BBC-da oo booqatay Marinka Hormuz iyo wixii ay ku soo aragtay

Maraakiibta xammuulka ah ayaa sugaya oggolaansho ay ku gudbaan Marinka Hormuz.

Xigashada Sawirka, Jack Garland / BBC

    • Author, Nawal Al-Maghafi
    • Role, Senior international investigations correspondent, BBC World Service
    • Reporting from, Bandar Abbas, Iran
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dekedda Bandar Abbas ee koonfurta Iiraan, shaqada kalluumeysiga ayaa weli ka socota in kasta oo uu jiro khilaaf ka taagan Marinka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan caalamka. Kalluumeysatada ayaa sii wada shaqadooda xilli uu jiro kulayl daran, iyadoo ay qaarkood soo qabtaan libaax-badeed yaryar ama ay doonyo ku qaataan kalluun waaweyn.

Booqashadan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee suxufiyiin shisheeye ah loo oggolaado in ay booqdaan qaybta Iiraan ee marinkaas tan iyo markii uu khilaafku billowday. Kaddib weerarradii ay Mareykanka iyo Israa'iil qaadeen 28-kii February, Iiraan waxay ugu jawaabtay weerarro ka dhan ah Israa'iil iyo waddammada Khaliijka ee ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka, waxayna u isticmaashay gacan-ku-haynteeda Marinka Hormuz sidii aalad cadaadis ah.

Ciidammada IRGC ee Iiraan ayaa bilaabay in ay beegsadaan maraakiibta xammuulka ah ee isku daya in ay gudbaan oggolaansho la'aan, taas oo keentay in marinkaas uu gebi ahaanba xirmo, maraakiib badanna ay ku xayirmaan, iyadoo qiimaha saliidda caydhiin iyo kan tamartuna ay cirka isku shareereen caalamka oo dhan.

Sidaa darteed, Mareykanka wuxuu soo rogay xayiraad dhanka badda ah oo ka dhan ah maraakiibta ka timaadda marinkaas ee ay Iiraan oggolaatay, taas oo ka dhigtay aagga mid aad khatar u ah oo kalluumeysato badan ay shaqada ka fadhiisteen, halka kuwo kalena ay weli halis u galayaan noloshooda.

Kalluumeysatada ayaa dib u bilaabay kalluumeysiga xeebaha ku yaalla Bandar Abbas.

Toddobaadyo kaddib markii ay Iiraan ogolaatay in dib loo furo Marinka Hormuz taas oo qayb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo ay la gashay Mareykanka oo weli wada-hadalladiisu socdaan ayaa waxaa deggenaan laga dareemayaa badda, kalluumeysataduna waxay dib ugu laabteen shaqadooda.

Kalluumeyste la yiraahdo Abdol Rahman ayaa weheliyay kooxda BBC-da si uu u tuso saameynta khilaafku ku yeeshay nolosha magaalada Bandar Abbas iyo nawaaxigeeda, iyadoo intii ay marinka dhex marayeen la arkay labo ka mid ah maraakiibta xammuulka ee waaweyn ee ay ciidammada IRGC qabsadeen bishii Abriil xilligii uu khilaafku aadka u kululaa.

Maraakiibtan oo kala ah MSC Francesca oo ku dhex gooshaysay calanka Panama iyo Epaminondas oo sita calanka Liberia ayaan weli la siideyn, iyadoo Iiraan ay ku eedeysay inay khatar geliyeen amniga badda kaddib markii ay isku dayeen inay ogolaansho la'aan gudbaan. Sidoo kale, BBC-da ayaa aragtay maraakiib kale oo badan oo ku xayiran xeebta iyagoo sugaya oggolaanshaha mas'uuliyiinta Iiraan si ay u gudbaan. Rahman ayaa kooxda tusay dhowr saldhig ciidan oo qadiimi ah oo ku yaalla meel u dhow jasiiradda Hormuz, kuwaas oo la dhisay bilowgii qarnigii 16-aad, ilaa markii dambe sannadkii 1622 uu Shah Abbas ka eryay ciidamadii Portugal, iyada oo magaalada Bandar Abbas loogu magac daray hoggaamiyahaas.

