You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Siyaabo aadan weligaa ku arkin "Cali Dheere"
Jilaaga caanka ah ee ka tirsan Boolywood-ka, Amitabh Bachchan oo 80 jir noqonaya 11-ka bishan ayaa waxaa dib u eegis lagu sameynayaa aflaantiisii hore ee uu jilay. Bandhigyo dhif ah oo lagu xusayo jilaaga ayaa ka socda dalka Hindiya.
Maalmo ka hor waxaa la billaabay munaasabadihii ugu horreeyay ee lagu xusayo xirfadda Amitabh Bachchan, gaar ahaan filimadiisii hore ee taariikhiga ahaa, waxaana munaasabadaha soo qabanqaabisay hay'ad aan dowli aheyn oo lagu magacaabo Film Heritage Foundation.
Ilaa 22 shaleemo oo ku yaalla 17 magaalo oo Hindiya ka tirsan ayaa lagu qabanayaa xafladaha lagu xusayo xiddigga ruugcadaaga ah.
Hay'addan aan dowliga aheyn waxaa hogaaminaya Shivendra Singh Dungarpur oo ah filim sameeye ku takhasusay keydinta filimada, kuna guuleystay abaalmarin, wuxuuna safka hore uga jiraa dadaalka lagu ilaalinayo 60 ka mid ah filimada Bachchan ee lagu keydiyay magaalada Mumbai.
Keydka Mumbai ayaa helay aqoonsi caalami ah oo heer sare ah, sida uu sheegay agaasime Christopher Nolan.
Bandhigyada waxaa sidoo kale qeyb ka ah ilaa 50 sawir, oo inta badan laga soo xigtay keydka SMM Ausaja, oo taariikhyahan dhanka filimada ah, sidoo kalena ah qoraa keydiya xusuusta.
Mr Ausaja waxa uu arurinayay filimada muddo soddon sano ah, waana qoraaga buugaag badan oo uu ka mid yahay buug uu ku eegayo shirkadda aflaamta Hindiya ee Bollywoodka.
Halkan waxaan idiinku soo gudbineynaa sawirro dhif ah oo ku saabsan nolosha jilaaga caanka ah, Amitabh Bachchan.
Sawirkan Amitabh Bachchan iyo xaaskiisa Jaya Bhaduri waxaa la qaaday xilliggii bandhig-faneedka Abhimaan oo uu isku soo dabariday Hrishikesh Mukherjee.
Filimka Hrishikesh Mukherjee wuxuu iska dhigayay nin aan kalsooni badan qabin oo u adkeysan waayay guusha ay gaartay xaaskiisa, waxaana filimkaas atariisho ka ahayd Jaya.
Filimkan ayaa waxa uu soo baxay sanadkii 1973, bil kaddib markii ay is guursadeen Bachchan iyo Bhaduri, waxayna guulo ka gaareen shirkadda filimada qiimeysa ee Box-office-ka.
Ninka filimada dhaleeceeya, Jai Arjun Singh, ayaa ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu caansan filimadiisa islamarkaana waxa uu sheegay in Bachchan iyo Bhaduri ay leeyihiin codad qurux badan.
Filimka Abhimaan wuxuu kamid ahaa filmadii ugu horreeyay ee soo shaac baxay markii Bachchan uu bilaabay xirfaddiisa.
Agaasimaha sare ee Bollywoodka, Subhash Ghai ayaa Bachchan u doortay inuu jilo filim lagu magacaabo Devaa, kaasoo ugu dambeyntii meesha looga saaray sababo aan waligood la cadeyn.
Bachchan ayaa sida muuqata ku jilayay filimkan si sharci daro ah kaddib markii Ghai uu duubay muuqaallada qaar iyo filimka dance number.
Sawirkan waxa uu ka mid ahaa filimadii la duubay bartamihii 1980-meeyadii.
Ghai iyo Bachchan waligood ma wada shaqeynin kaddib mashruucan dhicisoobay.
"Waan ka qoomameynayaa in aanan wali awoodin in aan la shaqeeyo Amitabh Bachchan, waa qaladkeyga in filimka aanu ku guuleysan, waligey fursad kale ma helin," ayuu Ghai ku yiri wareysi uu bixiyay xilli dambe.
"Marar badan ayaan ku fikiray inaan filim la jilo, laakiin marka uu yahay 'Amitabh Bachchan', waxaad u baahan tahay inaad hesho mashruuc cadeynaya maqaamkiisa iyo doorkiisa," ayuu yiri.
Sawirkan Bachchan oo ku tilmaamayay nin xun, waxaa jilay Ranjit-waxaana lagu soo bandhigay filimkii 1973 ee Bandhe Haath (Gacmo xiran), waxaana filimka agaasime ka ahaa OP Goyal.
Bachchan wuxuu matalayay nin tuug ah, waxaana xiiso badan lahaa dambiga iyo ciqaabta uu kula kulmayo arrintaas. Wuxuu ka mid ahaa filimadiisii hore ee aan ku wanaagsanayn Boxoffice-ka.
Sawirka Bachchan iyo Atariishada Raakhee ayaa la qaaday xilligii la duubayay filimkii la jilay 1979-kii ee la magac baxay Jurmana (Ciqaab), waxaana agaasime ka ahaa Hrishikesh Mukherjee.
Jurmana waxa uu ka mid ahaa siddeedii filim ee Mukherjee iyo Bachchan ay isla soo wada jileen.
Jilaagan ayaa mar sheegay in aanu "dareemayn inuu ammaan ku mutaystay wax qabadkiisii aflaamta Mukherjee, sababtoo ah waxa uu si fudud u samaynayey waxa uu tusiyay agaasimihiisii khibradda lahaa", sida uu sheegay Singh.
Sawirkan Bachchan iyo filim-qaadaha caanka ah ee Jal Mistry (bidix) ayaa waxaa la qaaday xilli ay bannaanka ku duubayeen Mard, oo ah filimkii la jilay 1985-tii, waxaana agaasime ka ahaa Manmohan Desai, kaasoo mas'uul ka ahaa inuu xiddigga ka dhigo halyeey soo shaac baxay islamarkaana helay suuq weyn.
Filimka Bachchan waxa uu ku jilaya wiil uu dhalay halgamaagii xoriyadda u soo dagaallamay si uu ula diriro maamulkii guumeysiga.
Nin dhaleecaynayay filimka xilliggaas ayaa qoray "in uu filimka ahaa mid aan wax muran ah dhalan... Wuxuu ahaa nin awood leh ".
Kani waa sawirka naadirka ee ah ee Bachchan, kaasoo laga qaaday markii la duubayay filimkii Hero Hiralal ee la soo saaray sanadkii 1998-kii, waxaana agaasime ka ahaa Ketan Mehta.
Sidoo kale waxaa ka dhex muuqda Mehta (bidix), atirishada lagu magacaabo Sanjana Kapoor (dhanka midig), majaajiliistaha Johnny Lever iyo soo saaraha filimada Gul Anand (midigta).
Xiddiga filimkan wuxuu ahaa Naseeruddin Shah oo filimka ku jilay isagaoo matalaya darawal bajaaj, wuxuuna la kulmay atariishaddii soo caanbaxeysay, markii dambena labadoodaba jaceyl ayaa dhexmaray.