TOOS, Iran oo laba markab oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ku weerartay marin-biyoodka Hormuz, xilli Maraykanku fuliyay habeenkii saddexaad oo xiriir ah weerarro militari

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegteen mas'uuliyadda weerarka, iyagoo maraakiibta la weeraray ku tilmaamay "maraakiib xadgudub sameeyay."

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Iiraan oo Hormuz u adeegsanaysa awood ay kula dagaallanto Mareykanka

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Marin-biyoodka Hormuz ayaa hadda noqday ilaha ugu muhiimsan ee Iran ka hesho awoodda ay cadaadis ku saarto iyo awoodda ay isku difaacdo ee khilaafka kala dhexeeya Maraykanka, kadib markii kooxaha ay taageerto lagu tilmaamay inay ku sugan yihiin "jahawareer", sida uu sheegay Mehran Kamrava, oo ah aqoonyahan cilmiga dowladda ka dhiga Jaamacadda Georgetown ee Qadar.

    Kamrava wuxuu sheegay in waxa loogu yeero "xudunta iska caabbinta" ee Iran, oo ay ka mid yihiin Xamaas ee Gaza, Xisbullah oo Lubnaan ku sugan iyo Xuuthiyiinta Yemen, ayna ku jiraan "jahawareer, ama ugu yaraan awooddoodii militari si weyn ayay u wiiqantay" sababo la xiriira dagaalka.

    "Iran, marin-biyoodka Hormuz waa isha ugu weyn ee ay ka hesho awoodda ay cadaadis ku saarto... waana isha ugu muhiimsan ee ay ku cabsi geliso ama isku difaacdo," ayuu Kamrava u sheegay barnaamijka Today ee Radio 4.

    Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku "go'aansaday inuu kala wareego Iran gacan ku haynta marin-biyoodka Hormuz", balse wuxuu sheegay inuusan rumaysnayn in xitaa "qorsheeyayaasha Pentagon-ka" ay og yihiin sida arrintaas loo hirgelin karo.

    "Waxa kale oo Iran si fiican u ogtahay inaysan awood u lahayn inay si toos ah dhinaca militariga ula tartanto Maraykanka. Sidaas darteed, waxay doonaysaa inay khilaafka militari u beddesho mid dhaqaale," ayuu raaciyay.

    Warar dheeraad ah

  2. War deg deg ah, Maxaa ka dhalan kara go'doominta Mareykanku ku soo rogayo Iiraan?

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz, Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in Maraykanku dib u soo celin doono go'doomin dhinaca badda ah oo lagu soo rogo dekedaha Iran. Waa kuwan waxa ilaa hadda la og yahay:

    • Go'doominta ayaa ka hor istaagi doonta maraakiibta Iran iyo maraakiibta ama shirkadaha la macaamila inay galaan ama ka baxaan marin-biyoodka Hormuz. Dalalka kale oo dhan, ayuu Trump sheegay, in ay sii wadi doonaan inay si caddaalad iyo xorriyad leh u isticmaalaan marin-biyoodkaas.
    • Trump wuxuu sidoo kale sheegay in, "si loo ilaaliyo caddaaladda," Maraykanku uu qaadi doono lacag dhan 20% oo laga qaado dhammaan xamuulka mara maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz.
    • Sida uu sheegay, lacagtaas waxaa loo adeegsan doonaa daboolidda dhammaan kharashaadka ku baxa sugidda badbaadada iyo amniga marin-biyoodkan oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah meelaha ugu nugul uguna qalalaasaha badan dunida.
    • Weli ma cadda sida Maraykanku u hirgelin doono lacagtaas. Dhanka kale, Ururka Caalamiga ah ee Badaha, ayaa sheegay in "aysan jirin saldhig sharciyeed" oo taageeraya tallaabadaas.
    • Go'doominta waxaa fulin doona Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka, waxaana la qorsheeyay inay dhaqan gasho Talaadada maanta ah, waqtiga Bariga Maraykanka.
  3. War deg deg ah, Trump oo dalalka Khaliijka ka dalbaday lacag kun ayiri war hadal hayn dhaliyay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Aaron Schwartz/CNP/Bloomberg via Getty Images

    Iyadoo laga jawaabayo weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka, Iran ayaa billowday inay beegsato saldhigyada milatari ee Maraykanka ku leeyahay dalalka Khaliijka.