Magaalada Bandar Abbas ayaa hadda ah xarun aad u muhiim ah dhanka ammaanka sababtoo ah waxay ku dhow dahay Marinka Hormuz, waana halka ay ku yaallaan xarumaha taliska ee ciidammada badda Iiraan iyo kuwa IRGC. Maaddaama ku dhowaad shan meelood oo meel saliidda cayriin iyo gaaska caalamka la dhoofiyo ay soo maraan marin-biyoodkan, magaaladani waxay door weyn ku leedahay dhaqaalaha adduunka; in kasta oo uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhowr jeer u hanjabay Iiraan, haddana xabbad-joojinta kaddib, Iiraan weli si buuxda uma furin marinkaas.

Khariirad muujinaysa Marinka Hormuz
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii ay kooxda BBC-da gaadheen magaalada Bandar Abbas, waxaa muuqatay in noloshu ay dib ugu soo laabaneyso si caadi ah, iyadoo dadkii barakacay ay guryahooda ku soo noqdeen, dukaamadii dib loo furay, waddooyinkana ay ku buuxiyeeb gaadiidka, halka suuqyada magaaladana ay ka buuxaan dad wax iibsanaya iyo kuwo wax iibinaya. Si kastaba ha ahaatee, raadadkii dagaalka ayaa weli si cad loo arki karaa; waddada Khushnoodi ee ku taalla gadaasha jaamacadda weyn ee Bandar Abbas, waxaa ku yaalla dhismayaal dhowr ah oo si daran u waxyeeloobay kaddib weerarkii ay Israa'iil qaadday 26-kii March. Dhismahaas oo kala badh dumay, shubkiisuna uu weli ka laadlaado calanka Iiraan, ayaa waxaa ku yaallay xafiisyo dhowr ah iyo guryo ay dad deganaayeen.

Faadumo oo ah 40 jir ganacsato ah kana shaqaynaysay dhismahaas ayaan joogin xilligii weerarku dhacay, waxayna xustay inay garanaysay dad badan oo dhismaha deganaa oo isugu jiray hooyooyin iyo carruur hurday markii la weeraray, kuwaas oo qaarkood ay badbaadeen halka saddex qofna ay ku dhinteen, iyadoo mid ka mid ah dadkaas uu ahaa sarkaal ciidan oo dhismaha la degganaa qoyskiisa.

Faadumo oo ah 40 jir ganacsato ah kana shaqaynaysay dhismaha uu weerarku burburiyay, ayaa sheegtay in qoysas badan ay deganaayeen halkan.

Xigashada Sawirka, Jack Garland / BBC

Ciidammada Israa'iil ayaa sheegay in weerarkaas lile lala beegsaday taliyaha ciidamada badda ee IRGC, Alireza Tangsiri, iyadoo afar maalmood kaddibna ay Iiraan xaqiijisay dhimashadiisa. Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in labo gantaal oo ku dhacay dhismaha ay ku dileen saddex qof, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen.

Ururka Bisha Cas ayaa xaqiijiyay in 261 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan ay ku dhinteen gobolka Hormozgan, oo ay magaalada Bandar Abbas xarun u tahay. Xogta ay ururisay hay'adda Acled ayaa muujinaysa in Mareykanku uu ugu yaraan 96 weerar ka geystay Bandar Abbas iyo nawaaxigeeda intii u dhaxeysay 28-kii Febraayo ilaa markii ay xabbad-joojintu dhaqangashay 8-dii Abriil.

Sida ay Acled sheegtay, in ka badan saddex meelood oo meel weeraradaas waxaa lala beegsaday xarumo ciidan oo ay ku jiraan saldhigyada IRGC, meelaha lagu kaydiyo gantaalaha, saadka ciidammada badda, iyo saldhigga ciidanka cirka ee garoonka Bandar Abbas, kuwaas oo intooda badan u dhowaa xaafadaha ay shacabku degan yihiin; si kastaba ha ahaatee, hay'addu waxay xustay in aanay awoodin inay xaqiijiso goobaha rasmiga ah ee lala beegsaday weeraradii kale ee hadhay.

