Maxaa ka jira in Soomaaliya ay diidday isbeddelka cusub ee uu qorsheynayo WhatsApp?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Warar soo baxay ayaa sheegayay in Soomaaliya ay ku biirtay dalal ka biyo diidey isbeddel cusub oo shirkadda baraha bulshada ee Meta ay ku dhawaaqday in ay kusoo kordhineyso adeegga lagu xiriiro ee What'sApp.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu tiirsan adeegga isgaarsiinta What'sApp ayaa la sheegay in diidmadeeda ay u cuskatay walaac ay ka qabto saameynta isbeddelkan cusub uu ku yeelan karo amniga iyo dhiirrigelinta dambiyada abaabulan.

Sarkaal ka tirsan Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo BBC la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya aysan gebi ahaanba diidin isbeddelka, balse ay shirkadda ka codsadeen inay wada-hadlaan kahor inta aan la dhaqan-gelin taas oo sida uu sheegay ay shirkadda oggolaatay.

WhatsApp ayaa bishan bilaabay inuu u oggolaado dadka isticmaala inay kaydsadaan magacyadooda ay doonayaan inay ku isticmaalaan bartan, isbeddelkan oo la filayo inuu dhaqan-galo dabayaaqada sanadkan, taasoo qayb ka ah dadaalka Meta ee ah in 3 bilyan oo isticmaale oo barnaamijka farriimaha ku jira ay isku xirmaan iyagoon isdhaafsan lambarrada taleefanka.

Toddobaadkii hore, Hindiya waxay weydiisatay Meta inay dib u dhigto soo bandhigidda muuqaalkan cusub, iyadoo ka cabsi qabta inay kicin karto khiyaanada internet-ka. Iyadoo ay jiraan in ka badan 600 milyan oo isticmaaleyaal ah, Hindiya waa suuqa ugu weyn ee WhatsApp.

Soomaaliya ma aysan shaacin sababaha rasmiga ah ee ay uga codsatay Meta inay ka wada hadlaan kahor inta aan la dhaqan-gelin isbeddelkan, balse khubarrada qaar ayaa u aaneynaya sababo dhanka amniga ah, gaar ahaanna falalka argagixisada iyo dhanka burcadda internet-ka.

Kooxda al-Shabaab ayaa muddo ku dhow 20 sano ka jirta Soomaaliya, iyadoo weerarro ka fulisay gudaha iyo dibadda dalka.

Muxuu yahay isbeddelka WhatsApp?

Teknolojiyad

Xigashada Sawirka, WhatsApp

WhatsApp ayaa diyaar u ah inay dadka u oggolaato inay sheekaystaan iyagoon u baahnayn inay shaaciyaan lambarkooda taleefanka - iyagoo beddelanaya magacyadoodo gaarka ah.

Waxay dunida oo dhan gaaraysaa bilaha soo socda taa oo ay ka faa'iideysan doonaan saddex bilyan ee qof ee haysta akoonnada barnaamijka, sida ay sheegay shirkaddu.

Toddobaadkan, isticmaalayaashu waxay bilaabi karaan inay magac u kaydsadaan abka, inkastoo aysan qasab noqon doonin.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadku ay awood u yeelan doonaan inay ka saaraan ama beddelaan magacyadooda wakhti kasta.

Marka si buuxda loo hawlgeliyo, isticmaalayaasha WhatsApp waxay awoodi doonaan inay isku xirmaan ka dib markay is dhaafsadaan magacyadooda oo keliya. Wali waxaa jiri doona ikhtiyaarro lagu xannibo ama lagu soo sheego farriimaha aan loo baahnayn.

Magacyadu waxay ku koobnaan doonaan 35 xaraf waxaana jiri doona xaddidaadyo yar, marka laga reebo qaar ka mid ah dadka mansabka leh iyo dadka caanka ah oo aan magacyadooda looogolaan doonin cid kale.

Teknolojiyad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah walaacyada laga qabo ayaa waxaa ka mid ah amniga internet-ka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markaa waxay u badan tahay in WhatsApp u xadidoono in ay jiraan dadyoow xad dhaaf ah oo ku qoran kara akoonkooda Donald Trump, tusaale ahaan.

Shirkadda ay leedahay Meta waxay magacyada isticmaalayaasha ku tilmaantay astaan sir ah.

Alice Newton-Rex, oo ah madaxa wax soo saarka WhatsApp, ayaa sheegtay in ay ka maqashay isticmaalayaasha in aysan mar walba rabin in ay la wadaagaan lambarada taleefanadooda si ay ula xiriiraan dadka kale, gaar ahaan kuwa wada sheekeysiga ah.

Waxay sheegtay in ay rajaynayso in sifada ay "siisay isticmaalayaasha koontaroolka sida ay u dooranayaan" app-ka.

Khubarrada qaar ayaa sheegaya inay khatarro ka dhalan karaan isbeddelkan cusub.

"Halista waxaa ka mid ah qofka isagaa awooda magaca af-garashada, waxaan awoodaa inaan isticmaalo wax walba, wax i xaddidaya ma jirto," ayuu yiri Saciid Xaaji Yaasiin oo ah khabiir dhanka amniga Internet-ka ah oo arrintan si dhow ula socdey.

Wuxuu sheegay in shirkadda Meta aysan kala tashan dowladaha markii ay soo kordhinayeen isbeddellada, balse haatan ay ka war sugayaan falcelinnada dalalka.