Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
"Waxaan ahay 96 jir, waxaana igu xiran 15 milyan oo qof": Ayeeyooyinka la wareegaya TikTok-ga
Lillian Droniak oo 96 jir ah, oo ay taageerayaasheeda baraha bulshada u yaqaanaan Ayeeyo Droniak, ayaa caan ka noqotay baraha bulshada bishii Juun ka idb markii ay sheegtay in guriga hawlgabka ee ay degan tahay uu ugu hanjabay in laga saari doono sabab la xiriirta in ay xaflado qabato.
Gurigu wuxuu goor dambe xaqiijiyay hanjabaaddaas, balse waxay Droniak la gaareen heshiis u oggolaanaya in ay sii waddo xafladaha balse aanay bixin karin cabitaannada khamriga ah.
Haweenaydaan oo ay ku xiran yihiin 15 milyan oo taageerayaal ah, Droniak waxay shakhsiyaddeeda ka dhigatay ganacsi faa'iido badan leh, iyada oo ka heleysa baraha bulshada lacag ku filan oo ay ku bixiso qarashka xarunta daryeelka ee ah 12,000 oo dollar oo u dhiganta 9,00o, oo gani bishii.
Ayeeyadan ka soo jeeda gobolka Connecticut ayaa ka mid ah haween badan oo da' ah oo ka hela sumcad lama filaan ah internet-ka, iyadoo inta badan dadka daawanaya ay yihiin kuwo da'doodu yar tahay oo xataa noqon kara carruurteeda carruurtooda.
Waxay soo jiidanaysaa dad cusub iyadoo ka hadasha mowduucyo kala duwan, laga bilaabo dharka iyo cuntada ilaa shukaansiga iyo arrimaha guriga. Xaaladaha qaarkood, caannimada ay ka heleen baraha bulshada ayaa xitaa haweenkan u horseedaysa inay helaan ujeeddo cusub oo nololeed.
"Waxaan muujinayaa in gabowgu aanu sidaas u xumayn"
"Mar walba waan ogaa inaan awood u leeyahay inaan caan noqdo, balse marnaba uma malaynayn in arrintaasi igu dhici doonto anigoo sagaashameeyada ku jira," ayay Droniak sheegtay.
Waxay sharraxday in wiil ay ayeeyo u tahay uu bilaabay inuu ka caawiyo soo gelinta muuqaalladeeda baraha bulshada sannadkii 2020, markii hore si ay isaga maaweeliyaan caajiska.
Waxay aaminsan tahay in sababta ay dadka u soo jiidato ay tahay inay dhallinyarada tusto in noloshu aanay dhammaan marka qofku gaboobo.
"Waxay u malaynayaan in dadka waayeelka ahi ay iska fadhiistaan oo derbi fiiriyaan, laakiin waxaan muujinayaa in gabowgu aanu sidaas u xumayn. Waan aqbalnaa gabowga, welina waan madadaalan karnaa. Aniguna weli xafladaha waan aadaa, mararka qaarkoodna bannaanka ayaan u baxaa," ayay tiri.
Wiilka ay ayeeyada u tahay ayaa wax ka beddela oo diyaariya muuqaallada xayeysiiska ah ee ay baraha bulshada soo dhigto, kuwaas oo ay ku jiraan iskaashiyo ay la leedahay shirkadaha cuntada iyo waxyaabaha quruxda lagu daryeelo.
Marka laga soo tago bixinta kharashka hoyga iyo daryeelka kalkaalinta ee xarunta ay deggan tahay, lacagta ay hesho waxaa sidoo kale qayb ka mid ah loogu shubaa sanduuq waxbarasho oo loogu talagalay carruurta ay ayeeyada u tahay.
Inkasta oo taageerayaasheedu ay mararka qaarkood ku aqoonsadaan goobaha dadweynaha, haddana waxay sheegtay in caannimadeedu ay si ka duwan uga muuqato xarunta dadka waayeelka ah ee ay deggan tahay.
