Maxay tahay sababta calamada Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq aan dhulka loo dhigin Koobka Adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Calamada Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq lama dhigin dhulka intii lagu jiray xafladda ka hor kulamada Koobka Adduunka, sababtoo ah waxay xambaarsan yihiin qoraallo diini ah.
Ka hor kulan kasta oo tartanka ah, calan weyn oo matalaya waddan kasta ayaa lagu soo bandhigaa garoonka oo dhulka la goglaa.
Badanaa calamada waxaa lagu fidiyaa dhulka marka ay xulalku soo galayaan garoonka, kaddibna waa la laabaa oo dibadda ayaa looga saaraa ka hor inta aan la ciyaarin heesaha calamada qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, habraacani wuu ka duwanaa kulamada ay dheeleen Sacuudi Carabiya ama Ciraaq.
Kulamada ay ka qaybgalayeen labadaas dal, calamada ayaa kor loo qaaday oo lagu hayay hawada, iyadoo aan marnaba la taabsiin dhulka, si loo muujiyo ixtiraamka qoraallada diineed ee ku qoran calamadooda.
Calamada Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq waxaa si gaar ah loogu ilaaliyaa loona xushmeeyaa, sababo xambaarsan qoraallo diini ah.
Calanka Sacuudi Carabiya waxaa ku qoran Shahaadada Islaamka: "Laa ilaaha illallaah, Muxammadur Rasuulullaah", taas oo ku qoran korka seef ku taal calanka.
Dhanka kale, calanka Ciraaq waxaa ku qoran Takbiirta oo ah weedha Carabiga ah "Allaahu Akbar" . Weedhan ayaa Muslimiintu u adeegsadaan salaadaha, munaasabadaha farxadda iyo sidoo kale aadaanka dadka loogu yeedho salaadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraalka ku yaalla calanka Ciraaq wuu ka yar yahay kan ku qoran calanka Sacuudi Carabiya, balse mabda'a guud waa isku mid — waa fariin diini ah oo xurmo leh oo si joogto ah ugu qoran calanka qaranka.
Sababtoo ah labada calan waxay ku qoran yihiin ereyo ka tirsan salaadda iyo cibaadada Islaamka, laguma talinayo in loola dhaqmo sida wax caadi ah—tusaale ahaan in dhulka lagu firdhiyo, lagu dul fariisto, loo isticmaalo sida Shukumaan, ama si aan nidaam lahayn la isugu duubo—taas waxaa lagu tiriyaa ixtiraam-darro ku timaadda dhaqanka Islaamka.
Arrintan ma aha mid la mid ah diidmo calan qaran oo lagu gubo ama lagu tumanayo si loo caayo waddan, balse waxa loola jeedaa ilaalinta karaamada erayada ku qoran calanka.
In qoraallo diini ah dhulka lagu tuuro ama wasakh la geliyo waxaa loo arkaa aflagaaddo diinta ka dhan ah, ee ma aha oo keliya wax dalka lagu caayo.
Marka la eego Sacuudi Carabiya, arrintu intaas way ka sii adag tahay. Calanka Sacuudiga lama oggola in uu dhulka ama biyaha taabto, sidoo kalena hoos looma dhigo, maadaama taas loo arko mid hoos u dhigaysa Shahaadada Islaamka lafteeda.
Taageerayaasha, ciyaartoyda, iyo warbaahinta labada dal ayaa lagu wargeliyay in calamadahani leeyihiin laba macne—mid qaran iyo mid diini ah—sidaas darteedna loo maareeyo si gaar ah oo xushmad leh.
Ka hor kulan kasta oo tartanka ah, calan weyn oo matalaya waddan kasta ayaa lagu soo bandhigaa garoonka oo dhulka la goglaa.
Badanaa calamada waxaa lagu fidiyaa dhulka marka ay xulalku soo galayaan garoonka, kaddibna waa la laabaa oo dibadda ayaa looga saaraa ka hor inta aan la ciyaarin heesaha calamada qaranka.
Koobka adduunka ayaa hadda maraya meel xasaasi ah oo ay kox walba ay si gaar ah u dadaalayso.
Waxaa la marayaa marxaladda loogu gudbayo wareegga 16-ka kooxood oo ah mid ka mid ah wareegyada ugu muhiimsan xilligan, waxaana durba ka haray tartanka qaar ka mid ah dalalka Carabta.














