You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Boqolaal qof oo la la’yahay kaddib markii daad ku dhufteen dalka Nepal iyo dadka qaar oo la shaaciyay dalalka ay u dhasheen

Boqolaal qof oo la la’yahay kaddib markii daad ku dhufteen dalka Nepal iyo dadka qaar oo la shaaciyay dalalka ay u dhasheen

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Sawirradii ugu dambeyay ee xaaladda Nepal oo fatahaadu ku dhufteen

  2. War deg deg ah, Daadadka Nepal : Weli waxaa ka kordhaya tirada dhimashada dadka

    Booliska Nepal ayaa sheegay in 100 qof ay ku dhinteen fatahaadaha xooggan ilaa hadda.

    Dhimashadu waxay ka kala dhacday deegaanno kal aduwan oo fatahaaddu ka dhacday.

    Warbixinnada cusub ayaa muujinaya in tirada dhimashadu weli isbeddelayso iyadoo hawlgallada baadigoobka iyo samatabixintu socdaan.

  3. War deg deg ah, Daadadka Nepal waxaa ku dhintay ilaa iyo hadda 95 qof, halka 403 dalxiisayaal ahaa oo ay ku jiraan muwaadiniin Hindi ah ahna weli la la'yahay.

  4. War deg deg ah, WHO oo ku baaqday xabad-joojin si loo xakameeyo faafitaanka Ebola

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqday in colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo lagu sameeyo xabbad-joojin lix bilood ah, si loo xakameeyo faafitaanka Ebola.

    Agaasimaha WHO ee Afrika, Mohamed Janabi, ayaa sheegay in amni-darradu carqaladeysay la socodka cudurka, gaarsiinta sahayda caafimaadka iyo shaqada shaqaalaha caafimaadka.

    Wuxuu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay fursad siiyaan nabadda, isagoo ka digay in dagaalladu kumannaan qof barakiciyeen oo ay dardar geliyeen faafitaanka cudurka.

    Cudurkan ayaa ah dillaacii labaad ee ugu weynaa taariikhda, waxaana la xaqiijiyay in ka badan 5,000 xaaladood, halka in ka badan 2,000 qof ay dhinteen.

  5. War deg deg ah, Trump oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan hoggaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu weli nool yahay, inkastoo uusan si guud u soo muuqan tan iyo markii uu xilka qabtay kaddib dilkii aabbihii bishii Febraayo.

    Trump ayaa sidaas u sheegay weriyaha muxaafidka ah ee Maraykanka Glenn Beck. Wuxuu sheegay in Khamenei uu si daran uga dhaawacmay dhinaca bidix ee jirkiisa, oo ay ku jiraan gacan iyo lug.

    Mojtaba Khamenei ayaa weli ah hoggaamiyaha Iran iyadoo ay socdaan weerarrada Maraykanka iyo Israel. Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshihiisa joogtada ah ee fagaarayaasha iyo saameynta sii kordheysa ee saraakiisha sare ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan xaaladdiisa iyo awooddiisa hoggaamineed.

    Aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu dilay duqeymihii bilowga u ahaa weerarrada Maraykanka iyo Israel ee Iran.

    Trump ayaa marar badan sheegay in Maraykanku uu ku dhow yahay guul ka dhan ah Iran. Hase yeeshee, Maraykanku weli ma xaqiijin in Iran si buuxda u furto Marinka Hormuz ama ay ka tanaasusho hubkeeda iyo qalabkeeda nukliyeerka.

    Wareysiga, Trump wuxuu carrabka ku adkeeyay in cadaadiska militari iyo dhaqaale ee lagu hayo Iran uu sii dhalinayo natiijooyin.

    Wuxuu yiri: “Wax walba waxay u socdaan hab guul ah. Dhawaan waxaan halkas ka gaari doonnaa guul weyn.”

    Isagoo ka hadlayay Marinka Hormuz, oo Iran inta badan xannibtay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in marinku furan yahay, isla markaana maraakiib badan hadda loo oggolaanayo inay maraan.

    Wuxuu sheegay in miinooyinkii badda laga saaray, ayna Maraykanku weli caawinayaan maraakiibta si ay uga gudbaan marinka.

    Trump wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maraykanku uusan oggolaan karin Iran inay hesho hub nukliyeer ah, isagoo sheegay in arrintani tahay qodobka ugu muhiimsan ee colaadda.

