TOOS, Trump ayaa dib u soo celiyay xayiraaddii saarnayd dekedaha Iran, wuxuuna cashuur dhan 20% saaray badeecadaha mara marinka Hormuz

Wakaalado warar oo ku dhow ilo militari oo Iiraan ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaannada ku dhow Sirik, Bandar Abbas iyo Jask.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Qaraxyo laga maqlay Koonfurta Iran iyo Iran oo sheegtay inay weerartay saldhigyada Mareykanka

    Gantaal

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Weerar

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay meelo kala duwan oo ku yaalla koonfurta dalkaas.

    Kanaalka wargeyska Hamshahri ayaa qoray in dadka deggan magaalada Jam ee gobolka Fars ay sidoo kale maqleen “dhawaaqa dhowr qarax”.

    Laba qarax ayaa sidoo kale ka dhacay Jasiiradda Kish, halka qarax kalena laga maqlay Jasiiradda Abu Musa. Ilaa hadda lama soo sheegin wax xog ah oo ku saabsan khasaaraha ama burburka suurtagalka ah ee ka dhashay weerarradan.

    Dhanka kale, ciidamada Iran ayaa ku dhawaaqay inay bartilmaameedsadeen “nidaamyada isgaarsiinta, haamaha shidaalka, nidaamka Patriot-ka, munaaradda ilaalada, iyo bakhaarka rasaasta” ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kuwait, iyagoo adeegsanaya weerar diyaarado aan duuliye lahayn.

    Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale qortay in ciidamada badda Iran ay maraakiib Mareykan ah ku weerareen gantaallo nooca cruise-ka ah.

    Mareykanka weli ma uusan xaqiijin ama beenin weerarradan.

    Iran ayaa horay u sheegtay inay bartilmaameedsatay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykan ah oo nooca MQ-1 ah, taasoo ku sugneyd meel u dhow marin-biyoodka Hormuz.

    Warar dheeraad ah

  2. CENTCOM: Weerarrada Mareykanka ee ka dhanka ah Iran ayaa billowday habeenkii saddexaad oo xiriir ah

    Duqeymo ka socda Iran

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Qoraalka sawirka, Duqeymo ka socda Iran

    Saacad kadib markii warbaahinno ku sugan Iran ay soo sheegeen in la maqlay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay xeebaha koonfureed ee dalkaasi, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay weerarro ka fuliyeen Iran habeenkii saddexaad oo xiriir ah.

    CENTCOM ayaa sheegay in weerarradu billowdeen maanta 4:45 galabnimo waqtiga Mareykanka taas oo ku beegan qiyaastii saqdii dhexe waqtiga Tehran, waxaana lagu fuliyay amar ka yimid Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka, Madaxweyne Donald Trump.

    Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay sii socon doonaan, iyadoo ujeeddadu tahay "in khasaaro culus lagu geysto ciidamada Iran" iyo in la yareeyo awooddooda ay ku weerari karaan rayidka iyo maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Hormuz.

    Sida horay loo sheegay, wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), ayaa soo warisay qaraxyo xooggan oo laga maqlay deegaanka Konarak xilli ku beegan saqdii dhexe ee Isniinta waqtiga Tehran. Wakaaladdu sidoo kale waxay baahisay warar la mid ah oo ka yimid Lark iyo Chabahar.

    Wakaaladda Tasnim ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka laga hawlgeliyay Bandar Abbas, balse waxay beenisay in qaraxyo laga maqlay Lar iyo Sirik.

    Dhanka kale, ilo militari oo ku sugan Iran ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay nooca MQ-1 lagu bartilmaameedsaday gudaha Marinka Hormuz, iyagoo ku tilmaamay in weerarka lagu fuliyay "nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah ee cusub ee Ilaalada Kacaanka, kuwaas oo hoos yimaada shabakadda difaaca hawada ee isku dhafan ee dalka."

    Warar dheeraad ah

  3. Jug qarax ayaa laga maqlay xeebta koonfureed ee Iran xilli Trump uu sii xoojiyay hanjabaadiisa

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii fiidkii sheegay in Mareykanku uu Iran ku qaadi doono weerarro culus.

    Trump ayaa yiri:"Waxaan si aad ah u garaaci doonnaa iyaga (Iran) caawa, waxaana mar kale garaaci doonnaa berri; mana awoodaan inay wax sameeyaan,Waxba ma haystaan,waxay haystaan oo keliya hadal badan... Waan aqaan iyaga, waana dad waalan."

