Dal doonaya inuu masas iyo yaxaasyo ku ilaaliyo xudduudiisa

Xigashada Sawirka, Kerala Kaumudi
Xubno ka tirsan Ciidanka Amniga Xuduudaha (BSF) ayaa la faray inay sahamiyaan suurtagalnimada isticmaalka xamaaratada sida abeesooyinka iyo yaxaasyada ee dhulka webiyada ee ku teedsan xuduudka Bangladesh si looga hortago soo dhex-galka iyo falalka dambiyada, sida lagu sheegay iqoraal la isugu diray gudaha ciidanka ilaalada xuduudaha Hindiya ee loo yaqaano BSF.
"Isticmaalka xamaaratada waxay waafaqsan tahay tilmaamaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Amit Shah", ayaa lagu sheegay qoraal ku taariikhaysan 26-ka Maarso oo laga soo diray xarunta BSF oo loo diray dhammaan qaybaha ciidanka ee fadhigoodu yahay xadka Bangladesh.
"Suurtagalnimada ah in la geeyo xamaaratada (sida abeesooyinka ama yaxaasyada) meelaha nugul ee jiinka webiga waa in la sahamiyaa oo laga eego qaab hawleed," ayay lagu yiri qoraalka. Thehindu.com ayaa arkay nuqul ka mid ah qoraalka.
Unugyada Ciidanka Amniga Xuduudaha (BSF) ayaa la faray inay sahamiyaan suurtagalnimada isticmaalka xamaaratada sida abeesooyinka iyo yaxaasyada ee dhulka webiyada ee ku teedsan xuduudka Bangladesh si looga hortago soo dhex-galka iyo falalka dambiyada, sida lagu sheegay qoraalka gudaha BSF la isugu diray.
Ma jirin wax jawaab ah oo ka soo baxay BSF.
Sarkaal ka tirsan BSF ayaa yiri, "Ilaa hadda amarkaas xamaaratada lama dhaqan gelin".
Qoraalka ayaa daba socday kulan 9-kii Febraayo ka dhacay xarunta BSF ee Delhi.
BSF waa ciidanka ugu horreeya ee ilaaliya xuduudaha Bangladesh iyo Pakistan. Qaybo badan oo ka mid ah xudduudda bari ee Bangladesh ayaa ugu nugul daadad, iyo qaab dhismeedka dhulkana wuxuu adkeynaya in la sameeyo deyrar. Maadaama meelahan ay dadku ku badan yihiin "isticmaalka xamaaratada" ayaa laga yaabaa inay khatar weyn u keento tuulooyinka labada dhinac ee xuduudka, gaar ahaan marka daadadka ay soo fatahaan.
Sida lagu sheegay warbixin 17-kii Maarso ay soo saartay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka u qaabilsan arrimaha gudaha, ayaa 4,096.7 km oo ah soohdinta ay labada dal wadaagaan waxay dawladdu ansixisay in laga dhiso dayr dhan 3,326.14 km. Masaafo dhan 2,954.56 km ayaa la ooday ilaa hadda. Ku dhawaad 371 km oo ka mid ah wadarta dhererka xadka ee la cunaqabateeyey ayaan weli la oodin.
Dhul adag
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka loo eego warbixin-sannadeedka 2024-25 ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xadka Hindiya iyo Bangladesh waxa uu maraa dhul adag sida buuraha, webiyada iyo dooxooyinka, haddana BSF waxa ay si weyn isugu daydaa inay xakamayso dhaqdhaqaaqyada xuduudaha ee sharci darrada ah iyo socdaalka sharci darrada ah ee Bangladesh.
"Si looga hortago tahriibka sharci darrada ah iyo dhaqdhaqaqyada sharci darrada ah, oo ay ku jiraan hawlaha qaranka ka soo horjeeda ee xuduudaha, Dawladda Hindiya waxay soo rogtay dhismaha xayndaabyada xuduudaha ee ay iftiiminayaan nalalka waaweyn ... meelaha aan baraha koontarool oollin waxay noqon doonaan kuwo loo raadiyo xal tikniyoolajiyadeed" ayaa lagu yiri warbixinta.
Qoraalka 26-kii Maarso ayaa intaa ku dartay in saldhigyada xuduudaha ee "meelaha mugdiga ah ama meelaha aan calaamadaha lahayn" ay tahay in la aqoonsado.
"Taliska bariga waa in uu sameeyo khariidado oo aqoonsado xarumaha xuduudaha (BOPs) ee ku yaala aagagga mugdiga ah ee ka maqan meelaha khadka isgaarsiintu gaaro uuna bixiyo xog faahfaahsan si ficil dheeraad ah loo qaado" ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa kale oo qoraalka lagu dalbaday faahfaahin ku saabsan kissaska la diiwaan geliyey ee dadka ku nool tuulooyinka xudduuda ku teedsan.











