Iiraan ma weerari kartaa Yurub?

Xigashada Sawirka, Reuters
Iiraan waxay weerari kartaa saldhigyada milatari ee Maraykanka ee Yurub haddii Donald Trump uu mar kale weeraro Iiraan, sida ay qortay Financial Times, oo soo xiganaysa ilo ku dhow mas'uuliyiinta Iran.
Arrintani waxay si weyn u ballaarin kartaa baaxadda dagaalka, iyadoo dagaalku ka gudbi karo xudduudaha Bariga Dhexe.
Dhanka kale, Iiraan waxay wajahaysaa dhibaato kale: sida ay sheegtay CNN, Tehran waxay si tartiib-tartiib ah u luminaysaa gacan-ku-haynta Marinka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee dunida ee sahayda iyo gaadiidka shidaalka.
Hanjabaadda Yurub
Sida ay qortay Financial Times, ciidamada Iiraan waxay ka fiirsanayeen inay weeraraan bartilmaameedyo Maraykan leeyahay oo ku yaalla koonfur-bari Yurub.
Waxaa ka mid ah bartilmaameedyada suurtagalka ah saldhigga cirka ee Bezmer ee Bulgaria, sida ay sheegeen ilo uu wargeysku soo xigtay. Bishii hore, Maraykanka waxaa loo oggolaaday inuu saldhiggaas u isticmaalo diyaaradaha shidaal-qaadka.
Bartilmaameed kale oo suurtagal ah ayaa noqon kara Qubrus.
Bishii Maarso, saldhigga cirka ee Britain ee Akrotiri, oo ku yaalla jasiiraddaas, waxaa lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn. Xilligaas, saraakiil reer Galbeed ah ayaa soo jeediyay in weerarka laga yaabo inuu ahaa mid ay Iiraan ku lug lahayd, balse ay suuragal tahay in diyaaradda ay rideen xoogag xiriir la leh Tehran, halkii ay si toos ah uga soo dirtay Iiraan.
Ciidamada Iiraan ayaa sidoo kale ka fiirsanaya inay weeraraan fiilooyinka internetka ee badda hoosteeda mara ee ku yaalla aagga Marinka Hormuz haddii xiisaddu sii korodho.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay ilo u sheegeen Financial Times, mowqifka sii adkaanaya ee Tehran wuxuu ka dhashay isbeddel ku yimid aragtida hoggaanka Iiraan.
Tiro sii kordhaysa oo ka tirsan madaxda taliska ayaa aaminsan in dagaal cusub uu yahay arrin waqti uun ku xiran.
Dhanka kale, wada-hadalladii lagu doonayay in dib loogu soo celiyo xorriyadda maraakiibta ee Marinka Hormuz ayaa hakad galay.
Maalintii Talaadada, Donald Trump wuxuu sheegay in xilligan aysan jirin wax wada-hadallo ah ama xiriir loo qorsheeyay Tehran.
Wakiillo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo taliyeyaal kale oo Iiraaniyiin ah ayaa ka digaya in haddii uu qarxo dagaal cusub oo ballaaran, Iiraan ay beddeli karto xeeladihii ay hore u adeegsan jirtay.
Markii hore, Tehran waxay inta badan bartilmaameedsan jirtay saldhigyada milatari ee Maraykanka, kaabayaasha tamarta iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku yaalla Bariga Dhexe.
Hadda, goobo ka baxsan gobolkaas ayaa noqon kara bartilmaameedyo.
Mid ka mid ah dadka la hadlay Financial Times ayaa sheegay in haddii Maraykanku gardarro sameeyo, Tehran ay diyaar u tahay inay si aan xad lahayn uga jawaabto:
"Haddii Maraykanku xadka ka gudbo, Iiraan waxay isku difaaci doontaa qiimo kasta, waxay ka bixi doontaa gobolkan waxayna weerari doontaa Yurub."
Iiraan ayaa hore uga digtay Britain in saldhigyadeeda milatari ay noqon karaan bartilmaameedyo.