    Hadallada Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli warbaahinno ku dhow ilo militari oo Iran ah ay sidoo kale baahiyeen warar sheegaya in dhowr markab oo lagu tilmaamay "kuwa jebiyay xeerarka" lagu bartilmaameedsaday gudaha Marinka Hormuz.

    Sidoo kale, wakaalado warar oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), sida Tasnim iyo Fars, ayaa sheegay inay maqleen dhowr qarax oo ka dhacay deegaannada xeebaha koonfureed ee Iran.

    Faahfaahinta dhacdooyinkan ayaa la sheegay in dib laga soo sheegi doono marka xog dheeraad ah la helo.

    Warar dheeraad ah

  4. Mareykanka oo shaaciyay waqtiga ay bilaabanayso xannibadda dhanka badda ee Iran

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in xannibaadda badda ee lagu soo rogay dekedaha Iran dib loo bilaabi doono saacadda 4:00 galabnimo ee 13-ka July 2026, waqtiga Bariga Mareykanka.

    CENTCOM ayaa sheegay in xannibaadda lagu dabaqi doono maraakiibta u socda ama ka soo baxaya dekedaha Iran iyo goobaha xeebaha dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Mareykanka ayaa sii wadi doona taageerada isu socodka maraakiibta ee biyaha gobolka, gaar ahaan maraakiibta aan jebin xannibaadda.

    Horay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xannibaadda lagu sameeyay dekedaha Iran dib loo bilaabayo iayn islamarkiiba dhaqan-galayso.

    CENTCOM ayaa intaas ku dartay:"Dib u bilaabista xannibaadda Mareykanka ee ka dhanka ah Iran waxay daba socon doontaa hirgelintii hore ee socotay intii u dhaxaysay 13-ka Apiil ilaa 18-ka June."

    Kadib iska horimaadyadii maalmihii la soo dhaafay, Iran ayaa sheegtay inay xirtay Marinka Hormuz ilaa amar dambe.

    Afhayeenka Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ayaa maanta bayaan uu soo saaray ku yiri:"Kadib digniinihii hore ee loo diray Mareykanka, ma oggolaan doonno in Mareykanku xaalad kasta faragelin ku sameeyo maamulka Marinka Hormuz."

    Warar dheeraad ah

  5. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo ku jees-jeesay xayiraadda uu Trump saaray dekedaha Iiraan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi,

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi,

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa baraha bulshada ku qoray jawaab uu ku jeesjeesayo ku dhawaaqistii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayd in Mareykanku lacag ka qaadi doono maraakiibta xamuulka ee mara Marinka Hormuz.

    Araqchi ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku yiri:"Madaxweynaha Mareykanka gabi ahaanba wuu saxan yahay. Qof kasta oo bixiya marin ammaan ah oo sugan oo ay maraakiibta ganacsigu uga gudbaan Marinka Hormuz waa in lagu abaalmariyaa adeeggaas."

    Wuxuu intaas ku daray:"Iran mar walba waxay ahayd ilaaliyaha Marinka Hormuz, waxayna sidaas ahaan doontaa waligeed."

    Araqchi ayaa sidoo kale yiri:"20% dabcan waa lacag aad u badan,waxaan noqon doonnaa caddaalad."

  6. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay weerartay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha ee dalka Sacuudi Carabiya.

    Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen ayaa Isniintii sheegay inay fuliyeen howlgallo militari oo ay u adeegsadeen gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) kuwaas oo lagu beegsaday Garoonka Caalamiga ah ee Abha ee Sacuudi Carabiya, iyagoo ku sheegay inay uga jawaabayaan "duqeymaha Sacuudiga ee lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sanca."

    Sida ay werisay wakaaladda Reuters, afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Yaxya Saree, ayaa bayaan uu soo saaray ugu digay dhammaan shirkadaha diyaaradaha inay ka fogaadaan duulista hawada Sacuudi Carabiya, isagoo ku booriyay inay digniintaas si dhab ah u qaataan.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in xaaladdan ay sii socon doonto ilaa laga qaado waxa ay ugu yeereen "go'doominta Garoonka Caalamiga ah ee Sanca."

    Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen oo ay taageerto Sacuudi Carabiya ayaa maanta sheegtay inay beegsatay dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Warar dheeraad ah

  7. Iiraan oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca

    Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, isagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana sheegay inuu meel ka dhac ku yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Yemen.

    Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay ka hor imanayso dadaallada lagu doonayo nabad iyo xasillooni ka dhalata Yemen, isla markaana ay lid ku tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sannadkii 2022.

    Maanta, Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen oo ay taageerto Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay beegsatay dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Sanca si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Dhanka kale, afhayeenka Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran isla markaana maamula Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeeyay weerarka, isagoo sheegay in kooxdaasi ay ka jawaabi doonto.

    Iran ayaa iyaduna sheegtay in weerarka lagu qaado garoon rayid iyo khatar gelinta ammaanka iyo badqabka diyaarad rakaab ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee duulista rayidka, isla markaana ay tahay arrin aan gebi ahaanba la aqbali karin.

    Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay bixiso taageero kasta oo gacan ka geysan karta horumarinta geeddi-socodka siyaasadeed iyo hirgelinta qorshaha nabadda, si loo gaaro nabad waarta iyo xasillooni gudaha Yemen.

    Warar dheeraad ah

  8. Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalo ay Xuutiyiinta soo rideen

    Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Xigashada Sawirka, The march

    Qoraalka sawirka, Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaallama Yemen ayaa Isniintii sheegay in militariga ay hawada ku qabteen gantaallo ballistic ah oo ay kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ku soo ridday gobolka koonfureed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ayaa hore u shaaciyay in Garoonka Caalamiga ah ee Sanca lagu qaaday dhowr duqeyn oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Sacuudiga.

    Dowladda Yemen ayaa iyaduna sheegtay in ciidamadeedu ay beegsadeen dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan kuna degaan ee garoonka Sanca, si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Sareeye Guuto Yahya Saree, ayaa sheegay in duqeymaha Sacuudigu ay beegsadeen Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi inuu yahay "gardarro cad oo aan caddaalad ahayn."

    War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen, kaas oo ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Saba, ayaa lagu sheegay in "maleeshiyaadka Xuutiyiinta, oo ay dowladda Yemen ku tilmaamtay argagixiso isla markaana ay sheegtay inay taageerto dowladda Iran, ay ka hor istaageen diyaaradaha qaranka Yemen inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Sanca."

    Warar dheeraad ah

  9. Hay’adda Caalamiga ah badaha: Waan ka soo horjeednaa in lacag laga qaado maraakiibta maraya Marinka Hormuz

    Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay inay ka soo horjeeddo in lacag laga qaado maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka caalamiga ah.

    Sida lagu sheegay qoraalka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hore u shaaciyay inuu dib u bilaabi doono go'doominta badda ee ka dhanka ah Iiraan isla markaana uu soo rogi doono canshuur dhan 20% dhammaan maraakiibta iyo shixnadaha mara Marinka Hormuz.

    Iyadoo laga jawaabayo hadalkaas, afhayeen u hadlay Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ayaa yiri:“Waxaan la soconnaa qoraalkan, waxaana sugeynaa faahfaahin dheeraad ah.”

    Afhayeenka ayaa intaas ku daray:“Mowqifkayaga ku aaddan lacagaha laga qaado maraakiibta marinnada caalamiga ah mar walba wuu caddaa, hay’adda Caalamiga ah ee Badaha waxay si adag uga soo horjeeddaa in lacag khasab ah laga qaado maraakiibta u gudbaysa marin-biyoodka.”

    Warar dheeraad ah

  10. Trump: 90 boqolkiiba Khamenei waa geeriyooday

    Mojtaba Khamenei

    Xigashada Sawirka, Tasnim News Agency

    Qoraalka sawirka, Mojtaba Khamenei

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa wada-sheekeysigii dhexmaray Donald Trump iyo Fox News.

    Trump ayaa Fox News u sheegay, “Khamenei waa dhintay, wiilkiisa 90 boqolkiiba waa dhintay”.

    Ilaa markii uu bilowday dagaalka wax sawir ah, cod, fidiyow ama isagoo socda Mojtaba Khamenei lama arag.

    Labo maalmood ka hor waxa sawir cusub lagu daabcay bogga hogaamiyaha balse ma aheyn mid mar dhow la qaaday.

    Madaxweyne Trump ayaa markale ku celiyay in la burburiyay ciidamada badda, cirka iyo kuwa difaaca Iran iyo sidoo kale in la dilay hoggaamiyayaashooda.