"Ma fahmaan arrintan, sababtoo ah TikTok ma isticmaalaan," ayay tiri.
"Aad ayaan uga taxaddaraa heshiisyada xayeysiiska ee aan shirkadaha caanka ah la galo"
Dhinaca kale ee Badweynta Atlaantik, waxaa joogta Viv Truran, oo ah haweeney 82 jir ah oo ka soo jeedda magaalada Cardiff, isla markaana caan ku ah kaftanka iyo farxadda.
Waxay bilowday inay muuqaallo iyo sawirro ku baahiso Instagram-ka kaddib markii uu geeriyooday seygeedu. Deriskeeda ayaa ku dhiirrigeliyay inay duubto muuqaallo muujinaya dharkeeda midabada badan leh.
Hadda waxay maalintii duubtaa laba muuqaal, iyadoo ku duubta qolkeeda jiifka oo ay ka dhigtay istuudiyo. Muuqaalladeeda waxay ku soo bandhigtaa dharkeeda, 22-ka lammaane ee muraayadaha indhaha iyo laba khaanadood oo ay ku kaydsato garbasaarrada.
"Subax kasta waan kacaa, umana soo dego dabaqa hoose ee guriga ilaa aan duubo muuqaalkayga subaxnimo. Arrintaas aad ayaan ugu adagahay," ayay tiri.
Waxay sidoo kale haysataa buug ay ku diiwaangeliso tirada dadka kala socda baraha bulshada iyo daawashada muuqaalladeeda, waxayna hadda ku jirtaa buuggeedii shanaad.
Truran waxaa si joogto ah u joojiya dad aanay aqoon oo waddooyinka kula kulma, kuwaas oo badankoodu ah haween da'doodu u dhexayso 20-meeyada iyo 30-meeyada. Waxay u sheegaan inay "ka baqayaan gabowga", iyaduna waxay tustaa in "gabowgu aanu sidaas u xumayn".
Shirkaduhuna way dareemeen caannimadeeda. Truran waxay sheegtay inay "doqonnimo ahaan lahayd" haddii ay diidi lahayd heshiisyada xayeysiiska, balse waxay si taxaddar leh u doorataa shirkadaha ay la shaqaynayso.
Waxay bishii samaysaa dhowr qoraal ama muuqaal oo xayeysiis ah, iyadoo mudnaanta siisa shirkadaha maxalliga ah iyo hay'adaha samafalka, sida Age UK, oo u adeegta dadka waayeelka ah ee UK.
Dhawaan ayay ka qayb qaadatay olole ay Age UK iska kaashadeen shirkadda cabbitaannada ee Innocent Drinks, kaas oo ay ku heshay dhowr kun oo giniga Ingiriiska ah.
"Waxaan diiday heshiisyo waaweyn qaarkood, sababtoo ah kuma habboona waxa aan aaminsanahay. Aad ayaan uga taxaddaraa cidda aan la shaqaynayo; waa inaan si dhab ah u jeclaadaa summadda shirkadda," ayay tiri.
"Waan ooyaa marka ay dad dunida dacalladeeda iga soo diraan farriimo"
Naomi Barker, oo ka tirsan hay'adda suuq-geynta dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ee We Are Social, ayaa sheegtay in dadka waayeelka ah ee waxyaabaha ku baahiya baraha bulshada ay soo jiitaan shirkadaha xayeysiiska.
Waxay sheegtay in dadkaasi inta badan leeyihiin bulshooyin si wanaagsan u dhisan oo si weyn daacad ugu ah, isla markaana leh awood wax-iibsi oo ka sarreysa tan bulshooyin kale. Arrintaasina, ayay tiri, waxay qiime weyn u yeelaysaa marka shirkaduhu doonayaan inay xayeysiis la sameeyaan.