Bishii hore, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa sheegay:
"Saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro Iiraan waxaa loo aqoonsan doonaa bartilmaameed sharci ah."
Hanjabaaddaasi intee ayay dhab tahay?
Siddharth Kaushal oo ka tirsan Machadka Cilmi-baarista Difaaca ee Boqortooyada Midowday (RUSI) ayaa ku tilmaamay khatarta gantaallada Iiraan ay ku weerari karto Yurub inay tahay "mid dhab ah, balse xaddidan."
Wuxuu sheegay in Iiraan ay adeegsan karto gantaallada ballistic-ga ee riddada dhexe, oo ay ku jiraan kuwa qoyska Shahab, si ay u beegsato bartilmaameedyo Maraykan leeyahay oo ku yaalla koonfurta iyo koonfur-bari Yurub.
Hase yeeshee, marka la eego masaafooyinka dheer, gantaallada noocaas ah waxay la kulmi karaan caqabado la xiriira saxnaanta iyo waxtarka.
Kaushal wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in Tehran ay faa'iido badan u yeelan karto inay weerarrada ku fuliso kooxaha hubeysan ee xulafada la ah, sida maleeshiyaadka Shiicada ee Ciraaq, Xisbullah ee Lubnaan ama Xuutiyiinta Yemen.
Douglas Barry oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah (IISS) ayaa xusay in Iiraan ay hore u muujisay inay awood u leedahay inay weerarro ka fuliso masaafooyin dheer.
Sida uu sheegay, isku daygii lagu weeraray saldhigga Maraykanka ee Diego Garcia ee Badweynta Hindiya ayaa muujinaya in Tehran ay haysato hub awood u leh inuu gaaro masaafo ka badan 2,000 kiiloomitir.
Dhanka kale, Barry wuxuu sheegay in aan si dhab ah loo ogeyn tirada gantaallada noocaas ah ee Iiraan haysato iyo in Tehran ay diyaar u tahay inay xitaa tiro yar oo ka mid ah u adeegsato weerar muujinaya awooddeeda.
Hase yeeshee, caqabadda ugu weyn ayaa ah saxnaanta.
"Marka masaafadu sii dheeraato, ayay sii adkaanaysaa in la xaqiijiyo saxnaan aad u sarreysa."

Xigashada Sawirka, Reuters
Iiraan ayaa hore u tijaabisay inay weerarto bartilmaameedyo ku yaalla masaafo dheer. Ka dib markii Maraykanka iyo Israa'iil ay dagaal ka dhan ah Iiraan bilaabeen bishii Febraayo, Washington waxay Tehran ku eedaysay inay dhowr gantaal u ridday dhanka Diego Garcia. Midkoodna ma gaarin bartilmaameedkii loo waday.
Bishii Maarso, Turkiga wuxuu sheegay inuu dhexda ka qabtay dhowr gantaal oo ballistic ah oo ay Iiraan soo ridday, halka saldhigga ciidamada cirka ee Britain ee Akrotiri, oo ku yaalla Qubrus, lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn (drone).
Sida uu sheegay mid ka mid ah ilaha ay soo xigatay Financial Times, weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhig Maraykanku ku leeyahay Urdun, kaas oo sababay dhimashada saddex askari oo Maraykan ah, wuxuu muhiimad weyn u lahaa Iiraan.
Ishaasi waxay weerarka ku tilmaantay weerarkii ugu saxnaa ee riddada dheer ee ay Iiraan fuliso. Sida uu sheegay, weerarkaas wuxuu ahaa digniin loo diray Yurub:
"Waxaa lagu bartilmaameedsan karaa gantaallo, waana inay fahantaa dhinaca ay ka taagan tahay dagaalkan."
Sida uu sheegay, khalad weyn oo Maraykanku sameeyo, sida weerar lagu qaado kaabayaasha Iiraan, wuxuu sababi karaa in dagaalku ka gudbo xuduudaha Bariga Dhexe.