    Wareysi ayuu sidoo kale ku sheegay in "wax kasta lagu heshiiyay” shalay kaddib markii “la wada-hadlayay 11 saacadood”. Trump kama hadal faahfaahinta kulanka.

    Sii akhri

  11. 20 boqolkiiba ayey bixinayaan maraakiibta ka gudbaya Marinka Hormuz

    Mareykanka iyo Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ma ahan markii ugu horeysay ee Trump uu xanibo dekedaha Iran ee ku yaalla Marinka Hormuz.

    Bishii April, ciidamada Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ay joojin doonaan ama dib u celin doonaan maraakiibta u socota ama ka imaneysa xeebaha Iran. Maraykanku wuxuu doonayay in uu xaddido awoodda Tehran ay uga faa’iidaysaneysay dhoofinta shidaalka, si loo cadaadiyo.

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha badaha, IMO, ayaa sheegtay in aanu jirin waddan sharci ahaan xaq u leh in uu xanibo maraakiibta mareysa marin-biyoodyada Hormuz.

    "Uma oggolaan doonno Iran in ay lacag ka samayso shidaalka ay ka iibineyso dadka ay jeceshahay, halka aysan ka iibineyn kuwa aysan jecleyn," ayuu Trump yiri.

    Iran ayaa tallaabada Trump ku tilmaantay mid "burcad-badeednimo ah".

    Mareykanka iyo Iran waxay ku heshiiyeen in ay qaadaan xanibaadda oo ay dib u furaan Marinka Hormuz, iyadoo lagu salaynayo is-afgaradkii la gaary 17-kii Juun.

    Markan, Trump wuxuu soo rogay in ay bixiyaan maraakiibta xamuulka 20 boqlkiiba si ay u maraan halkaas. Trump ma sharixin sida ay noqoneyso lacagta uu saarayo maraakiibta.

    Sii akhri

  12. Dad ka badan 2,700 ayaa kuleyl ugu dhintay UK bilihii May iyo June

    Kuleylka UK

    Xigashada Sawirka, Dan Kitwood / Getty Images

    Tirada dhimashada ee ka badan 2,700 waxaa soo saaray Jaamacadda Imperial College London, Xafiiska saadaasha iyo jaamacadda London kulliyada cudurada kuleylaha.

    Inta badan dadka waxay dhinteen bishii June ee la soo dhaafay oo kuleyulka uu gaaray 37.7C. Halkii ugu sareysay ee kuleylka uu hore u gaaray waxay aheyd 35.6C taas oo ka dhigan in kuleylkii bishii June uu ahaa midkii ugu sareeyay.

    Cilmibaarista waxay sheegeysaa in ku dhawaad 550 qof ay kuleyl u dhinteen intii u dhexeysay 21-kii bishii May ilaa iyo 29-kii bishii May halka ku dhawaad 2,200 ay dhinteen intii u dhexyeysay 18 ilaa iyo 28-kii bishii June.

    Keylka ayaa habeenkii darnaa oo dadka ma aysan seexan karin. Inta badan guryaha UK looma dhisan qaab ay kuleylka ku yareyn karaan taasna waxay keentay in dadku u nuglaadaan heerkulka aadka u sareeya

    Kulaylku wuxuu jirka ku keenaa culays aad u weyn, taasoo keenta fuuq bax aad ah, iyadoo wadnuhu si xoog leh u garaacayo si uu kuu qaboojiyo.

    Carruurnta iyo waayeelka ayaa ah dadka ugu badan ee halista galay iyo sidoo klae dadka xanuunsan.

    Sii akhri

  13. Ciidamada Yemen ayaa weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

    Dagaalka Yemen

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sanca kaas oo ay maamulaan Xuutiyiinta.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, taas oo gacanta ku haysa dekedda koonfureed ee Cadan ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay beegsadeen dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan, kuna degaan si ay uga hortagaan in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Xuutiyiinta waxaa taageera Iran, halka dowladda fadhigeedu yahay Cadan ay taageero ka hesho Sacuudiga. Faahfaahinta dhacdadan weli si cad looma oga, balse waxay keeni kartaa in ay sii xoogeysato colaadda Yemen oo sannadihii u dambeeyay aheyd mid deggan.

    sii akhri

  14. UK ayaa liiska kooxaha argagixisada ku dartay IRGC

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka

    Xigashada Sawirka, ATTA KENARE/AFP/Getty Images

    Dowaldda Beritan ayaa ku dhawaaqday in Ilaalada Kacaanka Iran, IRGC, ay ku dareyso kooxaha la mamnuucay.

