You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Doorasho xalaal ah ma ka dhici doontaa Jabuuti, aragtida mucaaradka iyo muxaafadka
Maalinnimada Jimcaha ayaa dalka Jabuuti waxaa ka dhacaysa doorashada madaxtinimada, waxaana ku tartamaya madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle oo ka sharaxan xisbiga UMP, iyo murashaxa xisbiga CDU Maxamed Faarax Samatar.
Qaar kamid ah ururrada mucaaradka ee wadankaasi ayaa qaaddacay doorashada, waxayna ku doodayaan in si cadaalada ah aan loo maamulaynin doorashada.
Daahir Axmed Faarax oo ka socda ururka siyaasadeedka MRD oo weraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in muddo dheerba aanay ka qaybgalin doorashada dalka, sababo la xiriirra heshiis uu sheegay in dawladdu uga baxda.
Dhanka Kalena, BBC waxay la hadashay xisbiga talada haya ee UMP, kaasoo meesha ka saaray doodda ururrada mucaaradka, wuxuuna sheegayaa in tartanku u furan yahay cid kasta.
Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan ayaa labada dhinac la xiriiray, wuxuuna ku hormaray Daahi Axmed Faarax oo ka socda urur siyaasadeedka mucaaradka, isagoo qaybta dambena ku waraysan doona Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo ah afhayeenka madaxweynaha talada haya, waxaana jawaabta ku horreynaya Daahir Axmed Faarax.