Mareykanka mid xadgudub ku ah xabad-joojinta, waxayna balan qaadeen inay ka"aargudan doonaan falkan burcad-badeednimo ee hubaysan ee ay geysteen ciidamada badda ee Mareykanka."

    Sidoo kale akhri