Hal maalin ayaad ku saadaalin kartaa inta sano ee aad noolaan doonto

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Cilmi-baarist samaeeyey ayaa lagu ogaaday, in si sax ah loo saadaalin karo, cimriga qofka iyadoo lagu salaynayo hab-dhaqankiisa maalinlaha ah, waxaana arrintaas muujinaya cilmi-baaris cusub oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Stanford.

Cilmi-baarayaashu waxay noloshooda oo dhan la socdeen hab-dhaqanka 81 kalluun oo ka tirsan nooca African killifish, iyagoo ku hayay haamo ay ku rakiban yihiin kamarado. Kalluunkani wuxuu noolaa muddo u dhaxaysa afar ilaa siddeed bilood.

Kadib markii ay falanqeeyeen balaayiin muuqaal ah, saynisyahannadu waxay awoodeen inay isku xiraan hab-dhaqannada maalinlaha ah iyo suurtagalnimada in kalluunku cimri dheer noolaado.

"Mid ka mid ah natiijooyinka ugu waaweyn ee daraasaddan ayaa ah in hab-dhaqanku qayb ka yahay geeddi-socodka gabowga," ayay BBC Science Focus u sheegtay cilmi-baare Dr Claire Bedbrook, oo ah khabiir ku takhasustay bayoolajiga iyo neerfaha.

"Tani waxay muujinaysaa in waxyaabaha ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah iyo hurdadu, inta lagu jiro wareegga 24-ka saacadood, ay inoo sheegi karaan halka uu qofku marayo geeddi-socodka gabowga, xitaa waxay saadaalin karaan mustaqbalkiisa."

Bedbrook waxay sheegtay in saynisyahannadu dhowaan awoodi doonaan inay "fahmaan oo cabbiraan halka uu qofku kaga jiro safarkiisa u dhexeeya qaangaarnimada iyo geerida."

Isla markaana, natiijooyinka daraasaddani waxay wax badan ka baran karaan geeddi-socodka gabowga ee xayawaannada leh maskaxda.

Cilmi-baarista kalluunka ayaa muujisay in bartamaha noloshooda, qiyaastii 70 ilaa 100 maalmood kadib dhalashadooda, kalluunka mustaqbalka cimriga dheer noolaan doona uu horey u lahaa hab-dhaqan ka duwan kan kalluunka goor hore dhiman doona.

Cilmi baarista Kalluunka

"Waxaan u malaynayaa inay runtii xiiso leedahay in aan awoodnay inaan qaadanno hab-dhaqanka xayawaan da'yar, ka dibna si sax ah u saadaalino da'diisa iyo inuu noolaan doono nolol dheer ama mid gaaban," ayuu BBC Science Focus u sheegay cilmi-baare Dr Ravi Nath, oo ah khabiir ku takhasusay neerfaha iyo hidde-sideyaasha.

Gaar ahaan, saynisyahannadu waxay ogaadeen kala duwanaansho ku saabsan hababka hurdada. Kalluunka ugu cimriga dheeraa wuxuu habeenkii seexan jiray, halka kalluunka cimrigiisu gaabnaa uu yaraantiisii maalintii hurdo badan seexan jiray.

Dhanka kale, kalluunka ugu firfircoonaa — kuwa maalintii si xooggan, dhaqso badan oo firfircoon ugu dabaalan jiray haamahooda — waxay u badnaayeen inay cimri dheer noolaadaan.

Saynisyahannadu waxay sidoo kale aqoonsadeen 100 nooc oo kala duwan oo "dhaqdhaqaaqyo hab-dhaqan" ah, kuwaas oo ah falalka yaryar ee isku dara hab-dhaqanka kalluunka killifish-ka. Qaar badan oo ka mid ah falalkaas ayay la xiriiriyeen muddada nolosha kalluunka.

Iyagoo adeegsanaya Mashiinada loo adeegsado waxbarashada, cilmi-baarayaashu waxay awoodeen inay si sax ah u saadaaliyaan cimriga kalluun kasta, iyagoo adeegsanaya xogta hab-dhaqankiisa xilliga dhexe ee noloshiisa.

"Waxaan markii hore u malayn jiray in gabowgu yahay geeddi-socod tartiib tartiib ah, oo maalin kasta ay xaaladdu ka sii xumaato maalintii ka horreysay," ayay tiri Bedbrook.

"Laakiin la socodka hab-dhaqanku wuxuu muujinayaa waqtiyo dheer oo xasillooni ah oo ay dhexgalaan isbeddello lama filaan ah, kuwaas oo xayawaanku si degdeg ah u gaboobaan oo ugu gudbaan marxalad cusub oo noloshooda ah."

Saynisyahannadu waxay sheegeen in cilmi-baarisyada mustaqbalka lagu samayn karo hab-dhaqanka kalluunka iyadoo lagu eegayo deegaan dabiici ah oo u dhow xaaladdiisa dhabta ah, taas oo siin karta fursad uu kalluunku si bulsho ahaan dabiici ah ula falgalo kalluunka kale.