    Wuxuu ku andacooday inuu horey laba jeer uga hortagay in Iran ay hesho hubkaas.

  6. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo qaaday tallaabooyin ka dhashay carruutii dabka ku gubatay

    Ugu yaraan 14 carruur ah oo dhawaan dhashay ayaa ku dhintay dab ka kacay mid ka mid ah isbitaallada waaweyn ee dowladda Pakistan. Dabku wuxuu ka kacay qaybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka PIMS ee Islamabad.

    Hal cunug ayaa la sheegay inuu badbaaday. Afhayeenka isbitaalka ayaa sheegay in dabku ka billowday qalabka qaboojinta hawada, kadibna uu si degdeg ah ugu faafay qaybta isku xirrada ogsijiinta.

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa muujiyay caro xooggan, wuxuuna xilka ka qaaday Xoghayaha Federaalka Caafimaadka.

  7. War deg deg ah, Meta oo heshiis la gaartay gobolladii eedeynta u jeediyay

    Wararka ka imanaya Maraykanka ayaa sheegaya in Meta, oo ah shirkadda iska leh Facebook iyo Instagram, ay heshiis la gaartay 29 gobol oo Maraykan ah oo ku eedeeyay inay carruurta waxyeello u geysatay.

    Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Meta ay bixin karto ilaa 17 bilyan oo dollar, inkastoo shirkaddu ay beenisay in ay wax khalad ah sameysay.

    Sida ay Reuters ka soo xigatay dukumiintiyada maxkamadda, Meta waxay xaddidi doontaa waqtiga ay dhalinyaradu isticmaalaan baraha iyo sidoo kale waxay habeenkii xannibi doontaa isticmaalka.

    Gobolladu waxay ku eedeeyeen Meta inay adeegyada u naqshadeysay si carruurta looga dhigo kuwo ku tiirsanaada, isla markaana ay qarisay cilmi-baaris arrintaas ku saabsan.

  8. War deg deg ah, Carruur badan oo u dhintay cudurka gowracatada

    Ugu yaraan 50 carruur ah ayaa ku dhintay cudurka diphtheria oo ka dillaacay waqooyi-galbeed Nigeria.

    Mas’uuliyiinta gobolka Kano ayaa sheegay in cudurku ku fiday lix degmo oo dowladeed, waxayna ugu baaqeen maamulka deegaanka inuu geeyo shaqaale caafimaad oo dheeraad ah, isla markaana qaado tallaabooyin degdeg ah meelaha ugu khatarta badan.

    Diphtheria oo loo yaqaanno gowracatada waa cudur bakteeriyo ah oo si fudud u kala qaada, wuxuuna sababi karaa xanuun daran iyo dhimasho, gaar ahaan carruurta aan la tallaalin.

  9. War deg deg ah, Dalalka ay u dhasheen dadka la la'yahay oo hadda la shaaciyay

    Sida aan soo sheegnay, 384 qof oo safar ku jiray ayaa la sheegay in la la’yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin 93 muwaadin Nepal u dhashay iyo 291 ajaanib ah.

    Sida uu sheegay Guddiga Dalxiiska Nepal, ajaanibta la la’yahay waxaa ka mid ah:

    • 12 muwaadin oo British ah
    • 105 Hindi ah
    • 37 Hindi ah oo aan dalka deggenayn
    • 17 Malaysian ah
    • 4 Koonfur Afrikaan ah
    • 3 Maraykan ah
    • 1 Australian ah
    • 1 Dutch ah
    • 111 qof ayaa weli jinsiyaddooda la xaqiijin.
  10. Degdeg: tiro dad ah oo dhimashadooda la xaqiijiyay

    Booliska Nepal ayaa soo saaray war qoraal ah oo ay ku sheegeen in 18 qof la xaqiijiyay inay dhinteen ilaa iyo hadda inta la ogyahay.

    War-saxaafadeedka ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in hal qof laga helay isagoo ku dhintay Rasuwa, toddoba qof Nuwakot, lix qof Dhading, halka afar qof oo Kalena lagu helay Gorkha.