    Isagoo arrintaas ka hadlayay, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono sugidda amniga dalalkan, balse ay tahay inay bixiyaan kharashka adeeggaas.

    "Waxaan rabaa in nala siiyo lacag, sababtoo ah waxaan ilaalinaynaa qayb aad u hodan ah oo dunida ka mid ah. Waxaan arrintan ku bixinaynaa lacag."

    Trump wuxuu yiri: "Waxaan lacag ka heli doonnaa dalalka aan ilaalinayno, sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxrayn, Kuweyt iyo dalal kale. Annagu uma baahnin dalalkan; iyagaa noo baahan. Waxaan leenahay shidaal aad u badan, oo ay ku jirto kan Venezuela."

    Dhanka kale, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku uu go'doomin ku soo rogi doono dekedaha Iran. Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay in 20% canshuur, lagu soo rogi doono dhammaan maraakiibta xamuulka ee mara marin-biyoodka Hormuz.

    Warar dheeraad ah

  4. Iiraan oo u jawaabtay Trump iyo Marinka Hormuz oo si weyn la isugu hayo

    Caraqji

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in Iiraan ay mar walba ahayd, welina ahaan doonto, ilaaliyaha marin-biyoodka Hormuz. Waxa kale oo uu ku dooday in Iiraan ay arrintan u maareyn doonto si caddaalad ah.

    Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku dhawaaqay inuu dib u bilaabi doono go'doomin badeed oo ka dhan ah Iiraan isla markaana uu saari doono canshuur dhan 20% dhammaan maraakiibta iyo xamuulka mara marinka Hormuz.

    Cabbaas Caraqji ayaa uga jawaabay hadalka Trump fariin uu ku qoray barta X, isagoo yiri:

    “Madaxweynaha Mareykanka gabi ahaanba wuu saxan yahay. Qof kasta oo bixiya marin ammaan ah oo nabdoon maraakiibta ganacsiga ee sii mara Marinka Hormuz waa in lagu abaalmariyaa adeeggaas.”

    Wuxuu intaas ku daray:

    “Waxaan arrintan u maareyn doonnaa si caddaalad ah, sababtoo ah 20% lacagta adeegga waa mid aad u badan.

    Warar dheeraad ah

  5. War deg deg ah, Maxaa hadda ka socda Bariga Dhexe, halkeese la kala marayaa?

    Bariga Dhexe

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka, ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjaray mowjaddii weerarrada ee uu ku qaaday Iiraan.

    CENTCOM ayaa sheegtay in hawlgal socday shan saacadood lagu beegsaday “bartilmaameedyo milatari oo ku yaalla Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abuu Muusa iyo Bandar Cabbaas,” iyadoo ujeeddadu ahayd in la wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta ganacsiga.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa saaka oo Talaadada ah ku dhawaaqay inay ka jawaabeen weerarradii Maraykanka ee saacadihii hore, iyagoo sheegay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen “xarunta isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo dhismaha ay deggan yihiin ciidamada Maraykanka ee saldhigga Juffair ee Baxrayn.”

    Saaka, laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah ayaa lagu beegsaday marin-biyoodka Hormuz, weerarkaas oo loo arko inuu yahay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee ay fuliyaan Ciidanka Ilaalada Kacaanka. Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay ugu yaraan siddeed kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Ciidanka Urdun ayaa saaka ku dhawaaqay inay soo rideen afar gantaal oo laga soo tuuray Iiraan. Bayaan ay soo saareen oo ay ku wajahan yihiin shacabka Urdun, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa xaqiijiyay weerarka, iyagoo sheegay inay gantaallada ridada dheer ku beegsadeen “xarumo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla saldhig ciidan oo cirka ah” gudaha Urdun.

    Ku xigeenka amniga ee xafiiska guddoomiyaha gobolka Khuzestan ayaa sheegay in, sida lagu ogaaday warbixinnadii iyo qiimeyntii hordhaca ahayd, weerarkii Maraykanku ku qaaday magaalada Omidiyeh ee gobolka Khuzestan uu ilaa hadda dhaawacay afar qof.

    Iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka ay mar kale sii xoogeysanayso, qiimaha shidaalka ayaa weli kor u sii kacaya suuqyada caalamka. Qiimaha halkii foosto ee shidaalka nooca Brent ayaa gaaray ku dhowaad 84 doolar.

    Warar dheeraad ah

  6. War deg deg ah, Iiraan oo weerartay xaruun dayax-gacmeed iyo saldhig Mareykanku leeyahay

    Ciidanka Urdun ayaa saaka ku dhawaaqay inay soo rideen afar gantaal oo laga soo tuuray Iiraan.

    “Afar gantaal ayaa la qabtay lana soo riday kadib markii ay galeen hawada Urdun iyagoo ka yimid dhulka Iiraan,” ayay ciidamada dalkaasi ku sheegeen wrbixin.

    Saacadihii u dambeeyay, Iiraan waxay sii wadday weerarradeeda ka dhanka ah xulafada Maraykanka, iyadoo sheegtay inay uga jawaabayso weerarradii Maraykanku qaaday.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa war-saxaafadeedkooda ay soo saareen saaka ooTalaadada ah ku sheegay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen “xarunta isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo dhismaha ay deggen yihiin ciidamada Maraykanka ee saldhigga Juffair ee Baxrayn.”

    Warar dheeraad ah

  7. Qiimaha Shidaalka oo kor u kacay 9% iyadoo xiisadda Mareykanka iyo Iiraan ay sii kordheyso

    Qiimaha ayaa sare u kacay 9%

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Qiimaha ayaa sare u kacay 9%

    Qiimaha shidaalka dunida ayaa sare u kacay ku dhowaad 9% maalintii Isniinta, kaddib dhowr wareeg oo weerarro ay is-dhaafsadeen Mareykanka iyo Iran, taasoo hakisay hoos u dhac ku yimid qiimaha shidaalka oo billowday horraantii bishan.

    Qiimaha shidaalka cayriin ee nooca Brent,ayaa gaaray in ka badan 83 doollar halkii foosto maalintii Isniinta.

    Isla waqtigaas, qiimaha shidaalka cayriin ee nooca West Texas Intermediate, ayaa sidoo kale kor u kacay, isagoo gaaray ku dhowaad 78 doollar halkii foosto.

    Kororka qiimaha ayaa loo aaaneeya dhadooyiinkii ugu dambeeyay ee gobolka bariga dhexe oo iran iyo Mareykanka ay dib u bilaabeen dagaalka.

    Warar dheeraad ah

  8. Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhawaaqay weerar ay ku qaadeen saldhigga Mareykanka ee Bahrain

    Subaxnimadii Talaadada, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray bayaankoodii toddobaad, iyagoo ku dhawaaqay inay jawaab ka bixiyeen weerarradii uu Mareykanku qaaday saacad ka hor.

    IRGC ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen "xarunta isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo dhismaha ay deggan yihiin ciidamada Mareykanka ee saldhigga Juffair ee Baxrayn."

    Isla subaxaas, waxa dhacay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee IRGC, iyadoo laba markab oo shidaal sida lagu beegsaday Marinka Hormuz.

    Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay weerarka, halka ugu yaraan siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.

    Wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow IRGC, ayaa sidoo kale werisay in weerarro laga fuliyay Kuwait, isla markaana "mowjdo qiiq ah" laga arkay magaalada Manama ee caasimadda Baxrayn.

    Warar dheeraad ah

  9. IRGC: Waxaan bartilmaameedsanay laba markab oo waaweyn oo Shidaal qaada oo "xad-gudub sameeyay"

    Markab

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Markab

    Saacad kadib markii Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ay ku dhawaaqeen in laba markab oo shidaal siday la beegsaday, iyagoo sheegay in hal qof oo ka tirsanaa shaqaalaha markabka uu dhintay halka siddeed kalena ay dhaawacmeen, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegteen mas'uuliyadda weerarka, iyagoo maraakiibta la weeraray ku tilmaamay "maraakiib xadgudub sameeyay."

