Maxaan ka ognahay wadooyinkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya ka mid ahay ee loo mari jiray xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalinta salaasada ee 26 bisha Abpril sanadka 2026, ayey ku beegan tahay maalinta carafa ee maalayiin muslimiina oo caalamka ka kala tagay ay gudanayaan waajibaadka xajka ayna taagan yihiin buurta Carafa. haddaab Maxaan ka ognahay wadooyinkii taariikhiga ahaa ee xujayda mari jireen boqolaal sano ka hor.
Bal sawiro sida koox xujey ah oo ka yimi Shiinaha ay u mareen safar dheer oo kabilaabaya Shiinaha sii mareyey dhulka Faaris, Ciraq iyagoo uga sii tallaabay jasiirada Carabta, ujeedooda ayaa ahayd inay gaaraaan magaalada Barakaysan ee Madiina unaga sii gudbay magaalada Makkah si ay u soo xaj gutaan.
Sheekadani maha mid khiyaali ah, laakiin waa xaqiiqooyin taariikheed oo ay u soo joogeen qaar ka mida Xujaajta muddo hadda laga joogo kun sanadood. Socdaalkaas oo qofka xaajigaa ah ku qaadan jirtay biloooyin. Lagana yaabo in dalkiisii uusan dib ugu soo noqon sanado badan mooyaane, waa sida uu sameeyey Ibnu Jubayr iyo sidoo kale dhul mareenkii reer Andalus ee Ibnu Baduuda.
Astaamaha xadaaradda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waagaas Xajku ma ahayn uun cibaado diini ah oo qofku dhib iyo tacab badan uyuu u soo mari jiray, balse waxa ay ahayd fursad weyn oo la isku weydaarsado wararka, cilmiga, luuqadaha iyo waayaha ka hor warbaahinta casriga.
Xajku wuxuu sabab u ahaa dib-u-soo-nooleynta qaab-dhismeed iyo xadaaradaha sidoo kale waxa uu ahaa fursad weyn oo ganacsi.
Safaradani ma ahayn oo kaliya marinnada ay xujaydu maraan marka ay u socdaan dhulka barakaysan sida lagu sheegay Quraanka Kariimka ah, balse waxay ahaayeen marino muhiim ah oo isku xira wadnaha dunida Islaamka Sida uu Dr. Sayed Abdel-Majeed Bakar ku sheegay buugiisa "Sifooyinka Juqraafiyeed ee Jidadka Xajka.
Dariiqyadani waxay wataan astaamaha ilbaxnimada; Masaajidada, meelaha lagu nasto, daaraha waaweyn, qalcadaha iyo ceelasha biyaha ee la dhisay intii ay socdeen, waxayna marag u noqdeen ilbaxnimada Islaamka, taas oo dadka safarka ah iyo taariikhyahanadu ay ku qoreen baal dahab ah.
Marinda Xajku waxa kale oo ay fursad u siiyeen culimadii tafsiirka, xadiithka, fiqiga, luqadda iyo suugaanta inay ku kulmaan, iyagoo soo maray waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Islaamka ee Dimishiq, Qudus, Kuufa, Basra, Baghdad iyo Qaahira, ilaa Maka iyo Madiina.
Socdaalkii xujaajta waxaa ka mid ahaa waxa loo yaqaan "Goobaha nasashada," kuwaas oo ay taariikhyahanadu sheegeen inay ahaayeen meelo lagu hakado, taas oo faa'iidooyin badan u heleen xujayda iyo dadka deggan dalalkaas, taasoo ah qaabka ugu quruxda badan ee isdhexgalka iyo isdhaafsiga dhaqanka.
Xujaydu waxa ay ka soo baqooli jireen cirifka ugu fog ee dhulka, Shiinaha iyo Hindiya oo bari ka xiga badweynta Atlaantigga iyo Yurub, waxaanay aakhirka ku biiri jireen xujaajta mara marinnada dalalka Carabta iyo Islaamka, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin Ciraaq, Shaam iyo Masar.