  11. Degdeg: Boqollaal qof oo lagu la'yahay dalka Nepal iyo jaha-wareer halkaa ka taagan

    Boqolaal qof ayaa la la’yahay kaddib markii daad xooggan oo kedis ah ay ku dhufteen halkaasi kadi fatahaad ka dhalatay webiga Bhote Koshi, oo ku yaalla xadka u dhexeeya Nepal iyo Tibet.

    Guddiga Dalxiiska Nepal ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in guud ahaan 384 qof oo safar ku jiray la la’yahay, kuwaas oo ay ku jiraan 291 ajaanib ah iyo 93 muwaadiniin Nepal ah.

    Guddigu wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay xaqiijinta halka ay dadkaasi ku sugan yihiin iyo xaaladdooda caafimaad.

    Daadku wuxuu ku dhuftay deegaanka Rasuwa aroornimadii hore ee saaka, oo waqooyi ka xigta caasimadda Nepal ee Kathmandu.

  12. War deg deg ah, Dalka Sudaan oo dad rayad ah lagu laayay

    Ugu yaraan 27 qof, oo ay ku jiraan afar carruur ah, ayaa ku dhintay rabshado cusub oo ka dhacay gobolka Koonfurta Kordofan ee Sudan.

    Wararka ayaa sheegaya in weerarradu ka dhaceen deegaannada Qardud iyo Abu Hamama, halkaas oo ay degto bulshada Otoro, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dhowr haween ah.

    Ururka Dhakhaatiirta Sudan ayaa kooxda fallaagada ah ee SPLM-N, oo uu hoggaamiyo Abdel Aziz al-Hilu, ku eedeeyay inay weerarrada geysatay. Ururku wuxuu sheegay in weerarrada lagu qaaday dadka rayidka ah ay dhaceen xilli uu sii xoogeysanayay iska horimaadka u dhexeeya kooxda iyo bulshada Otoro.

    Ururku wuxuu sheegay in weerarradu sababeen barakac ballaaran, iyadoo dad badan ay u qaxeen deegaannada Abu Hitan iyo Kadugli.

    Waxa kale oo uu ka digay in weerarrada joogtada ah ee dadka rayidka ah loogu qaadayo sabab la xiriirta kala duwanaanshaha qowmiyadeed ay isu beddeli karaan colaad qowmiyadeed oo ka sii ballaaran tan hadda. Wuxuu sheegay in weerarrada lagu qaado haween iyo carruur aan hubaysnayn ay yihiin xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

  13. War deg deg ah, Hoggaamiyaasha Afrka qaarkood oo beesha caalamka dalab u dirsaday

    Agaasimaha Xarumaha Afrika ee Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Africa CDC, Dr. Jean Kaseya, iyo hoggaamiyeyaasha Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe iyo Uganda ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada dhaqaale si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Ebola.

    Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in taageerada dhaqaale ay tahay inay la jaanqaaddo xawaaraha uu cudurku ku fidayo, kaas oo DRC ku dilay in ka badan 2,600 qof, halka in ka badan 5,500 qof uu ku dhacay.

    Waxay sheegeen in dib u dhaca maalgelintu uu keeni karo in aan la gaarsiin daawooyinka iyo qalabka ilaalinta shaqaalaha caafimaadka.

    Waxay sidoo kale ugu baaqeen deeq-bixiyeyaasha inay fuliyaan ballanqaadyadii dhaqaale ee ay sameeyeen, kuwaas oo gaaraya ku dhowaad 1.3 bilyan oo dollar, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagula dagaallamayo cudurka.

  14. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Isreal oo shaki galiyay arrimaha socda iyo sababta

    Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiis diblomaasiyadeed lala gaari karo madaxda Iran, isagoo shaki ka muujiyay suurtagalnimada in khilaafaadka u dhexeeya Tehran iyo reer Galbeedka lagu xallin karo wada-hadal.

    Netanyahu ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo sheegay inay ka wada hadleen suurtagalnimada in arrinta Iran lagu xalliyo diblomaasiyad.

    Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu wuxuu carrabka ku adkeeyay inay adkaan doonto in madaxda Iran heshiis lagula gaaro waddada diblomaasiyadda.

    Hadalladiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadaan dhexdhexaadiyayaal ay ka mid tahay Pakistan, kuwaas oo doonaya inay qaboojiyaan xiisadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka, isla markaana xal wada-hadal ah loogu helo is-mariwaaga labada dhinac.

