Xoolaha la qalo Udxiyada: Waa maxay nooca iyo shuruudaha, sideese ugu wanaagsan ee loo dooran karaa

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency via Getty Images
Sannado ka hor, Cabdulraxman wuxuu qalay neef ari ah oo allabari ahaan loo bixin jiray, laakiin wuxuu arkay wax isaga ka yaabiyay. Laxdu waxay rimayd, inkastoo uu si gaar ah u soo iibsaday si loogu qalo.
Wuxuu yiri: "Waan ogahay in neefka riman uu ka qaalisan yahay kuwa loogu talagalay in la qalo, marka waxaan filayay in khalad uu ka yimid qofkii iga iibiyay. Waxay ahayd neef dhali rabo , laakiin ma uusan ogaan taas."
Muxuu Abdul Rahman ku sameeyay udxiyadii? Dib ayaan sheekadiisa ugu laaban doonaa, balse marka hore aan wax ka ogaanno qeexida udxiyada iyo shuruudaheeda.
Tobanka bisha Dul-Hijjah sida ku xusan tirsiga Hijriyada Islaamka sanad walba, muslimiinta caalamka ayaa u dabaaldaga munaasabadda Ciidul Adxaa. Xajka oo ay soo gutaan malaayiin muslimiin ah ayaa waxaa barbar socda acmaasha xajka oo ah in xoolaha la huro. Maxaan ka ognahay neefka la qalaya xaaladihiisa, noocyadiisa, iyo sida loo doorto?
Udxiyada waa xoolaha sida ariga, geela, iyo lo'da, kuwaas oo loo qalo si loogu cibaadeysto oo Alle loogu dhnawaado maalinta Ciida.
Asal ahaan, diin ahaan iyo taariikh ahaan waxay ku jirtaa soo noolaynta qisadii Nebi Ibraahim oo diyaar u ahaa inuu allabari u bixiyo wiilkiisa Ismaaciil, ka dib markii uu riyo ku arkay in Ilaahay amray inuu sidaas sameeyo. Markii uu wiilkiisa u sheegay riyadiisa, Ismaaciil wuu aqbalay oo aabihiis ka codsaday inuu Rabi addeeco. Markii Ibraahim uu ku dhowaa inuu Udxiya u bixiyo wiilkiisa, Ilaah baa badbaadiyey oo wuxuu siiyay wan uu allabari u bixiyo.
Waa maxay xukunka Islaamka ee ku saabsan Udxiyada?
Sida laga soo xigtay Golaha Fatwada ee Masar, "Udxiyada uu sameeynayo qof Muslim ah oo awood u leh waa dhaqan nebi oo uu xaqiijiyay oo Nebi Muxamed nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ... oo Ilaahay Qaadirka ah uu faray, si loo soo nooleeyo dhaqanka Nebi Ibraahim iyo in dadka la quudiyo maalinta Ciidda."
Weedha "Sunnaha ee la xaqiijiyay" waxay ka dhigan tahay in Nebi Muxamed uu amray in la sameeyo, oo uu si joogto ah u sameeyay oo uu marar dhif iyo naadir ka tagay, laakiin wali waxay ka hooseysaa heerka waajibka, sida uu sheegay Dr. Muhammad Al-Zaini, oo ah Bare Sare oo ka takhasusay Isbarbardhigga Sharciga ee Jaamacadda Al-Azhar.
Al-Zaini wuxuu BBC-da u sharraxay in allabariga ay ku filan tahay (fulinta ujeeddada) qofka iyo kuwa uu si sharci ah masuul uga yahay : xaaskiisa, carruurtiisa, iyo kuwa kale, haddii uu sidoo kale masuul ka yahay hooyadiis ama aabihiis, tusaale ahaan. Si kale haddii loo dhigo, neefka udxiyada ahi waxa uu ku filanyahay qoyska oo dhan.
Ujeedada munaasabaddan waa in la quudiyo dadka saboolka ah, in laga qayb qaato ilaalinta xiriirka qaraabada. iyo in la xoojiyo xiriirka jacaylka ee xubnaha bulshada.
Shuruudaha iyo waqtiga qalitaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Marka hore, nooca: Waa inay si gaar ah sdia ariga (oo ay ku jiraan idaha iyo riyaha), geela, ama lo'da.
- Marka labaad, da'da: Idaha, wanku waa inuu ugu yaraan lix bilood jiraa, riyahana waa inuu ugu yaraan hal sano jiraa sida ay qabaan culimada qaar, halka kuwa kalena ay yiraahdaan laba sano. Geela waa inuu jiraa shan sano ama ka weyn, lo'da waa inay ahaataa, laba jir ama ka weyn.
- Tan Seddexaad, ka xoroobidda cilladaha: Xoolaha la bixinayo waa in uusan noqon mid hal il leh, indho la', naafa ah, buka, caato ah, ama uusan lahayn cillad sida dhegta oo jeexan ama lugta jaban, gees jaban, ama cillado kale.
Waqtiga gowraca
Waqtiga la qalayo neefka la bixinayo wuxuu bilaabmaa ka dib marka Imaamku dhammeeyo tukashada salaadda Ciidda, wuxuuna socdaa saddexda maalmood ee Tashriiq: maalmaha 11aad iyo 12aad ilaa galabnimada maalinta 13aad ee Dhul-Xijjah.
Hilibka waxaa loo qeybinayaa saddex qeybood: saddex meelood meel hilibka udixiyada waxa la siinayaa qoyska bixiyay allabariga, saddex meelood oo meel waxa la siinayaa qaraabada iyo asxaabta halka sdeexd meeloodka meesha soo hartayna la siinaya dadka saboolaka ah.
Hilibkeeda waa in isla markiiba la qaybiyaa si looga farxiyo dadka saboolka ah loona gaaro faa'iidada la rabo, laakiin ma jirto wax dhibaato ah oo ku saabsan dib u dhigista qaybinta ilaa maalmaha Tashreeqa ka dib, sida uu sheegay Dr. Al-Zaini haddii aysan jirin baahi ama duruufo qasbaya.
Da'da iyo Dhibaatada miisaanka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyada oo la horumarinayo nidaamyada quudinta iyo nafaqada xoolaha, waxaa soo ifbaxay khilaaf ku saabsan baahida loo qabo in la raaco da'daas sharciga ah, iyadoo lo'du ay yeelato hilib badan ka hor intaysan gaarin laba sano.
Dr. Abdel-Aleem Mohamed, oo ah Bare Sare iyo Madaxa Waaxda Waxsoosaarka Xoolaha ee Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Fayoum, ayaa yiri: "Nidaamyada quudinta casriga ah ee maanta, miisaanka neefka lo'da ah waxa uu gaari kara 500 ama 600 kiilogaraam marka ay jiraan hal ama hal sano iyo bar."
Dr. Abdul-Aleem Muhammad wuxuu aaminsan yahay in "iibinta lo'da caloosha ku sida neef kale ee loo qalo allabari ahaan badanaa ay ku dhacdo qalad, sababtoo ah waxay uga dhigantahay khasaare iibiyaha," wuxuuna ugu baaqayaa kuwa bixinaya allabariga am udxiyada inay baaraan arrintan iyadoo uu baaraya dhakhtar xoolaad, ama sameynaya hab "taabasho", kaas oo ah hab sahmin ah oo uu samayn karo dhakhtar xoolaad, ama dad khibrad leh oo ka mid ah kuwa yaqaan taranka xoolaha ama ganacsatada xoolaha, ama dadka ku takhasusay arrintan.











