Yaa maxkamadda geeyay dacwadda ka dhan ah doorashadii ka dhacday Galmudug?

Xigashada Sawirka, Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijada doorashadii isku sidkanayd ee dhammaadkii bishii hore ka dhacday degmooyinka dawlad goboleedka Galmudug.
Waxay maxkamaddu ku dhawaaqday in dib loogu laaban doono doorashada Galmudug, waxaana xukunka ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.
Dacwadda lagu baabi'iyay natiijada doorashada Galmudug, waxaa gudbiyay urur siyaasadeedka Towfiiq oo kamid ahaa ururradii ka qaybagalay doorashada, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Gudoomiyahooda Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan oo wareysi siiyay BBC-da.
"Anagaa dacwadda gudbinay. Natiijadii uu soo saaray guddiga doorashadu aan ka cabaneynaa", ayuu yiri mar uu la hadlayay BBC-da la hadlayay, isaga oo hadalkiisa sii raaciyay, "Gudoonka maxakamadda sare oo Soomaalidii oo dhan tusay kalsooni waan u mahadcelineynaa, qareenadii towfiiq oo juhdiga dheeraadka ah bixiyay iyaga waan u mahadcelinayaa ",
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dacwadda ay u gudbiyeen maxkamadda ay sulaysneed 'in la baalmaray habraacii loo jideeyay doorashada' ay tartankeeda qaybta ka ahaayeen, iyo 'intaasi horseeday in xornimadii iyo xalaashii doorashada uu dhaawac soo gaaro.
Isaga oo ka hadlay sida uu arko go'aanka maxkamadda ayuu yiri, "Runtii arrin aad iyo aad Soomaaliya oo dhan u soo dhawaysay weeye, ee maahan mid ururka Towfiiq oo kaliya ku kooban.... rajo Soomaaliyeed oo kor u kacday weeye. Hammigii ururada oo dhanaa kor u kacay," ayuu yiri Sheekh Shaakir oo wax laga waydiiyay sida ururkiisu u arko go'aanka ka soo baxay maxkamadda.
Waxa kale oo uu sheegay in cadeymo kala duwan oo ku aadan eedeymahaas ay qareenada ururkiisu u gudbiyeen maxkamadda. "Maqal iyo muuqaal iyo qoraal intaba way ahaayeen [cadeymuhu]', ayuu u sheegay BBC.
Maxay maxkamaddu u cuskatay laalista doorashada?

Xigashada Sawirka, Social
Doorashooyinkii ka dhacay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka ayay maxkamadda sare ee Soomaaliya laashay natiijooyinkoodii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay sheegtay maxkamaddu in go'aankeeda ay u cuskatay qodobo dastuuri ah iyo xeerka ama sharciga doorashada ee Soomaaliya ee la ansixiyay.
Gudoomiya Baashe Yuusuf oo go'aankaan ku dhawaaqay, ayaa yiri:
Go'aamada maxkamadda ayaa u dhacay sidatan: "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 82-aad ee sharciga doorashooyinka iyo mabaa'diida dastuuriga ah ee doorasho xor, xalaal iyo cadaalad ah. Maxkamaddu waxay go'aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee 30-ka Luulyo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug aan loo maamulin ama aan loo qabanin si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadu ay tahay mid aan ansax ahayn oo waxba kama jiraan ah"
Waxa kale oo uu sheegay in go'aankaan loo cuskaday "Iyadoo lagu saleynayo qodobka 27-aad ee sharciga doorashooyinka iyo waajibka guddiga ka saaran meel marinta iyo ku dhaqanka sharciga, maxkamaddu waxay go'aamisay in khaladaadkii dhacay ay ahaayeen kuwo aan la saxi karin isla markaana dhaawac weyn u geystay hufnaanta xornimada iyo xalaalnimada doorashooyinka, saameyn badanna ku yeeshay natiijadooda"
Qodob kale oo uu ka dhawaajiyay ayaa ahaa "Iyadoo la ilaalinayo xaqa ay muwaadiniinta u leeyihiin doorashooyin toos ah, xor iyo xalaal ah, isla markaana la fulinayo waajibaadka sharci ee ku xusan sharciga doorashooyinka, maxkamaddu waxay amartay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyika qaranka iyo soohdimaha inuu ku qabto wakhtiga ugu dhow doorashooyinka macquulka ah ee doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dolad-goboleedka Galmudug isagoo si dhameystiran u raacaya dastuurka dalka, sharciga doorashooyinka,sharciga dhismaha guddiga, iyo xeerka ururada iyo xisbiyada siyaasadda"
Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay qodob ah ee hay'adaha haatan xilka haya ay shaqada sii wadaan: "Iyadoo la tix-gelinayo danta guud ee maamulka iyo kahortagga firaaq maamul oo dhaawici kara adeegyada maamul, iyo xasiloonida dowlad-goleedka Galmudug, maxkamaddu waxay amartay in hay'adaha hadda jira ay sii hayaan xilka inta ay ka bedelayaan kuwa ku yimaada doorasho cusub oo loo qabtay si waafaqsan sharciga".
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa saddexdii bishaan August ku dhawaaqay natiijada doorashadii qof iyo cod ee lagu qabtay deegaanno ka tirsan Galmudug.
Xilligaas, ayaa waxaa natiijada cabasho ka muujiyay urur Towfiiq ee dacwadda gudbiyay, kaa oo saluugay nidaam loo qabtay doorashada.