Mehdi Nobani waa Duqa Magaalada Bandar Abbas

Xigashada Sawirka, Jack Garland / BBC

Weerarradii ay Mareykanka iyo Israa'iil qaadeen ayaa sababay dhimashada hoggaamiyayaal waaweyn oo Iiraan ah, oo uu ku jiro Hoggaamiyahii Sare Ayatollah Cali Khamenei, waxayna burburiyeen xarumo muhiim ah oo dhanka ciidanka iyo dhaqaalaha ah, iyagoo saameyn xooggan ku yeeshay barnaamijka nukliyeerka dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Duqa Magaalada Bandar Abbas, Mehdi Nobani, ayaa ku gacan saydhay sheegashooyinka ah in dagaalku uu daciifiyay Iiraan, isagoo u sheegay BBC-da in Israa'iil iyo Mareykanka anaay gaadhin yoolalkoodii dagaalka, oo uu ku jiray damacoodii ahaa inay beddelaan dowladda.

Wuxuu sidoo kale xusay in magacaabista Hoggaamiyaha cusub ee Sare, Mojtaba Khamenei oo ah wiilka Ali Khamenei, ay sii xoojisay midnimada dalka halkii ay kala qeybin lahayd, wuxuuna uga digay in haddii heshiiska xabbad-joojinta uu burburo ay Iiraan si degdeg ah u xidhi doonto Marinka Hormuz.

Dhanka kale, inta badan dadkii ku sugnaa suuqa oo ay BBC-du isku dayday inay wareysato ayaa diiday inay hadlaan, iyadoo qaarkood aanay sheegin sababta, halka kuwo kalena ay tilmaameen in aanay ku kalsooneyn habka ay warbaahinta reer galbeedku u muujiyaan sawirka dalka Iiraan.

Suuqyada Bandar Abbas, oo muddo dheer ahaa xarun ganacsi oo wax laga iibsado ayaa ahaa mid aad u mashquul badan xilligii ay kooxda BBC-du booqashada ku tagtay.

Xigashada Sawirka, Jack Garland / BBC

Ugu dambeyntii, gabadh dhallinyaro ah oo ka soo laabatay dalka Shiinaha ayaa u sheegtay BBC-da in ay Iiraan u soo laabatay si ay ula joogto ehelladeeda xilligii uu khilaafku jiray, iyadoo xustay in dadka reer Iiraan ay isku duubnaadeen si ay isu caawiyaan.

Dhanka kale, haweenay 55 jir ah oo la yiraahdo Fatemeh ayaa waddo yar oo suuq ah ku iibisa liinta, iyadoo suuqaas uu u qaybsan yahay qaybo kala duwan oo laga helo badeecado kala jaad ah sida kalluunka subaxdii laga keeno Khaliijka, timirta ka timaadda koonfurta Iiraan, qalabka korontada ee dibadda laga keeno, cadarrada, qalabka guriga, iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka ee dadka deegaanka Bandar.

Fatemeh ayaa sheegtay in wiilkeedu uu waayay shaqadiisa intii uu dagaalku socday, haddana ay ku nool yihiin oo keliya waxa ka soo gala ganacsigeeda yar, waxayna intaas ku dartay in aanay dooneynin dagaal oo ay baqdin dareemaan marka ay bam-gacmeedyadu soo dhacayaan, iyadoo ku eedeysay Trump in uu yahay kan doonaya dagaalka maaddaama uu weerar lama filaan ah ku soo qaaday, iyaguna aanay taasi marnaba rabin.

Fatemeh ayaa sheegtay in dadka ku nool Bandar Abbas ay argagax iyo cabsi weyn galeen markii ay billowdeen weeraradii Mareykanka iyo Israa'iil.

Xigashada Sawirka, Jack Garland / BBC