    Bayaan ay IRGC soo saartay subaxnimadii Talaadada ayaa lagu yiri:"Saacado ka hor, ciidamada Mareykanka ee carruurta dila, kuwaas oo aan waxba ka baran guuldarrooyinkii soo noqnoqday, ayaa isku dayay inay ku qasbaan qaar ka mid ah maraakiibta inay maraan marin-biyood sharci-darro ah iyagoo ku kicinaya".

    waxaa u intaa ku daray bayaanka:Labada markab ee waaweyn ee shidaalka sida, kuwaas oo uu Mareykanku marin habaabiyay, isla markaana khatar geliyay isu socodka maraakiibta iyagoo damiyay nidaamyadooda hagidda, iska dhega tirayna digniinno isdaba joog ah oo ka yimid Xarunta Ammaanka ee Gacanka Hormuz, isla markaana doortay inay maraan marin miinooyin lagu aasay, ayaa la beegsaday waxaana laga dhigay kuwo shaqayn waayay."

    Wakaaladaha wararka ee ku dhow IRGC ayaa habeenimadii Isniinta si aan rasmi ahayn u sheegay in laba "markab oo shidaal sida oo xadgudub sameeyay" lagu weeraray Marinka Hormuz, balse ma aysan sheegin cidda fulisay weerarrada.

    Bayaanka IRGC ayaa sidoo kale lagu sheegay:"Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah waxay ogeysiinayaan dhammaan dhinacyada in la shaqaynta cadowga gardarrada ah ee kumannaan kiiloomitir u soo safray si uu ugu xadgudbo xuquuqda shacabka gobolka",.

    Warar dheeraad ah

  10. Waa imisa lacagta Iran uga soo xarootay Shidaalka markii xannibaadda laga qaaday muddo 2 bilood ah

    Kadib markii heshiis lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran la saxiixay 17-kii June, Washington ayaa qaaday xannibaaddii laba bilood socotay ee lagu hayay dekedaha Iran ee ku yaalla Marinka Hormuz.

    Sidoo kale, Mareykanka ayaa dabciyay cunaqabateynno muddo tobannaan sano ah saarnaa Iran, isagoo oggolaaday in si ku-meel-gaar ah loo iibiyo shidaalka Iran.

    Fasaxaasi ayaa lagu waday inuu dhammaado 21-ka August, balse Mareykanka ayaa kala noqday oggolaanshahaas kadib weerarro is xigxigay oo lagu qaaday maraakiib ku sugnaa marinka horraantii toddobaadkii hore.

    Sida ay sheegtay hay’adda United Against a Nuclear Iran, oo ah koox dabagal iyo olole siyaasadeed sameysa, muddadii hal bil ahayd ee ka dambeysay bixinta fasaxaasi, 59 markab oo shidaal qaada ayaa ka baxay Gacanka iyagoo sida shidaal iyo kiimikooyin laga sameeyo batroolka.

    Hay’addu waxay sheegtay in dhoofintaasi ay gaartay ku dhowaad 72 milyan oo foosto oo shidaal ah, taas oo Iran u keeni kartay dakhli suurtagal ah oo ka badan 5.5 bilyan oo doolar.

  11. Dowladda UK oo mamnuucday taageerada Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain Shabana Mahmood

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain Shabana Mahmood

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain Shabana Mahmood ayaa ku dhawaaqday in Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) loo aqoonsan doono khatar ku wajahan amniga qaranka.

    Mahmood ayaa adeegsan doonta awoodaha cusub ee dowladda si loo mamnuuco taageero kasta oo loo fidiyo kooxdaas, taas oo lala xiriiriyay hanjabaado dil, weerarro iyo cabsi gelin ka dhacay gudaha Britain.

    Bayaan qoraal ah oo ay u dirtay Baarlamaanka, ayay ku faahfaahisay in taageeridda IRGC — laga bilaabo muujinta aragti wanaagsan oo ku saabsan kooxda ilaa caawinteeda — ay hadda noqon doonto dambi lagu mutaysan karo xabsi gaaraya 14 sano.

    Laba kooxood oo kale ayaa sidoo kale lagu daray liiska ururrada la mamnuucay, kuwaas oo kala ah Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Saaxiibbada Xaqa (IMCR) iyo ciidanka mutadawiciinta ah ee GRU-da Ruushka (hay’adda sirdoonka milatariga dibadda).

