Inaad si fiican u cadeyso ilkahaaga waxay kuu suurtagelinaysaa inaad yarayso khatarta aad ugu jirto cudurrada ku dhaca cirridka iyo suuska ilkaha.
Waxaa kale oo wanaajinta habka cadayga ay kaa caawinaysaa in uusan wax isbeddel ah ku imaan caafimaadka ilkahaaga.
Balse inteenna badan si sax ah uma cadaysanno. Waxaan qaladaad ku samaynaa habka cadaysiga.Qof walba oo naga mid ah muddo dheer ayuu ilkihiisa soo nadiifin jiray, si maalinle ah, ama dhowr jeer maalintiiba, balse waxay u muuqataa inaan ku qaldannahay waxyaabo badan.
Dalka Sweden, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii qofba hal qof oo ka mid ah oo keliya uu sida ugu habboon u cadaysto. Shirkadda caymiska caafimaadka ee Britain, Bupa, ayaa iyadana ogaatay in ku dhowaad kalabar ka mid ah dadka ay u kuurgashay arrimahooda aysan ogayn sida saxda ah ee loo cadaysto ilkaha.
Xogtan waxaa lagu ogaaday cilmi-baaris lagu sameeyay 2,000 oo qof oo reer UK ah.
"Waxay aad ugu badan tahay in qof walba oo aan talo ka qaadan dhaqtarkiisa ilkaha ama khubarrada nadaafadda uu u cadaysto si qaldan," ayay tiri Josefine Hirschfeld oo ah khabiir cilmiga ilkaha ku takhasustay oo ka howlgasha Jaamacadda Birmingham ee dalka UK.
"Anigoo khibraddeyda kaashanaya, dadka aan sida habboon u cadaysan waa kuwa ugu badan dal walba," ayay sii raacisay.
Waxaa suuragal ah in arrintani aysan noqon mid lama filaan ah ama lala yaabo maaddaama uu jiro macluumaad aad u badan oo ku saabsan sida aad u cadaysan karto.
Hal daraasad ayaa lagu ogaaday in ay jiraan ugu yaraan 66 talo, oo qaarkood iska hor imaanaya, oo ku saabsan habka loo nadiifiyo ilkaha.
"Waxay ila tahay in macluumaadkaas ay jahawareerinayaan dadka u baahan," ayuu yiri Nigel Carter, oo ah madaxa Hay'adda Caafimaadka Afka ee UK.
Xogaha jahawareerka abuura ayaa la socda qalabka loogu talagalay iibka ee loo adeegsado nadaafadda ilkaha, laga billaabo kuwa carrabka lagu xoqo ilaa kuwa ilkaha iyo cirridka gaarka u ah.
Hadda muxuu yahay qaladka aan samayno, sideense u beddeli karnaa habka aan u cadaysanno, si uu u noqdo mid sax ah?
Qaabka ugu haboon Halkan ka si akhri