  15. Mareykanka oo hakiyay bixinta fiisooyinka

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay bixinta fiisooyinka ee dadka doonaya inay u safraan Mareykanka, kuwaas oo ka imanaya meelo kala duwan oo dunida ah.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay, in wasaaraddu ay bilowday qorshe tababarro loogu qabanayo safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla dalalka kala duwan, isla markaana dib loo habeyn doono habka adeegga bixinta fiisooyinka.

    Mareykanku wuxuu sidoo kale sii wadaa olole adag oo lagu masaafurinayo muhaajiriinta aan haysan oggolaansho sharci ah oo ay dalka ku joogaan.

    Sida ay dowladda Mareykanku sheegtay, tallaabooyinkan waxay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga gudaha dalka.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa difaacay mowqifka adag ee dowladda, isagoo sheegay in gelitaanka Mareykanka lagu go’aaminayo iyadoo la tixgelinayo danaha qaranka Mareykanka.

    Tallaabadan ayaa timid dhowr bilood kadib markii Washington ay ku dhawaaqday qorshe lagu dhimayo si weyn tirada safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla qaaradda Afrika.

    Sidoo kale akhri

  16. Maxay maxkamadda sare u cuskatay laalista doorashadi Galmudug?

    Doorashooyinkii ka dhacay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka ayay maxkamadda sare ee Soomaaliya laashay natiijooyinkoodii.

    Waxay sheegtay maxkamaddu in go'aankeeda ay u cuskatay qodobo dastuuri ah iyo xeerka ama sharciga doorashada ee Soomaaliya ee la ansixiyay.

    Gudoomiya Baashe Yuusuf oo go'aankaan ku dhawaaqay, ayaa yiri:

    Go'aamada maxkamadda ayaa u dhacay sidatan: "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 82-aad ee sharciga doorashooyinka iyo mabaa'diida dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo cadaalad ah. Maxkamaddu waxay go'aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee 30-ka Luulyo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug aan loo maamulin ama aan loo qabanin si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadu ay tahay mid aan ansax ahayn oo waxba kama jiraan ah"

    Waxa kale oo uu sheegay in go'aankaan loo cuskaday "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 27-aad ee sharciga doorashooyinka iyo waajibka guddiga ka saaran meel marinta iyo ku dhaqanka sharciga, maxkamaddu waxay go'aamisay in khaladaadkii dhacay ay ahaayeen kuwo aan la saxi karin isla markaana dhaawac weyn u geystay hufnaanta xornimada iyo xalaalnimada doorashooyinka, saameyn badanna ku yeeshay natiijadooda"

    Qodob kale oo uu ka dhawaajiyay ayaa ahaa "Iyadoo la ilaalinayo xaqa ay muwaadiniinta u leeyihiin doorashooyin toos ah, xor iyo xalaal ah, isla markaana la fulinayo waajibaadka sharci ee ku xusan sharciga doorashooyinka, maxkamaddu waxay amartay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyika qaranka iyo soohdimaha inuu ku qabto wakhtiga ugu dhow doorashooyinka macquulka ah ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dolad-goboleedka Galmudug isagoo si dhameystiran u raacaya dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka,sharciga dhismaha guddiga, iyo xeerka ururada iyo xisbiyada siyaasadda"

    Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay qodob ah ee hay'adaha haatan xilka haya ay shaqada sii wadaan: "Iyadoo la tix-gelinayo danta guud ee maamulka iyo kahortagga firaaq maamul oo dhaawici kara adeegyada maamul, iyo xasiloonida dowlad-goleedka Galmudug, maxkamaddu waxay amartay in hay'adaha hadda jira ay sii hayaan xilka inta ay ka bedelayaan kuwa ku yimaada doorasho cusub oo loo qabtay si waafaqsan sharciga".

    Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saddexdii bishaan August ku dhawaaqay natiijada doorashadii qof iyo cod ee lagu qabtay deegaanno ka tirsan Galmudug.

    Xilligaas, ayaa waxaa natiijada cabasho ka muujiyay urur Towfiiq ee dacwadda gudbiyay, kaa oo saluugay nidaam loo qabtay doorashada.