    Awoodo cusub ayaa la siin doonaa booliiska iyo hay'adaha sirdoonka si ay wax uga qabtaan arrimahan.

    Waxaa la rumeysan yahay in IRGC-ga Iran ay hagaysay toddobo weerar oo lagu qaaday goobo ku yaalla Britain oo lala xiriiriyay bulshooyinka Yuhuudda iyo Israa’iil.

  12. Qaraxyo laga maqlay Koonfurta Iran iyo Iran oo sheegtay inay weerartay saldhigyada Mareykanka

    Gantaal

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Weerar

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay meelo kala duwan oo ku yaalla koonfurta dalkaas.

    Kanaalka wargeyska Hamshahri ayaa qoray in dadka deggan magaalada Jam ee gobolka Fars ay sidoo kale maqleen “dhawaaqa dhowr qarax”.

    Laba qarax ayaa sidoo kale ka dhacay Jasiiradda Kish, halka qarax kalena laga maqlay Jasiiradda Abu Musa. Ilaa hadda lama soo sheegin wax xog ah oo ku saabsan khasaaraha ama burburka suurtagalka ah ee ka dhashay weerarradan.

    Dhanka kale, ciidamada Iran ayaa ku dhawaaqay inay bartilmaameedsadeen “nidaamyada isgaarsiinta, haamaha shidaalka, nidaamka Patriot-ka, munaaradda ilaalada, iyo bakhaarka rasaasta” ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kuwait, iyagoo adeegsanaya weerar diyaarado aan duuliye lahayn.

    Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale qortay in ciidamada badda Iran ay maraakiib Mareykan ah ku weerareen gantaallo nooca cruise-ka ah.

    Mareykanka weli ma uusan xaqiijin ama beenin weerarradan.

    Iran ayaa horay u sheegtay inay bartilmaameedsatay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykan ah oo nooca MQ-1 ah, taasoo ku sugneyd meel u dhow marin-biyoodka Hormuz.

    Warar dheeraad ah

  13. CENTCOM: Weerarrada Mareykanka ee ka dhanka ah Iran ayaa billowday habeenkii saddexaad oo xiriir ah

    Duqeymo ka socda Iran

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Qoraalka sawirka, Duqeymo ka socda Iran

    Saacad kadib markii warbaahinno ku sugan Iran ay soo sheegeen in la maqlay qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay xeebaha koonfureed ee dalkaasi, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda ay weerarro ka fuliyeen Iran habeenkii saddexaad oo xiriir ah.

    CENTCOM ayaa sheegay in weerarradu billowdeen maanta 4:45 galabnimo waqtiga Mareykanka taas oo ku beegan qiyaastii saqdii dhexe waqtiga Tehran, waxaana lagu fuliyay amar ka yimid Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka, Madaxweyne Donald Trump.

    Bayaan ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in duqeymaha ay sii socon doonaan, iyadoo ujeeddadu tahay "in khasaaro culus lagu geysto ciidamada Iran" iyo in la yareeyo awooddooda ay ku weerari karaan rayidka iyo maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Hormuz.

    Sida horay loo sheegay, wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), ayaa soo warisay qaraxyo xooggan oo laga maqlay deegaanka Konarak xilli ku beegan saqdii dhexe ee Isniinta waqtiga Tehran. Wakaaladdu sidoo kale waxay baahisay warar la mid ah oo ka yimid Lark iyo Chabahar.

    Wakaaladda Tasnim ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca cirka laga hawlgeliyay Bandar Abbas, balse waxay beenisay in qaraxyo laga maqlay Lar iyo Sirik.

    Dhanka kale, ilo militari oo ku sugan Iran ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanku leeyahay nooca MQ-1 lagu bartilmaameedsaday gudaha Marinka Hormuz, iyagoo ku tilmaamay in weerarka lagu fuliyay "nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah ee cusub ee Ilaalada Kacaanka, kuwaas oo hoos yimaada shabakadda difaaca hawada ee isku dhafan ee dalka."

    Warar dheeraad ah

  14. Jug qarax ayaa laga maqlay xeebta koonfureed ee Iran xilli Trump uu sii xoojiyay hanjabaadiisa

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii fiidkii sheegay in Mareykanku uu Iran ku qaadi doono weerarro culus.

