Xuutiyiinta Yemen oo isku diyaarinaya inay u dhaqaaqaan dhanka Baab al-Mandab

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada Xuutiyiinta ee AnsarAllah ayaa lagu soo warramayaa inay diyaarinayaan hawlgal militari oo ay doonayaan inay kula wareegaan deegaannada ku yaalla xeebaha galbeed ee Yemen, kuwaas oo ka bilaabmaya Khokha, kuna sii jeeda Mocha ilaa Bab al-Mandab.
Ilo militari oo Xuutiyiinta ah ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka AFP, xilli Iran ay dalalka Khaliijka uga digtay inay wax taageero ah siiyaan ciidamada Mareykanka.
Xiisadda sii kordheysa ee gobolka Khaliijka ayaa sidoo kale saameysay xiriirka Imaaraadkaiyo Iran. Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan dhammaan ganacsiga iyo macaamilada maaliyadeed ee ay la leeyihiin Iran, iyagoo Tehran ku eedeeyay inay laba gantaal ku bartilmaameedsatay maraakiibta iyo isku socodka badda. Iran ayaa beenisay eedeyntaas.
Saameynta xiisadda ayaa sidoo kale gaartay oo sameynaysa dalxiiska iyo madadaalada Imaaraadka. Waxaa la baajiyay bandhig faneed ay Abu Dhabi ku qaban lahayd fannaanadda Mareykanka ah ee Christina Aguilera, halka sidoo kale la baajiyay xaflad muusig oo ka dhici lahayd Abu Dhabi, taas oo la qorsheeyay in ay madax ka noqoto fannaanadda caanka ah ee Shakira.

Xigashada Sawirka, Reuters
Iran oo uga digtay waddamada Khaliijka tallaabada ay qaadday Imaaraadka
Iyadoo xiisadda Badda Cas ay sii kordheyso, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, Sarreeye Gaas Cali Cabdollahi, ayaa Arbacadii uga digay dalalka Khaliijka inay wax taageero ama gargaar ah siiyaan ciidamada Mareykanka.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee Mehr, Abdollahi wuxuu sheegay in "gargaar kasta ama fududeyn kasta" oo loo sameeyo ciidamada Mareykanka loo aqoonsan doono inay tahay ka-qaybgal lagu taageerayo howlgallada milatari ee Mareykanka ka dhanka ah Iran.
Wuxuu sidoo kale sheegay in, sida uu aaminsan yahay, aysan macquul ahayn in tiro badan oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ah, gaar ahaan diyaaradaha shidaalka hawada ku shuba, ay ku sugnaadaan saldhigyada milatari ee gobolka iyadoo aanay dowladaha martigelinaya ka warqabin.
Digniintan Iran ayaa timid kaddib markii Imaaraadka Carabta ay Talaadadii ku dhawaaqeen in ilaa amar dambe la joojinayo dhammaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi, is-dhaafsiga iyo macaamilada maaliyadeed ee lala sameeyo Iran.
Tallaabadan ayaa dib u soo nooleynaysa xiisadda dhaqaale ee u dhexeysa labada dal, iyadoo Imaaraadka ay muddo dheer ahayd mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee Iran u sahla ganacsiga iyo adeegyada maaliyadeed.
Wasaaradda Difaaca ee Imaaradka ayaa sheegtay in laba gantaal oo ballistic ah laga soo riday Iran, kuwaas oo, sida ay qiimeysay, lagu bartilmaameedsaday maraakiibta iyo isu-socodka badda.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in labada gantaal ay ku dhaceen badda, ayna wax khasaare ah geysan.
Dhaqdhaqaaq ciidan oo ku wajahan xeebta galbeed
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, Muammar al-Iryani, ayaa AFP u sheegay in dowladdiisu heshay xog muujinaysa in Xuutiyiintu ay wadaan dadaallo ay ku ballaarinayaan gacan-ku-hayntooda xeebaha galbeed ee Yemen, isla markaana ay isku dayayaan inay la wareegaan jasiirado istiraatiiji ah oo ku yaalla Badda Cas. Sida uu sheegay, ujeeddadu waa in Xuutiyiintu xoojiyaan saameyntooda agagaarka Bab al-Mandab.
Al-Iryani wuxuu sheegay in arrintan ay ka muuqdaan waxa uu ku tilmaamay "ciidamo iyo qalab militari oo la ururinayo, iyo weerarro soo noqnoqday oo lagu qaadayo dekedaha, meelaha lagu xiro maraakiibta, kaabayaasha rayidka, maraakiibta iyo awoodda ciidamada badda ee dowladda."
