Waa kuma ganacsadaha madaxda Afrika saaxiibka la ahaa ee geeriyooday?

Wicknell Chivayo
Qoraalka sawirka, Wicknell Chivayo wuxuu ahaa ganacsade caan ah oo lagu yaqaannay hab-nololeedkiisa raaxada ku dhisan iyo kharashaadka xad-dhaafka ah
    • Author, Wycliffe Muia
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ganacsadaha caanka ah ee Zimbabwe Wicknell Chivayo iyo xaaskiisa Lucy Muteke ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo helikobtar ah, kaas oo ay ku dhinteen lix qof, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Helikobtarka ayaa ku dhacday deegaanka miyiga ah ee Marondera, oo qiyaastii 70 kiiloomitir bariga ka xigta caasimadda Harare, fiidnimadii Arbacada. Booliisku waxay sheegeen in dhammaan lixdii qof ee saarnaa ay dhinteen.

Afhayeenka qoyska, Herbert Chivayo, ayaa telefishinka dowladda ee ZBC u xaqiijiyay geerida Wicknell Chivayo oo 43 jir ahaa iyo xaaskiisa Lucy Muteke. Wuxuu sheegay in qoysku uu aad uga naxay dhacdadan.

Chivayo wuxuu caan ku ahaa nolol aad u qaali ah, xidhiidh dhow oo uu la lahaa qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika, iyo qandaraasyo waaweyn oo dowladda Zimbabwe ah ay marar badan dhaliyeen su'aalo iyo baaritaanno.

Isaga oo hore u beeniyay eedeymo la xidhiidhay habka uu ganacsigiisa u maamulayay.

Afhayeenka booliiska, Komishaneer Paul Nyathi, ayaa sheegay in diyaaradda ay dhacday abbaaro 5:00 galabnimo xilliga maxalliga ah, xilligaas oo ay saarnaayeen lix qof. Mas'uuliyiin dowladeed ayaa sheegay in laba ka mid ah lixda qof ay ahaayeen duuliyeyaal.

Warbaahinta ZBC, ayaa sheegtay in kooxdu ay ka soo safreen deegaanka Gandami ee degmada Chikomba, halkaas oo Chivayo iyo xaaskiisu ay ka dhisayeen guri miyi markii diyaaradda helikobtarada ah ay ku burburtay deegaanka beereedka Kudenga, qiyaastii 40 daqiiqo kadib markii ay hawada gashay.

"Erayo aan ku cabirno dareenkeena ayaan weynay kadib markii aan maqalnay warkan naxdinta leh," ayuu yiri afhayeenka qoyska oo la hadlayay ZBC.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababta keentay shilka ayaan isla markiiba la ogaan, waxaana booliisku sheegeen in baaritaanno ay socdaan. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa loo diray goobta shilku ka dhacay fiidnimadii Arbacada.

Horey, afhayeenka dowladda Nick Mangwana ayaa xaqiijiyay shilka, isagoo sheegay in diyaaraddu ay siday "ganacsade caan ah, saddex rakaab oo kale iyo laba duuliye".

"Macluumaadka hadda jira wuxuu muujinayaa in aysan jirin cid ka badbaaday shilkan," Mangwana ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Khamiista, saraakiisha duulista oo uu hoggaaminayo wasiirka gaadiidka Felix Mhona ayaa gaaray goobta shilka, halkaas oo baarayaashu ay ka heleen sanduuqa madow ee diyaaradda oo dhan iyagoo bilaabay baaritaanka.

"Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in shidaalku uu ku daatay , ka dibna dab gubay cawska goobta shilka," ayuu yiri George Mashababe, agaasimaha guud ee hay'adda duulista Rayidka ee Zimbabwe.

"Sababta shilka weli lama xaqiijin."

Zimbabwe
Qoraalka sawirka, Sababta shilka ayaa weli la baarayaa

Inkasta oo uu dhowr sano xabsi ku jiray kaddib markii lagu helay dambi musuqmaasuq ah sanadkii 2004, haddana Chivayo wuxuu markii dambe dhistay ganacsi guuleystay, kaas oo inta badan ku tiirsanaa qandaraasyada dowladda.