    Tallaabadan ayaa IRGC ku dareyso liiska ururada argagixisada, waxayna aheyd arrin muddo dheer Britan laga doodayay. Qaar ka mid xildhibanada iyo siyaasiyiinta UK ayaa hore u dalbaday in sidan la sameeyo.

    Kaddib markii lagu qaaday weeraro bulshada Yahuuda ee UK, waxay dowaldda ansixisay Xeerka Ammaanka Qaranka kaas oo hore uu u ballan qaaday raysalwasaare Kier Starmer.

    Markii hore, sharciyada lagu mamnuucayo kooxaha looguna aqoonsanayo in ay argagixiso yihiin kuma jirin kuwa dowladuhu taageeraan.

    Waxybaaha hadda dambiga ah waxaa ka mid ah in aad taageerto IRGC ama aad ka hadasho fikrad taageerysa.

    sii akhri

  15. Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay halka saamiyada Bariga Dhexe ay hoos u dhaceen

    Sicirka shidaalka ayaa sare u kacay kaddib weerarada Iran iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay markii ay furmeen suuqyada Yurub iyo Mareykanka kaddib weerarada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

    Saliidda cayriin waxay saakay kor u kacday ku dhawaad 5 boqolkiiba iyadoo fuustada shidaalka ay ka badan tahay 79 doolar. Suuqyda saamiyada dalalka Khaliijka ayaa maanta sidoo kale hoos u dhacday.

    Suuqa saamiyada Sacuudiga ayaa hoos u dhacay 0.2 boqolkiiba. Halka suuqa Dubai uu isna hoos u dhacay 1.4 boqolkiba, waxayna taas keentay in 2.6 boqolkiiba saamiyada bangiga Imaartka uu hoos u dhaco.

    Suuqa Abu Dhabi ayaa isna hoos u dhacay 0.5 boqolkiiba iyo sidoo kale saamiyada banigaga islaamka ee Dubai oo isna hoos u dhacay 1.2 boqolkiiba

    Suuqa saamiyada Qatar iyo kan sarifka ayaa la xiray kaddib geerida amiirkii hore ee Qatar Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani.

    sii akhri

  16. Iran ayaa beenisay sheegashada Trump ee heshiiska nukliyeerka

    Heshiiska Iran iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Madaxweyne Donald Trump ayaa Axadii u sheegay NBC in Iran ay ogolaatay in ay heshiis nukliyeer ah la gasho Mareykanka intii ay socdeen wadahadalada labada dal.

    “Heshiis ayey shalay ogolaadeen, heshiis noo fican. Nukliyeer ma jirayo, tan maya, taa maya. Wax walba way ka hareen” ayuu yiri madaxweyne Trump.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa maanta oo Isniin ah ku tilmaamay hadalka Trump “Gabi ahaan wax aan run aheyn”.

    Dhexdhexaadiyayaasha ayaa wada dadaaladooda ay ku dhexdhexaadinayaan Mareykanka iyo Iran.

    sii akhri

  17. War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahisay shirkii Cummaan ka dhacay iyo tallaabo Mareykanku qaaday

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismail Baqaei, ayaa sheegay in cadaadis uga yimid Maraykanka awgiis aan Iiraan iyo Cumaan u suurtagelin inay gaaraan heshiis ku saabsan habraacyada gaadiidka ee Marin-biyoodka Hormuz.

    Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu qabtay saaka, Baqaei wuxuu sheegay in kulankii wasiirrada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Cumaan ee ka dhacay Muscat Sabtidii, aan wax heshiis ah lagu gaarin.

    Wuxuu yiri:

    "Wadahadalladii ka dhacay Muscat Sabtidii waxay diiradda saarayeen oo keliya Marin-biyoodka Hormuz, gaar ahaan Qodobka 5-aad ee heshiiska is-afgaradka ah “.

    "Maraykanku wuxuu si cad u jebiyay 14-kii qodob ee heshiiska is-afgaradka. Shaki kuma jiro in heshiiskaasi uu hadda galay marxalad qalalaase. Iiraan waligeed ma jebin ballanqaadyadeeda mana aysan bilaabin wax heshiiska ka hor imanaya. Maraykanka ayaa ah dhinaca si joogto ah u jebiya ballanqaadyadiisa."