Grace Geramita oo 83 jir ah ayaa malaayiin qof kaga xiran yihiin baraha bulshada, kuwaas oo daawada iyada oo diyaarinaysa cuntooyin ay tobannaan sano soo karinaysay.
Waxaa loo yaqaannaa Nonna Gracie. Waxay Talyaaniga uga soo guurtay Mareykanka iyadoo 18 jir ah, waxayna isku mar qaban jirtay shaqooyin kala duwan si ay u masruufto labadeeda gabdhood. Hadda waxay ka heshaa dakhli ka badan kii ay ka heli jirtay shaqooyinkii ay hore u soo qabatay.
Lix sano ka hor, wiilka ay ayeeyada u tahay, Matthew, ayaa soo jeediyay inay bilaabaan duubista muuqaallada iyada oo cunto karinaysa. Hase yeeshee, Geramita markii hore arrintaas dan kama lahayn, maadaama aanay waxba ka aqoon baraha bulshada, isla markaana aanay si fiican ugu hadlin afka Ingiriisiga. Si kastaba ha ahaatee, muuqaalladeeda ayaa si weyn caan u noqday.
"Mar kasta waan ooyaa marka dad ka kala yimid dunida dacalladeeda ay farriimo ii soo diraan," ayay tiri.
Qayb weyn oo ka mid ah waxyaabaha ay baahiso kuma koobna oo keliya cuntada. Waxay sheegtay inay doonayso inay jiilasha dambe u gudbiso dhaqanka qoyska oo miiska cuntada la isugu keeno, si xubnaha qoysku waqti u wada qaataan, una xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya.
"Muuqaallada ayeeyooyinka" ee taagarayaasha badan helaya
Barker oo ka tirsan hay'adda We Are Social ayaa sheegtay in tani ay qayb ka tahay sababta ayeeyooyinka caanka ka noqday TikTok ay dadka u soo jiitaan, maadaama ay "dadka u abuuraan dareen degganaansho iyo raaxo nafsi ah oo ay ka helaan dunidan aan la hubin waxa ka dhici doona".
Waxay sheegtay in waxyaabaha wanaagsan ee ay baahiyaan ay sidoo kale taageerayaashooda u noqon karaan "ayeeyo muuqaal ah" oo ay ka helaan kalgacal, daryeel iyo dareen qoys, inkasta oo aanay si toos ah u wada joogin.
Arrintani waxay si gaar ah run ugu tahay Barbara Costello. Haweeneydan oo 77 jir ah, horeyna macallimad u ahayd, ayaa hadda akoonnadeeda Brunch with Babs ku baahisa muuqaallo ku saabsan cunto-karinta, nadaafadda iyo xirfadaha maaraynta guriga.
Dadka kala socda baraha bulshada ayaa u sheega inay xusuusiso hooyooyinkood iyo ayeeyooyinkood, qaarkoodna waxay ugu yeeraan "hooyadii aanan weligay helin".
"Dhawaan, arday jaamacadeed ayaa makhaayad igula kulmay, waxayna ii sheegtay in buuggayga cunto-karintu uu ka caawiyay inay ka gudubto sannadkeedii koowaad ee ay si madax-bannaan u noolayd. Aad ayaan ugu farxay arrintaas," ayay tiri.
Costello waxay la shaqaysaa shirkado xayeysiis, balse waxay sheegtay inay si taxaddar leh uga fiirsato wax kasta oo ay magaceeda ku xirayso.
Waxay sheegtay in qaybta ugu wanaagsan ee ay tahay qof waxyaabo ku baahiya baraha bulshada ay tahay inay xafladaha saxiixa buugaagteeda kula kulanto ardaydii ay hore wax u bari jirtay, kuwaas oo hadda iyagu carruur leh.
"Waa daqiiqad muujinaysa sida ay noloshu meertadeeda ugu soo noqoto halkii ay ka bilaabatay. Runtii ma rumaysan karo in tani tahay noloshayda," ayay tiri.