Maxay tahay sabab ay caabuqyada waraabowga iyo jabtada u gaareen heerkii ugu sarreeya Yurub?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jabtada iyo waraabowga, iyo cudurrada kale ee galmada lagu kala qaado (STIs), ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay Yurub.
Tan waxaa lagu ogaaday daraasad ay samaysay Xarunta Yurub ee Ka Hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada (ECDC), taasoo muujinaysa in labada cudurba ay gaareen heerkoodii ugu sarreeyay in ka badan 10 sano sannadkii 2024.
Waxaa jiray 106,331 kiis oo jabto ah - taasoo ah koror 303% ah tan iyo 2015 - halka waraabowga uu ka badan labanlaabmay isla muddadaas ilaa 45,557 kiis.
Hay'adda caafimaadku waxay tilmaamtay in "faraqa sii kordhaya ee baaritaanka iyo ka hortagga" ay qayb ahaan sharraxayso kororka caabuqyada waxayna ku baaqday in tallaabo degdeg ah la qaado si loo xakameeyo xaaladda.
"Caabuqyadani waxay sababi karaan dhibaatooyin halis ah, sida xanuun muddo dheer ah iyo dhalmo la'aan, iyo haddii kugu dhaco waraabowga, dhibaatooyinka wadnaha ama habdhiska neerfaha," ayuu yiri Bruno Ciancio, agaasimaha qaybta cudurrada faafa ee tooska ah iyo kuwa laga hortagi karo tallaalka ee ururka.
Wuxuu intaas ku daray in kiisaska waraabowga lagu dhasho - halkaas oo caabuqu "si toos ah ugu gudbo dhallaanka cusub, taasoo keenta dhibaatooyin daba-dheer" - ay ku dhawaad laba jibaarmeen inta u dhaxaysa 2023 iyo 2024.
"Ilaalinta caafimaadkaaga taranka ayaa weli ah mudnaanta koowaad. Isticmaal kondhomyada lammaaneyaasha cusub, sidoo kalena raadso talo caafimaad haddii aad la kulanto wax calaamado ah oo caabuq ah," ayuu raaciyay.
Maxay tirakoobyadu muujinayaan?
Spain ayaa diiwaan gelisay tirada ugu badan ee kiisaska la xaqiijiyay ee jabtada iyo waraabowga ee wadamada Yurub ee ka qayb qaatay daraasaddan sanadkii 2024, iyadoo 37,169 iyo 11,556 kiis ay kala ahaayeen.
Xarunta ECDC waxay xustay in ragga galmada la sameeya ragga ay yihiin kooxda ugu badan ee ay saameysay, iyadoo muddo dheer ay sii kordhayaan cudurka jabtada iyo waraabowga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa kale oo ay sheegtay in si weyn uu u kordhay cudurka waraabowga ee dumarka isku jinsiga ah ee da'da dhalmada ku jira.
Inkasta oo chlamydia ay ahayd cudurka ugu badan ee bakteeriyada la soo sheego guud ahaan, kiisaska ayaa hoos u dhacay 6% tan iyo 2015 ilaa 213,443.
Dalka UK kama qayb qaadan sahanka tan iyo markii uu dalku ka baxay Midowga Yurub, inkastoo dawladdu ay sannad walba soo saarto tirakoobkeeda Ingiriiska.
Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Hay'adda Ilaalinta Caafimaadka ee UK oo la daabacay bishii December, waxaa jiray 71,802 kiis oo jabto ah Ingiriiska sannadkii 2024.
Muddadaas 12-ka bilood ah, waxaa la ogaaday 168,889 kiis oo ah chlamydia.
dalka UK ayaa soo saaray tallaalka jabtada sanadkii 2025 ka dib markii kiisaska ay gaareen rikoor 85,000 ah sanadkii 2023.
Maxay yihiin astaamaha lagu garto cuduradan?
Calaamadaha jabtada waxaa ka mid noqon kara xanuun, dheecaan aan caadi ahayn, iyo barar xubnaha taranka ah, inkastoo xaaladaha qaarkood aysan jirin calaamado muuqda.
Cudurkan waxaa looga hortagi karaa iyadoo si sax ah loo isticmaalo cinjirka galmada iyo in la is tallaalo haddii la heli karo, sida uu qabo nidaamka caafimaadka dadweynaha ee UK (NHS).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Calaamadaha cudurka Waraabowga waxaa ka mid ah nabaro ku wareegsan xubnaha taranka iyo afka, finan gacmaha ah, timaha oo daata, iyo calaamado u eg hargabka.
Way adag tahay in la ogaado marka hore waxayna soo muuqan karaan oo baaba'i karaan waqti ka dib.
Sida jabtada, waxaa looga hortagi karaa isticmaalka cinjirka galmada iyo daaweynta antibiyootikada.
Labaduba waxay sababi karaan dhibaatooyin halis ah haddii aan la daaweyn.
Maxay caabuqyada galmada lagu kala qaado ugu bateen Yurub?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xarunta Yurub ee Ka Hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada ECDC waxay ku sifeynaysa koror weyn oo ku yimid kiisaska jabtada iyo waraabowga ee Yurub sababo la xiriira arrimo bulsho, caafimaad iyo cudurro faafa.
Marka hore, waxay tilmaamaysaa isbeddellada ku yimaada dhaqamada galmada iyo qaababka gudbinta: koror suurtagal ah oo ku yimaada tirada lammaanayaasha, isticmaalka kondhomka oo hooseeya, iyo isbeddellada dhaqamada bulshada ka dib masiibada COVID-19.
Waxa kale oo ay iftiiminaysaa doorka barnaamijyada shukaansiga iyo kororka galmada ee aan habboonayn.
Isla markaana, hay'addu waxay qiraysaa in qayb ka mid ah kororka lagu micneyn karo ogaanshaha iyo baaritaanada kiisaska oo kordhay.
Waxay sharraxaysaa in dhowr waddan oo ka mid ah a kordhiyay, barnaamijyada baaritaanka iyo helitaanka baaritaanka bulshada oo la ballaariyay, taasoo suurtagelinaysa ogaanshaha caabuqyada hore looga yaabo inaysan muuqan.
Xarunta Yurub ee Ka Hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sii kordhaya faafitaanka cudurrada galmada lagu kala qaado ee Yurub ay saameyn weyn ku yeelan karto caafimaadka dadweynaha.
Mid ka mid ah arrimaha walaaca weyn ku haya khubarada waa iska caabbinta ama in daawada antibiyootiga wax u tari wayso bukaanka, gaar ahaan marka ay ku dhacdo jabtada.
Iyadoo la tixgelinayo xaaladdan, waxay ku talinaysaa in la xoojiyo istaraatiijiyadaha qaranka ee ka hortagga cudurrada galmada lagu kala qaado iyo in la cusbooneysiiyo qorshayaasha jira.










