Waa imisa lacagta Iran uga soo xarootay Shidaalka markii xannibaadda laga qaaday muddo 2 bilood ah
Kadib markii heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran la saxiixay 17-kii June, Washington ayaa qaaday xannibaaddii laba bilood socotay ee lagu hayay dekedaha Iran ee ku yaalla Marinka Hormuz.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa dabciyay cunaqabateynno muddo tobannaan sano ah saarnaa Iran, isagoo oggolaaday in si ku-meel-gaar ah loo iibiyo shidaalka Iran.
Fasaxaasi ayaa lagu waday inuu dhammaado 21-ka August, balse Mareykanka ayaa kala noqday oggolaanshahaas kadib weerarro is xigxigay oo lagu qaaday maraakiib ku sugnaa marinka horraantii toddobaadkii hore.
Sida ay sheegtay hay’adda United Against a Nuclear Iran, oo ah koox dabagal iyo olole siyaasadeed sameysa, muddadii hal bil ahayd ee ka dambeysay bixinta fasaxaasi, 59 markab oo shidaal qaada ayaa ka baxay Gacanka iyagoo sida shidaal iyo kiimikooyin laga sameeyo batroolka.
Hay’addu waxay sheegtay in dhoofintaasi ay gaartay ku dhowaad 72 milyan oo foosto oo shidaal ah, taas oo Iran u keeni kartay dakhli suurtagal ah oo ka badan 5.5 bilyan oo doolar.