    Trump ayaa yiri:"Waxaan si aad ah u garaaci doonnaa iyaga (Iran) caawa, waxaana mar kale garaaci doonnaa berri; mana awoodaan inay wax sameeyaan,Waxba ma haystaan,waxay haystaan oo keliya hadal badan... Waan aqaan iyaga, waana dad waalan."

    Hadallada Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli warbaahinno ku dhow ilo militari oo Iran ah ay sidoo kale baahiyeen warar sheegaya in dhowr markab oo lagu tilmaamay "kuwa jebiyay xeerarka" lagu bartilmaameedsaday gudaha Marinka Hormuz.

    Sidoo kale, wakaalado warar oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), sida Tasnim iyo Fars, ayaa sheegay inay maqleen dhowr qarax oo ka dhacay deegaannada xeebaha koonfureed ee Iran.

    Faahfaahinta dhacdooyinkan ayaa la sheegay in dib laga soo sheegi doono marka xog dheeraad ah la helo.

    Warar dheeraad ah

  15. Mareykanka oo shaaciyay waqtiga ay bilaabanayso xannibadda dhanka badda ee Iran

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in xannibaadda badda ee lagu soo rogay dekedaha Iran dib loo bilaabi doono saacadda 4:00 galabnimo ee 13-ka July 2026, waqtiga Bariga Mareykanka.

    CENTCOM ayaa sheegay in xannibaadda lagu dabaqi doono maraakiibta u socda ama ka soo baxaya dekedaha Iran iyo goobaha xeebaha dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Mareykanka ayaa sii wadi doona taageerada isu socodka maraakiibta ee biyaha gobolka, gaar ahaan maraakiibta aan jebin xannibaadda.

    Horay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xannibaadda lagu sameeyay dekedaha Iran dib loo bilaabayo iayn islamarkiiba dhaqan-galayso.

    CENTCOM ayaa intaas ku dartay:"Dib u bilaabista xannibaadda Mareykanka ee ka dhanka ah Iran waxay daba socon doontaa hirgelintii hore ee socotay intii u dhaxaysay 13-ka Apiil ilaa 18-ka June."

    Kadib iska horimaadyadii maalmihii la soo dhaafay, Iran ayaa sheegtay inay xirtay Marinka Hormuz ilaa amar dambe.

    Afhayeenka Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ayaa maanta bayaan uu soo saaray ku yiri:"Kadib digniinihii hore ee loo diray Mareykanka, ma oggolaan doonno in Mareykanku xaalad kasta faragelin ku sameeyo maamulka Marinka Hormuz."

    Warar dheeraad ah

  16. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo ku jees-jeesay xayiraadda uu Trump saaray dekedaha Iiraan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi,

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi,

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, ayaa baraha bulshada ku qoray jawaab uu ku jeesjeesayo ku dhawaaqistii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayd in Mareykanku lacag ka qaadi doono maraakiibta xamuulka ee mara Marinka Hormuz.

    Araqchi ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku yiri:"Madaxweynaha Mareykanka gabi ahaanba wuu saxan yahay. Qof kasta oo bixiya marin ammaan ah oo sugan oo ay maraakiibta ganacsigu uga gudbaan Marinka Hormuz waa in lagu abaalmariyaa adeeggaas."

    Wuxuu intaas ku daray:"Iran mar walba waxay ahayd ilaaliyaha Marinka Hormuz, waxayna sidaas ahaan doontaa waligeed."

    Araqchi ayaa sidoo kale yiri:"20% dabcan waa lacag aad u badan,waxaan noqon doonnaa caddaalad."

  17. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay weerartay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha ee dalka Sacuudi Carabiya.

    Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen ayaa Isniintii sheegay inay fuliyeen howlgallo militari oo ay u adeegsadeen gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) kuwaas oo lagu beegsaday Garoonka Caalamiga ah ee Abha ee Sacuudi Carabiya, iyagoo ku sheegay inay uga jawaabayaan "duqeymaha Sacuudiga ee lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sanca."