Wuxuu ahaa agaasimaha guud ee shirkadda Intratrek Zimbabwe, waxaana uu sumcad ballaaran ku dhex yeeshay bulshada, taas oo uu ku kasbaday hawlaha samafalka iyo soo bandhigista hantidiisa baraha bulshada.

Mashaariicdii ganacsi ee ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa mashruuc tamarta qorraxda laga dhalinayo oo ku kacayay $172 milyan, kaas oo laga hirgelinayay magaalada Gwanda, laguna wareejiyay shirkadda Intratrek oo ay siisay shirkadda korontada Zimbabwe Power Company oo ay dowladdu leedahay. Mashruucaasi wuxuu sababay muranno sharci oo socday muddo sannado ah.

Waxaa sidoo kale baaritaan lagu sameeyay soo iibinta agabka loo adeegsaday doorashadii muranka dhalisay ee Zimbabwe ka dhacday sanadkii 2023. Guddiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee Zimbabwe ayaa baaray eedeymo la xiriiray qandaraasyo la siiyay shirkadda Ren-Form ee Koonfur Afrika, balse baaritaanka ayuu xiray sanadkii 2025, isaga oo sheegay inuusan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in Chivayo ama Guddiga Doorashooyinka Zimbabwe ay ku lug lahaayeen falal khalad ah.

Chivayo, oo si weyn loogu yaqaanay magaca "Sir Wicknell", ayaa si joogto ah u adeegsan jiray magacaas marka uu bulshada la hadlayo iyo baraha bulshada, inkasta oo uusan waligiis helin darajada sharafeed ee Knight ee Britain bixiso.

Waxaa sidoo kale lagu yaqaanay inuu hadiyad ahaan u bixiyo gawaari qaali ah iyo lacago badan oo uu siin jiray fannaaniinta, hoggaamiyeyaasha diinta iyo dad kale oo magac ku leh bulshada, isaga oo inta badan hadiyadahaas ku shaacin jiray baraha bulshada.

War-saxaafadeed uu soo saaray, madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay inuu Chivayo la kulmay maalin uun ka hor geeridiisa, kaddib shir ay yeesheen golaha wasiirrada, xilligaas oo ganacsaduhu uu la wadaagay qaar ka mid ah qorshayaashiisa ku aaddan Zimbabwe.

"Dhammaanteen aad ayaan uga naxnay geerida lama filaanka ah ee ku timid nin sidaas u da' yar oo qoys leh," ayuu yiri Mnangagwa, isaga oo Chivayo ku tilmaamay qof si weyn ugu caan baxay samafalka, isla markaana sheegay in qoyskiisu ay "taabteen nolosha dad aad u badan" iyaga oo adeegsanaya samafalkooda iyo deeqsinimadooda.

Mnangagwa ayaa sheegay in geerida Chivayo ay isaga shaqsi ahaan ku reebtay "dareen kabuubyo ah" iyo "naxdin weyn".

Xiriirradiisu kuma koobnayn Zimbabwe oo keliya.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo horay fagaarayaasha ula soo muuqday Chivayo, ayaa tacsi u diray isaga oo ku tilmaamay "saaxiib qaali ah", sidoo kalena tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilka.

"Waxaan ku xusuusan doonaa saaxiibtinimadiisa, firfircoonidiisa iyo sida qotada dheer ee uu u aaminsanaa fursadaha ka jira qaaraddeenna," ayuu intaas raaciyay Ruto.

Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Kenya ayaa su'aalo ka keenay sida joogtada ah ee Chivayo uu ula kulmi jiray Ruto iyo sida uu ku heli jiray marin u helidda xarunta madaxtooyada ee State House.

Wuxuu si joogto ah baraha bulshada ugu soo bandhigi jiray xiriirka uu la leeyahay hoggaamiyeyaasha Afrika, isaga oo baahin jiray sawirro laga qaaday kulammada uu la yeeshay madaxweynayaal ay ka mid yihiin Hakainde Hichilema oo Zambia ah, Cyril Ramaphosa oo Koonfur Afrika ah iyo Samia Suluhu Hassan oo Tanzania ah, iyo sidoo kale Boqorka Eswatini, Mswati III.