  17. War deg deg ah, Safiirka Iran ee Ruushka: Pezeshkian iyo Putin ayaa toddobaadka soo socda kulmi doona

    Kazem Jalali, safiirka Iran u fadhiya Ruushka, ayaa sheegay in Masoud Pezeshkian iyo Vladimir Putin ay toddobaadka soo socda ku kulmi doonaan magaalada Bishkek, caasimadda Kyrgyzstan, inta lagu guda jiro shirka shirka Ururka Iskaashiga Shanghai.

    Sida uu sheegay safirka, Jalali, tani waxay noqon doontaa kulankii lixaad ee dhex mara madaxweynayaasha Iran iyo Ruushka tan iyo markii uu xilka la wareegay Masoud Pezeshkian.

    Kulankan la sheegay ayaa imanaya xili Mareykanku ku dhawaaqy cunaqabateyn hor leh oo u uku soo rogey dalka Iran, taas oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “duullaan dhaqaale oo ka dhan ah xiriirrada maaliyadeed ee Iran caalamka caalamka ku leedahay.”

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, oo xayiraaddan cusub daaha ka rogey ayaa sheegay in cunaqabateyntu ay taabanayso hantida dijitaalka ah, tiknoolajiyadda, dahabka, duulista iyo gaadiidka badda. Wuxuu sheegay in waddan kasta oo dhaqaale ahaan la macaamila Iran la go’doomin doono.

    Dhanka kale, Wasiirka Dhaqaalaha Iran, Ali Madanizadeh, ayaa cunaqabateynta Mareykanka ku tilmaamay mid ay Tehran ay filaysay tallaabooyinkan isla markaana ay leedahay qorshayaal ay kaga hortagayso.

  18. Sida qaladka ah ee aan maalin walba u cadeysanno

    Inaad si fiican u cadeyso ilkahaaga waxay kuu suurtagelinaysaa inaad yarayso khatarta aad ugu jirto cudurrada ku dhaca cirridka iyo suuska ilkaha.

    Waxaa kale oo wanaajinta habka cadayga ay kaa caawinaysaa in uusan wax isbeddel ah ku imaan caafimaadka ilkahaaga.

    Balse inteenna badan si sax ah uma cadaysanno. Waxaan qaladaad ku samaynaa habka cadaysiga.Qof walba oo naga mid ah muddo dheer ayuu ilkihiisa soo nadiifin jiray, si maalinle ah, ama dhowr jeer maalintiiba, balse waxay u muuqataa inaan ku qaldannahay waxyaabo badan.

    Dalka Sweden, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii qofba hal qof oo ka mid ah oo keliya uu sida ugu habboon u cadaysto. Shirkadda caymiska caafimaadka ee Britain, Bupa, ayaa iyadana ogaatay in ku dhowaad kalabar ka mid ah dadka ay u kuurgashay arrimahooda aysan ogayn sida saxda ah ee loo cadaysto ilkaha.

    Xogtan waxaa lagu ogaaday cilmi-baaris lagu sameeyay 2,000 oo qof oo reer UK ah.

    "Waxay aad ugu badan tahay in qof walba oo aan talo ka qaadan dhaqtarkiisa ilkaha ama khubarrada nadaafadda uu u cadaysto si qaldan," ayay tiri Josefine Hirschfeld oo ah khabiir cilmiga ilkaha ku takhasustay oo ka howlgasha Jaamacadda Birmingham ee dalka UK.

    "Anigoo khibraddeyda kaashanaya, dadka aan sida habboon u cadaysan waa kuwa ugu badan dal walba," ayay sii raacisay.

    Waxaa suuragal ah in arrintani aysan noqon mid lama filaan ah ama lala yaabo maaddaama uu jiro macluumaad aad u badan oo ku saabsan sida aad u cadaysan karto.

    Hal daraasad ayaa lagu ogaaday in ay jiraan ugu yaraan 66 talo, oo qaarkood iska hor imaanaya, oo ku saabsan habka loo nadiifiyo ilkaha.

    "Waxay ila tahay in macluumaadkaas ay jahawareerinayaan dadka u baahan," ayuu yiri Nigel Carter, oo ah madaxa Hay'adda Caafimaadka Afka ee UK.

    Xogaha jahawareerka abuura ayaa la socda qalabka loogu talagalay iibka ee loo adeegsado nadaafadda ilkaha, laga billaabo kuwa carrabka lagu xoqo ilaa kuwa ilkaha iyo cirridka gaarka u ah.