    Sida ay werisay wakaaladda Reuters, afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Yaxya Saree, ayaa bayaan uu soo saaray ugu digay dhammaan shirkadaha diyaaradaha inay ka fogaadaan duulista hawada Sacuudi Carabiya, isagoo ku booriyay inay digniintaas si dhab ah u qaataan.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in xaaladdan ay sii socon doonto ilaa laga qaado waxa ay ugu yeereen "go'doominta Garoonka Caalamiga ah ee Sanca."

    Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen oo ay taageerto Sacuudi Carabiya ayaa maanta sheegtay inay beegsatay dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Warar dheeraad ah

  18. Iiraan oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca

    Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, isagoo ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana sheegay inuu meel ka dhac ku yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Yemen.

    Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay ka hor imanayso dadaallada lagu doonayo nabad iyo xasillooni ka dhalata Yemen, isla markaana ay lid ku tahay heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray sannadkii 2022.

    Maanta, Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen oo ay taageerto Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay beegsatay dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee Sanca si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Dhanka kale, afhayeenka Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran isla markaana maamula Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeeyay weerarka, isagoo sheegay in kooxdaasi ay ka jawaabi doonto.

    Iran ayaa iyaduna sheegtay in weerarka lagu qaado garoon rayid iyo khatar gelinta ammaanka iyo badqabka diyaarad rakaab ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee duulista rayidka, isla markaana ay tahay arrin aan gebi ahaanba la aqbali karin.

    Baghaei ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay bixiso taageero kasta oo gacan ka geysan karta horumarinta geeddi-socodka siyaasadeed iyo hirgelinta qorshaha nabadda, si loo gaaro nabad waarta iyo xasillooni gudaha Yemen.

    Warar dheeraad ah

  19. Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalo ay Xuutiyiinta soo rideen

    Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Xigashada Sawirka, The march

    Qoraalka sawirka, Qiiq ka kacaya garoonka diyaaradaha ee Sanca

    Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaallama Yemen ayaa Isniintii sheegay in militariga ay hawada ku qabteen gantaallo ballistic ah oo ay kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ku soo ridday gobolka koonfureed ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ayaa hore u shaaciyay in Garoonka Caalamiga ah ee Sanca lagu qaaday dhowr duqeyn oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Sacuudiga.

    Dowladda Yemen ayaa iyaduna sheegtay in ciidamadeedu ay beegsadeen dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan kuna degaan ee garoonka Sanca, si looga hortago in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta, Sareeye Guuto Yahya Saree, ayaa sheegay in duqeymaha Sacuudigu ay beegsadeen Garoonka Caalamiga ah ee Sanca, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi inuu yahay "gardarro cad oo aan caddaalad ahayn."

    War ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen, kaas oo ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Saba, ayaa lagu sheegay in "maleeshiyaadka Xuutiyiinta, oo ay dowladda Yemen ku tilmaamtay argagixiso isla markaana ay sheegtay inay taageerto dowladda Iran, ay ka hor istaageen diyaaradaha qaranka Yemen inay ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Sanca."

    Warar dheeraad ah

  20. Hay’adda Caalamiga ah badaha: Waan ka soo horjeednaa in lacag laga qaado maraakiibta maraya Marinka Hormuz

    Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay inay ka soo horjeeddo in lacag laga qaado maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka caalamiga ah.

    Sida lagu sheegay qoraalka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hore u shaaciyay inuu dib u bilaabi doono go'doominta badda ee ka dhanka ah Iiraan isla markaana uu soo rogi doono canshuur dhan 20% dhammaan maraakiibta iyo shixnadaha mara Marinka Hormuz.

    Iyadoo laga jawaabayo hadalkaas, afhayeen u hadlay Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha ayaa yiri:“Waxaan la soconnaa qoraalkan, waxaana sugeynaa faahfaahin dheeraad ah.”

    Afhayeenka ayaa intaas ku daray:“Mowqifkayaga ku aaddan lacagaha laga qaado maraakiibta marinnada caalamiga ah mar walba wuu caddaa, hay’adda Caalamiga ah ee Badaha waxay si adag uga soo horjeeddaa in lacag khasab ah laga qaado maraakiibta u gudbaysa marin-biyoodka.”

    Warar dheeraad ah