Muxuu yahay go'aanka israa'iil ee xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iiran?

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Benjamin Netanyahu, shuruudaha xabbad joojinta kuma jirto joojinta weerarada Lubnaan

Xigashada Sawirka, Ronen Zvulun/POOL/AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa jira khilaaf cad oo ku saabsan in xabbad-joojinta u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ay sidoo kale ka dhigan tahay joojinta weerarrada ka dhanka ah Lubnaan.

Iiraan iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif,Labadaba waxay sheegeen in heshiiskan uu sidoo kale khuseeyo Lubnaan.

Pakistan ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadatay xabbad-joojintan.

Laakiin bayaan kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in xabbad-joojintan "aysan ku jirin Lubnaan."

Lubnaan gudaheeda, Israa'iil waxay la dagaallamaysaa ururka Hezbollah oo ay taageerto Iiraan.

Weerarada Israel ee Lubnaan

Toddobaadyadii u dambeeyay, Israa'iil waxay ciidamo dhulka ah u dirtay koonfurta Lubnaan, waxayna sheegtay inay sii jiri doonto gacan ku haynta aagga ka hooseeya Wabiga Litani ilaa khatar kasta oo ka timaadda Hezbollah si buuxda loo tirtiro.

Israa'iil waxay qaaday weerar ballaaran gudaha Lubnaan oo ka dhan ah meelaha ay aaminsan tahay inay gacanta ku hayaan Hezbollah. Weeraradan ayaa burburiyay guryo iyo tuulooyin, waxayna barakiciyeen boqolaal kun oo qof.

Israa'iil waxay sheegtay in dadkaasi aan loo oggolaan doonin inay dib ugu laabtaan ilaa Hezbollah ay ka baxdo.

Wax yar ka hor inta aan la shaacin xabbad-joojinta, Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in weerarro ay Israa'iil ku qaadday magaalada koonfureed ee Saida ay dileen siddeed qof isla markaana dhaawaceen 22 kale.

Hezbollah ayaa sidoo kale toddobaadyadii u dambeeyay si joogto ah gantaallo ugu tuuraysay Israa'iil.

Hogaamiyaha mucaaradka Israel Yair Lapid ayaa ku tilmaamay xaalada hadda jirta inay tahay “musiibo siyaasadeed” oo soo wajahday Israel.

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Hogaamiyaha mucaaradka ayaa dhaleeceeyay Netanyahu

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa'iil, Yair Lapid, ayaa dhaliilay Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu sida uu u maareeyay dagaalka.

Falcelintan ayaa timid kadib bayaan uu Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ku taageeray tallaabada xabbad-joojinta ee Madaxweyne Trump habeenkii xalay.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in xabbad-joojinta labada toddobaad ah aysan khusayn doonin Lubnaan, halka Iiraan iyo Pakistan labaduba ay sheegayaan inay khusayso Lubnan.

Lapid ayaa xaaladdan ku tilmaamay "musiibo siyaasadeed" oo ku dhacday Israa'iil.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa yiri: "Markii go'aanno laga gaarayay arrimaha aasaasiga ah ee amniga qarankeena, Israa'iil xitaa kama aysan qaybgelin miiska wadaxaajoodka."

"Ciidanku waxay qabteen wax kasta oo laga dalbaday. Dadweynuhu waxay muujiyeen dulqaad weyn, laakiin Netanyahu wuxuu ku fashilmay dhinaca siyaasadda, wuxuu ku fashilmay istaraatiijiyadda, mana uusan gaarin mid ka mid ah yoolalkii uu naftiisa u dejiyay," ayuu yiri.

Dhanka kale, ciidanka Israa'iil ayaa dadka ku nool magaalada koonfureed ee Lubnaan ee Tyre ka dalbaday inay si degdeg ah uga baxaan magaalada.

Waxay dadka ka codsadeen inay "isla markiiba ka baxaan guryahooda" oo ay u guuraan waqooyiga Wabiga Zahrani "si loo hubiyo ammaankooda."

Iiraan iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo shuruudaysan, muddadaas oo gaadiidka maraakiibta loo ogolaan doono marinka Hormuz.

Tani waxay ku soo beegantay in ka badan hal bil ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay weerarro xiriir ah ku qaadeen Iiraan, saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay "xadaarad dhan ayaa dhiman doonta caawa" haddii Iiraan aysan dib u furin marin biyoodka.

Trump ayaa sheegay inuu aqbalay "in la hakiyo duqeynta iyo weerarka Iiraan muddo laba toddobaad ah" haddii Tehran ay ogolaato inay dib u furto marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta shidaalka iyo dibad wax u dhoofinta kale ee Khaliijka.

Iiraan ayaa ogolaatay in maraakiibta ay maraan marin biyoodka Hormuz muddo laba todobaad ah, iyadoo maristooda ay isku dubarideen ciidamada Iiraan.