Iran weli madax-xanuun wey ku ridi kartaa Trump

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Joel Gunter
    • Role, Jerusalem
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Afar maalmood ka hor uun bay ahayd markii Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Pete Hegseth, uu ku faanayay in Maraykanku uu gaaray gacanta-sare ee dhanka cirka ee dalka Iiraan, uuna si aad ah u wiiqay difaaca cirka ee Iiraan, taas oo u oggolaanaysa Ciidanka Cirka ee Maraykanka inay hadda dusha sare ee Iiraan ku duuliyaan diyaaradaha gaabis ku socda ee B-52 iyadoo aan wax walaac ah laga qabin.

Duullimaadyadii diyaaradahaas qaraxyada sida ayaa hadda uun bilaabmay ka hor intaysan Iiraan gaarin guusheedii ugu weynayd ilaa hadda ee ay ka gaaro Maraykanka — taas oo ah soo ridista diyaarad dalkeeda dushooda maraysay.

Ma ahayn diyaarad culus oo kuwa wax qarxiya ah, balse waxay ahayd diyaarad dagaal oo dheeraynaysa oo aad u firfircoon.

Mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda F-15 ee la soo riday waa la soo badbaadiyay, laakiin mid kale ayaan weli raq iyo ruux midna lagu hayn.

Iran
Qoraalka sawirka, BBC Verify oo la hadashay khubarro xaqiijisay in burburka sawirrada lagu wadaagay baraha bulshada ay yihiin Eagle Strike ee US F-15E.

Haddii duuliyaha haray ay maxbuus ahaan u qabato Iiraan, waxay si weyn kor ugu qaadi doontaa khatarta soo food saartay Maraykanka. Isaga ama iyada waxay u badan tahay in la soo dhigo teefishinnada si dadka oo dhami u arkaan, taas oo ah muuqaal ka sii dari kara aragtida ay qabaan dadka Maraykanka ah oo markii horeba la dhibaataysnaa kor u kaca qiimaha shidaalka iyo luminta 13 xubnood oo ciidankooda ka tirsan.

Isku dhacaan waxaa kale oo hareeyay, gudaha Maraykanka iyo caalamkaba, dareen ah in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku guuldaystay inuu soo bandhigo sabab cad oo lagu qanci karo oo ku aaddan bilaabista dagaalkan, iyo inuu ku guulaystay hadafkiisii ahaa isbeddel maamul.

Trump wuxuu sheegay in xaaladda diyaaradda la soo riday aysan saamayn doonin wadahadallada lala leeyahay Iiraan. Laakiin taasi si degdeg ah ayay isu beddeli kartaa haddii duuliyaha la qabto.

Waxayna tani muujinaysaa in kasta oo la wiiqay, in Iiraan ay weli awood u leedahay inay Trump ku riddo madax-xanuun weyn oo dhanka milateriga iyo siyaasadda ah inta uu dagaalkani socdo."

Shilalkii hore ee diyaaradaha Mareykanka

Mareykanka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Diyaarada dagaalka ciidamada Maraykanka ee qaybisa shidaalka Boeing KC-135. Lix kamid ah shaqaalaha milatariga Maraykanka ee diyaarada qaybisa shidaalka ayaa ku dhintay shilka bishii Maarso
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ay soo rideen ciidamada cadow ah ayaa ahayd mid dhacdo dhif iyo naadir u dhacda, wax dhacay labo wakhti oo kali ah tobanaankii sano ee aan soo dhaafnay.

Saddex diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-15 ayaa kusoo dhacay Kuwait, kadib shil ''is-rasaasayn saaxiibtinimo'' oo dhacday horaantii bishii Maarso, sida ay sheegeen taliska bartamaha ciidamada Maraykanka ee (CentCom). Dhammaan xubnihii shaqaalaha diyaaradda ayaa badbaaday.

Dhammaan shaqaalaha lixda ahaa ee saarnaa diyaaradda milatariga Maraykanka ee qaybisa shidaalka ayaa lagu dilay shil ay qayb ka ahayd diyaarad kale oo dagaal bishii Maarso 12, shilkaasi oo ka dhacay Galbeedka Ciraaq, sida ay sheegtay CentCom.

Bishii April 7 2003, diyaarada dagaalka Maraykanka ee F-15 ee galayrka ayaa lagu soo riday Ciraaq howlgalka xorranta Ciraaq, taasi oo uu ku dhintay duuliye Erec Das iyo sarkaalka William Watkins.

Diyaarada ayaa kasoo kacday saldhiga ciidamada cirka ee Al Udeid ee Qadar si ay u samayso howlgal ada, iyada oo beegsanaysay meel ku dhow Tikrit, Ciraaq, sida laga soo xigtay mareegta US Navy Memorial.

Diyaarada US A-10 Thunderbolt II ayaa la aaminsan yahay in lagu soo riday caasimada Ciraaq ee Baqdaad bishii April 8, 2003, sida laga soo xigtay ciidamada cirka Maraykanka. Duuliyihii ayaa si badqab leh loo soo badbaadiyay, kahor inta aysan burburin.

Diyaarad kale oo nooceedu yahay F-15 ayaa ku burburtay Waqooyi-bari Liibiya bishii Maarso 2011. Afar diyaaradood oo dagaal iyo laba helikobtar ayaa loo diray si ay usoo badbaadiyaan duuliyaha, sida ay wakhtigaasi sheegeen ciidamada badda Maraykanka.