Maxay saxaafadda Faransiisku ku haysataa Maxamed Bin Salman?

Xigashada Sawirka, Corbis via Getty Images
Waxaa qorshaysnayd Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu qaabilo Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo hoggaamiyaha dhabta ah ee boqortooyada Sucuudiga, Mohammed bin Salman, kaas oo booqasho laba maalmood ah ku tagaya Faransiiska. Booqashadan ayaa dhalisay dhaleeceyn uga timid ururrada saxafiyiinta, kuwaas oo ku tilmaamay "daandaansi".
Ururro dhowr ah oo ka tirsan saxafiyiinta Faransiiska ayaa Axaddii cambaareeyay booqashada Bin Salman ee Faransiiska, iyaga oo ku tilmaamay "daandaansi" ka dhan ah dadka u ololeeya xorriyadda saxaafadda.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ururrada SNJ (Ururka Qaranka Saxafiyiinta), SNJ-CGT, CFDT-Journalistes iyo SGJ-FO ayaa lagu yiri: "Kadib booqashadii hore ee July 2022, martiqaadkan cusub ee Emmanuel Macron u fidiyay Dhaxal-sugaha wuxuu u muuqdaa daandaansi loo geysanayo dadka u dooda xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka."
Ururradu waxay xuseen in dacwad ka dhan ah Mohammed bin Salman oo la xidhiidha "jidhdil iyo afduub khasab ah", taas oo ururrada TRIAL International iyo Reporters Without Borders (RSF) ay gudbiyeen 2021, kuna saabsanayd saxafigii Jamal Khashoggi, ay weli baadhitaan ku jirto, sida ay sheegtay AFP.
Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa soo xigtay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga oo sheegay in "booqashadu ku timid amarka Adeegaha Labada Masjid ee Barakaysan, Boqor Salman bin Abdulaziz, iyo iyada oo laga jawaabayo martiqaad uu Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron u fidiyay."
Mas'uul ka tirsan madaxtooyada Faransiiska ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo haddii heshiisyada la qorsheeyay ay ku jiri doonaan beerta madadaalada weyn ee "Dragon Ball", oo laga maalgelinayo sanduuq Sacuudi ah, laguna talinayo in laga dhiso deegaanka Val-d'Oise ee u dhow Paris.
Sacuudi Carabiya waxay sida oo kale isu diyaarinaysaa inay martigeliso dhacdooyin caalami ah oo waaweyn, gaar ahaan Expo 2030, ka hor Koobka Adduunka ee Kubadda Cagta 2034.
Sacuudi Carabiya, oo xulafo dhow Maraykanka la leh, isla markaana xidhiidh taariikhi ah oo cakiran la leh Iran, waxay si dhow ula socotaa xaaladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran kadib dagaalkii Maraykanka iyo Israa'iil.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la filayaa inay galabnimada Isniinta guddoomiyaan kulankii ugu horreeyay ee Golaha Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Sacuudiga iyo Faransiiska.
Sida laga soo xigtay xafiiska Macron, Macron iyo Dhaxal-suguhu waxay ka wada hadli doonaan "arrimaha waaweyn ee gobolka, xilli loo baahan yahay iskaashi dhow oo dhex marta Faransiiska iyo saaxiibbadiisa Khaliijka si loo xoojiyo xasilloonida iyo nabadda" Bariga Dhexe.
Khashoggi, oo ku noolaa Maraykanka kana soo horjeeday maamulka Sacuudiga, ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul sanadkii 2018, waxaana la waayay meydkiisa oo la jarjaray.
Sacuudi Carabiya waxay wajahday dhaleeceyn xooggan kadib dilka saxafiyagaa mucaaradka ahaa, waxaana hay'adaha sirdoonka Maraykanku tilmaameen in Mohammed bin Salman uu si toos ah uga masuul ahaa dilkaas.
Ururrada saxafiyiintu waxay sidoo kale sheegeen in 18 saxafi ay hadda ku jiraan xabsiyada Sacuudiga, sida lagu sheegay tirakoobka ururka Reporters Without Borders.
Dhaxal-suguhu wuxuu booqashadiisa bilaabay Axaddii isagoo ka qayb galay xafladdii xiritaanka Koobka Adduunka ee Isboortiga Elektaroonigga ah, iyada oo booqashadu sii socon doonto Isniinta. Qasriga Élysée ayaa Jimcihii saadaaliyay in booqashada lagu gaadhi doono "heshiisyo badan."
Dhanka diblomaasiyadda iyo amniga, wada-hadallada u dhexeeya Macron iyo Dhaxal-sugaha waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo dhowr ah, oo ay ugu horreeyaan xiisadda u dhexeysa Iran iyo Sacuudi Carabiya, xiritaanka marin-biyoodka Hormuz, colaadda Israa'iil iyo Falastiin, xalka laba dowladood, iyo xaaladda Lubnaan iyo Suuriya.
Madaxtooyada Faransiiska ma aysan caddeyn in wada-hadalladu ay taaban doonaan arrinta xuquuqda aadanaha.