Sidoo kale, Sarreeye Gaas Sadiq Dwaid, oo ah afhayeenka Ciidamada wax-iskacaabinta Qaranka ee ka howlgala xeebaha galbeed, ayaa sheegay in Xuutiyiintu doonayaan inay "saldhig ama meel ay ka soo galaan ka sameystaan Bab al-Mandab."
Wuxuu intaas ku daray in weerarradii ugu dambeeyay ay u muuqdaan kuwo looga golleeyahay in Xuutiyiintu gaaraan xeebaha marin-biyoodka, isla markaana ay halkaas ka abuuraan xaalad la mid ah tan ka jirta Marinka Hormuz.
Dhanka kale, saddex ilo militari oo Xuutiyiin ah ayaa AFP u sheegay in kooxda ay diyaarinayso "hawlgal militari oo ballaaran" oo lagu doonayo in lagula wareego dhulka ay hadda haystaan ciidamada dowladda Yemen ee ku yaalla xeebaha galbeed.
Deegaannada la sheegay in hawlgalku beegsanayo waxay ku fidsan yihiin Khokha, Mocha ilaa Bab al-Mandab, oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Hodeidah.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in ciidanka loo diyaariyay hawlgalkan ay ka kooban yihiin ku dhowaad 2,000 dagaalyahan, kuwaas oo loo diray fariisimo iyo jiidaha hore ee dagaalka ee gobollada Taiz iyo Hodeidah. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidankaasi wataan gantaallada Katyusha.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka Xuutiyiinta ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu bilowday hawlgal dhulka ah oo ka socda xeebaha galbeed.
Xuutiyiintu si toos ah uma maamulaan hadda deegaannada ku teedsan Marinka Bab al-Mandab, balse waxay gacanta ku hayaan Hodeidah oo ku taalla xeebta Badda Cas.
Toddobaadyadii u dambeeyayna waxay weerarro ka geysteen magaalada Mocha, oo ah magaalodekeddeeda, goobaha militari ee ku dhow marinka iyo jasiirado ay maamulaan ciidamada dowladda Yemen.
Xuutiyiintu waxay 20-kii July ku dhawaaqeen xannibaad dhinaca badda ah oo lagu bartilmaameedsanayo Sacuudiga. Hase yeeshee, waxay sheegeen in ujeeddadu aysan ahayn in guud ahaan la joojiyo maraakiibta maraysa Bab al-Mandab, balse ay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ay ku xidhiidhinayaan Boqortooyada Sacuudiga.
Bandhigyadii fannaaniinta Shakira iyo Christina Aguilera ayaa la baajiyay.
Xiisadda ka taagan gobolka ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay munaasabadaha madadaalada ee Imaaraadka Carabta . Tani waxay timid kaddib markii qabanqaabiyeyaasha xafladda muusigga ee "Off Limits" ee Abu Dhabi ay ku dhawaaqeen in la baajiyay munaasabaddii loo qorsheeyay inay dhacdo bisha November, iyadoo fannaanadda caanka ah ee Shakira ay ahayd xiddigta ugu weyn ee lagu waday inay ka qayb gasho.
Qabanqaabiyeyaashu waxay sheegeen in dadka horay u iibsaday tigidhada lacagtooda loo soo celin doono.
Farriin lagu daabacay bogga rasmiga ah ee xafladda ayaa lagu yiri: "Waxaan rajaynaynaa inaan mar kale isu keeno taageerayaasha Off Limits sanadka 2027." Hase yeeshee, qabanqaabiyeyaashu ma aysan sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in xafladda la baajiyo.
Dhanka kale, bogga iibinta tigidhada ee Ticketmaster ayaa sheegay in la baajiyay bandhig faneed ay qaban lahayd fannaanadda Mareykanka ah Christina Aguilera, kaas oo loo qorsheeyay inuu ka dhaco 25-ka September. Ilaa hadda lama shaacin taariikh kale oo bandhigga dib loogu dhigay, sida ay weriyeen warbaahinta Imaaraadka.
Labada munaasabad ee Off Limits iyo bandhigga Christina Aguilera ayaa markii hore loo qorsheeyay inay dhacaan April, balse markii dambe dib ayaa loo dhigay.