Marka ay xujaydu u soo dhawaadaan Masaajidka Xurmada leh ee Maka, xujayda waxaa loo calaamadiyaa in ay ka soo Ixraamtaan shan goobood oo ah soohdimaha Juqraafiyeed ee uu Nebi Muxamed u dejiyay xujaydu si ay u Ixraamtaan. Xujaydu lagama oggola inay ka gudbaan xuduudahan ilaa ay xirtaan dharka Ixraamk ka hor intaysan soo gelin Maka
Goobaha laga ixraamto

Xigashada Sawirka, Egyptian Ministry of Religious Endowments website
- Dul-Xulayfah waa miiqaatka reer Madiina.
- Daatul Cirqi: waxaa loogu talagalay dadka yimaada Ciraaq.
- Qarn al-Manazil/As-sayl al-Kabiir) waa miiqaatka reer Najd.
- Al-Juxfah) ama (Rabuq) waxaa loogu talagalay dadka ka yimaada iyo Shaam.
- Yalamlam waa miiqaatka dadka Yaman.
Waddada Xajayda Afrika

Xigashada Sawirka, Hajj and Umrah Atlas by Dr. Sami Abdullah Al-Maghlouth
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa xusid mudan in qaarada Afrika ay jireen wadooyin kale oo ay maraan safarrada xajka, balse ay ka caan yaraayeen wadadii Masar, sida uu sheegay Dr. Al-Maghlouth, sida dariiqii ay marayeen xujayda Galbeedka iyo Bartamaha Afrika. Waxa uu BBC-da u sharraxay in ay tahay "waddo labaad oo ay ku jirto xaalad ku meel gaar ah oo khatar ah," maadaama safarka waddadan uu gaari karo ilaa 7,000 oo kilomitir.
Waddadan dhulka ah waxay soo mari jitay bariga magaalada Sennaar, halkaasna waxay ka sii gudubtay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, waxay gaaraan Suakin, oo ah dekedda Suudaan ee badda cas, si xujaajtu ay ugu safraan badda dhinaca ka soo horjeeda, ilaa dekedda Jeddah, oo ah safar laga yaabo inuu qaato sannad iyo ka badan.
Marka laga hadlayo wadamada geeska Afrika oo Masar iyo dhulka Shaam looga yaqaanay dhulka Saylac, Xujaajtoodu waxay mari jireen waddo dhulka ah oo ku teedsan Xeebaha Badweynta Hindiya ilaa Dekedda Saylac ee Soomaaliya, iyagoo ka sii gudbi jiray Gacanka Bab al-Mandab, ka dibna Jiddah.
Waxa kale oo jira dariiqa badda ee ka yimaada jasiiradaha Comoros ee badweynta Hindiya, iyada oo sii marta Zanzibar oo ka sii gudubta gacanka Cadmeed iyo marinka Bab al-Mandab, oo gaarta dekedda Jeddah.
Marka dib loo milicsado safarradii xujayda ee waayadii hore dhulka barakeysan, waxaa la fahmi karaa muhiimadda uu magaca "Xajka" u leeyahay dadka gutay cibaadadaas, taasoo ay ugu wacan tahay ahmiyadda qotoda dheer ee uu u leeyahay muslimiinta ku nool dhulka barakeysan ee ka fog. "Waxay soo mareen masaafo dheer, cagahooduna ku soo mareen dhul dhagaxaan iyo buuro ah waxayna u dulqaadanayeen gaajo iyo haraad safarkii ay ku tageen Guriga barakaysan ," sida uu Sayid Abdul Majid Bakar ku sheegay buuggiisa.
Maanta, Dr. Atef Mo'tamed wuxuu naqdinayaa Xajka "casriga ah," inkasta uu oo faa'iidooyinka uu leeyahay, haddana soo bandhigay caqabado waaweyn, oo ay matalaan rabitaanka cunista cuntada iyo cabitaanka, iyo sawirada kamaradaha taleefannada gacanta ee "dadku ku ciyaaraan barxadda Kacbada, halkii ay awoowayaashood ay qaadayeen , xuska Eebe iyo danbi dhaaf.