    Wuxuu sidoo kale sheegay:

    "Maraykanku wuxuu ku degdegay jebinta heshiiska ilaa heer uusan xitaa sugin inuu dhammaado muddadii halka bil ahayd ee lagu sheegay Qodobka 5-aad ee heshiiska."

    Dhanka kale, Ismail Baqaei ayaa sheegay in Iiraan aysan oggolaan doonin codsiga Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ee ku saabsan in la siiyo marin ay ku booqdaan xarumaha nukliyeerka ee dalka.

  18. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo sheegtay in ay soo ridday diyaarad Mareykanku leeyahay iyo faahfaahin

    Iiraan ayaa hadda sheegtay inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan leeyahay, taas oo ay sheegtay inay ku jirtay hawadeeda.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, ciidamada Iiraan ayaa ogaaday diyaaradaas kadibna soo riday.

    Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in intii u dhexeeyay 12-ka iyo 13-ka Luulyo la fuliyay hawlgallo cusub oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo lagu sheegay inay ujeeddadoodu ahayd in lagu wiiqo awoodda milatari ee Iiraan ee weerarrada lagu qaado maraakiibta mara Marin-biyoodka Hormuz.

    Iiraan ayaa iyaduna sheegtay inay jawaab ahaan billowday hawlgal milatari oo lagu beegsanayo waxa ay ku tilmaamtay "saldhigyada cadowga", iyadoo adeegsanaysa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Waxay sheegtay in bartilmaameedyada weerarradu ay ku yaallaan Urdun, Kuweyt iyo Baxrayn

  19. War deg deg ah, Maxaa hadda ka socda Marinka-Hormuz?

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dagaalka ku saabsan gacan-ku-haynta Marin-biyoodka Hormuz ayaa hakiyay dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda ballaaran ee ka jirta gobolka.

    Iiraan ayaa ballan qaaday inay dib u furi doonto marin-biyoodkaas, sida ku cad heshiiskeeda ku-meel-gaarka ah ee ay la gashay Washington, balse waxay sii wadday inay rasaas ku furto maraakiib ganacsi oo ay ku eedeysay inay isticmaalayaan waddo aan la oggolayn.

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in wareeggii ugu dambeeyay ee duqeymaha uu sii wiiqay awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta caalamiga ah. Waxa kale oo uu ku adkaystay in isu-socodka maraakiibta uu weli ka sii socdo marin-biyoodkaas.

    Maamulka Trump ayaa doonaya in arrintaas ay dhacdo si hoos loogu dhigo qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka.

    Dadaallo ay sameeyeen dhexdhexaadiyayaal si loo xalliyo khilaafka dhammaadkii toddobaadka ayaa fashilmay. Waxaana muuqata muhiimadda weyn ee uu marin-biyoodku u leeyahay Iiraan; mas’uuliyiin sare oo Iiraani ah ayaa sheegay in ilaalinta gacan-ku-hayntiisa ay ka muhiimsan tahay xitaa tobannaan bambo oo nukliyeer ah.

    Waxaa la aaminsan yahay in labada dhinac midna uusan doonayn inuu dib ugu laabto dagaal buuxa, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan inay hadda ku jiraan xaalad ah kororka xiisadeed oo la xakameynayo.

  20. War deg deg ah, Iiraan oo dhankeeda farrin u dirtay Mareykanka

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Maxamed Bagher Ghalibaf, oo ah madaxa ugu sarreeyay kooxdii Markeynka Maraykanka wadahadalka la gashay, ayaa Axaddii sheegay in xilligii "heshiiska halka dhinac ah" uu dhammaaday.

    Wuxuu qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri:

    "Waxaan idiin sheegnay: haddii aad ballantiinna ilaalin weydaan, qiimaha waad bixin doontaan. Xaqiiqadu way soo dhowaatay."

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale ku eedeysay Maraykanka inuu sababay "soo noqoshada amni-darrada" ee ka jirta Marin-biyoodka Hormuz.

    Dhanka kale, wareysi taleefan oo kooban oo uu Axaddii siiyay wakaaladda Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaga oo ka hadlayay Iiraan yiri:

    "Waan garaacaynaa."