    Hadda muxuu yahay qaladka aan samayno, sideense u beddeli karnaa habka aan u cadaysanno, si uu u noqdo mid sax ah?

    Qaabka ugu haboon Halkan ka si akhri

  19. Yaa maxkamadda geeyay dacwadda ka dhan ah doorashadii ka dhacday Galmudug?

    Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijada doorashadii isku sidkanayd ee dhammaadkii bishii hore ka dhacday degmooyinka dawlad goboleedka Galmudug.

    Waxay maxkamaddu ku dhawaaqday in dib loogu laaban doono doorashada Galmudug, waxaana xukunka ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.

    Dacwadda lagu baabi'iyay natiijada doorashada Galmudug, waxaa gudbiyay urur siyaasadeedka Towfiiq oo kamid ahaa ururradii ka qaybagalay doorashada, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Gudoomiyahooda Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan oo wareysi siiyay BBC-da.

    "Anagaa dacwadda gudbinay. Natiijadii uu soo saaray guddiga doorashadu aan ka cabaneynaa", ayuu yiri mar uu la hadlayay BBC-da la hadlayay, isaga oo hadalkiisa sii raaciyay, "Gudoonka maxakamadda sare oo Soomaalidii oo dhan tusay kalsooni waan u mahadcelineynaa, qareenadii towfiiq oo juhdiga dheeraadka ah bixiyay iyaga waan u mahadcelinayaa ",

    Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dacwadda ay u gudbiyeen maxkamadda ay sulaysneed 'in la baalmaray habraacii loo jideeyay doorashada' ay tartankeeda qaybta ka ahaayeen, iyo 'intaasi horseeday in xornimadii iyo xalaashii doorashada uu dhaawac soo gaaro.

    Isaga oo ka hadlay sida uu arko go'aanka maxkamadda ayuu yiri, "Runtii arrin aad iyo aad Soomaaliya oo dhan u soo dhawaysay weeye, ee maahan mid ururka Towfiiq oo kaliya ku kooban.... rajo Soomaaliyeed oo kor u kacday weeye. Hammigii ururada oo dhanaa kor u kacay," ayuu yiri Sheekh Shaakir oo wax laga waydiiyay sida ururkiisu u arko go'aanka ka soo baxay maxkamadda.

    Waxa kale oo uu sheegay in cadeymo kala duwan oo ku aadan eedeymahaas ay qareenada ururkiisu u gudbiyeen maxkamadda. "Maqal iyo muuqaal iyo qoraal intaba way ahaayeen [cadeymuhu]', ayuu u sheegay BBC.

  20. War deg deg ah, Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo aqbalay go'aankii lagu laalay doorashooyinkii Galmudug

    Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray go'ankii ay dhawaan maxkamadda sare ku laashay doorashooyinkii Galmudug.

    War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidatan:

    "saga oo fulinaya awoodi hiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Sharciga Dhisidda Guddiga iyo Sharcigal Ururada iyo Xisbiyada, Habraacyada, Xeer-nidamiyeyaasha iyo tilmaamaha sharciga waxaa uu u taagan yahay mabaadi'da hirgelinta doorashooyin xor, xalaal ah, hufan oo ay muwaadiniinta si siman uga wada qeyb-galaan. Kadib marki uu helay GMDQS, nuqulka go'aanka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay SUM: MSF/DD/1/2026 iyo SUM: MSF/DD/BX/1/2026, kuna taariikhaysan 24 Agoosto 2026, ee ku saabsan natiijada doorashooyinkii isku- sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Gobaleedka Galmudug ee qabsoomay 30 Luulyo 2026. Guddigu waxa uu soo saaray qodobadan hoos kuxusan:

    - 1. Guddigu isaga oo tixgelinaya kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo sharci ah si waafaqsan Qodobka 73aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo tilmaamaya Awoodda Maxkamadda Sare ee ka garnaqidda iyo go'aanka ka gaarista dacwadaha la xariira Doorashooyinka waxaa uu aqbalay go'aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ee ku saabsanaa doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Dowlad-Goboleedka Galmudug.

    2. Ugu dambayn, Guddigu waxa uu soo muddeyn doonaa xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.