Farriin nuucee ah ayay diraysaa wafdiga uu Shiinuhu u diray aaska Ayutallah Cali Khamenei?

Wafdiga Shiinaha

Xigashada Sawirka, ghalibaf.ir

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xi Jinping waligiis ma xaadirin aaska hoggaamiyeyaasha shisheeye.

Xaqiiqdii, tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha sanadkii 1949, ma uusan dhicin arrinkaan marka laga reebo hal dhacdo: bishii Maarso 1980, Hua Guofeng, oo markaas ahaa guddoomiyaha Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, ayaa u safray dalkaas si uu uga qayb galo aaska Madaxweynihii Yugoslavia Josip Broz Tito.

Sababtan awgeed, cidda Shiinuhu u soo diro wakiilkeeda si uu uga qayb galo aaska hoggaamiyeyaasha shisheeye ayaa noqotay tilmaame siyaasadeed oo isbeddellada qarsoon ee xiriirka Beijing iyo waddamadaas lagala socon karo.

July 4, oo ku beegan sannad-guuradii 250-aad ee madax-bannaanida Mareykanka, aaska Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa lagu qabtay Tehran. Shiinuhu wuxuu He Wei, oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Dadweynaha Qaranka, u diray munaasabadda. Laba sano ka hor, markii Madaxweynihii hore ee Iiraan Ebrahim Raisi uu ku dhintay shil diyaaradeed, Beijing waxay Zhang Guoqing, oo xubin ka ahaa Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga iyo ku xigeenka ra'iisul wasaaraha, u dirtay Iran, isaga oo xilligaas ahaa ergey gaar ah oo ka socda madaxweynaha. Isbeddelka xaaladda wakiilka Shiinaha ka imaanaya oo markii hore ahaa Zhang Guoqing haatana He Wei waa mid aad muhiim u ah.

Laakiin isbadalkaan dusha sare ka muuqda waxaa ka dambeeya horumarro aad u adag oo ku saabsan xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka. Bilihii ugu dambeeyay, Mareykanka wuxuu qaaday duqeymo ballaaran oo ka dhan ah Iiraan, halka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu booqday Shiinaha, safar uu ku sameeyay qaab-dhismeed cusub oo loogu talagalay "xiriir istaraatiijiyadeed oo wax dhisaya oo deggan" oo u dhexeeya labada dal.

Fariin noocee ah ayuu isbeddelkan heerka matalaadda Shiinaha dirayaa? Sidee ayuu qaab-dhismeedka cusub ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka dib ugu qeexi doonaa booska Iiraan ee Beijing? BBC Chinese ayaa la hadashay khubaro ka socda Shiinaha, Iiraan iyo Yurub si ay uga jawaabanaan su'aalahan.

He Wei; wakiilka Shiinaha ee aaska Khamenei

Marka laga reebo ka qaybgalka Hua Guofeng ee aaska Tito, heerka ugu sarreeya ee matalaadda Shiinaha ee aaska shisheeye wuxuu ka soo bilaabmayaa aaska Joseph Stalin, kaas oo uu ka soo qayb galay Ra'iisul Wasaarihii Shiinaha ee xilligaas Chuen Lai. Intaa ka dib, u dirista wakiil xafladaha noocaas ah ayaa si tartiib tartiib ah qayb uga noqotay dhaqanka diblomaasiyadeed ee Shiinaha.

Marka laga hadlayo hoggaamiyeyaasha reer galbeedka, madaxweyne ku xigeenka Shiinaha waxaa badanaa loo diraa sida ergey gaar ah; tusaale ahaan, madaxweyne ku xigeenkii xilligaas Li Yuanchao wuxuu ka soo qayb galay aaska Ra'iisul Wasaarihii hore ee Singapore Lee Kuan Yew, madaxweyne ku xigeenkii xilligaas Wang Qishan wuxuu ka soo qayb galay aaska Boqoradda Elizabeth II ee UK.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkasta oo mas'uuliyiintani ay weli ku jiraan heerka ugu sarreeya ee dowladda, haddana ma aha xubno ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga waxaana loo arkaa inay leeyihiin "maqaam sare laakiin awoodooda fulineed ayaa xaddidan."

Taas bedelkeeda, waddamada xiriirka dhow la leh Shiinaha waxay badanaa diraan xubno ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga, mas'uuliyiin awood dhab ah leh. Tusaale ahaan, aaska hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-il waxaa ka soo qayb galay Zhang Dejiang, oo xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda, ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka Shiinaha.

Aaska Xoghayihii Guud ee Xisbiga Shuuciga ee Vietnam Nguyen Phu Trong waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wang Huning, oo xubin ka ah Guddiga Joogtada ah ee Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, kaas oo loo arkayay fal ka baxsan caadada.

Iiraan ayaa galaysa isla qaybtaas.

Bishii Maarso 2024, ka dib markii Ebrahim Raisi uu ku dhintay shil diyaaradeed, Beijing waxay u dirtay Zhang Guoqing si uu uga qayb galo aaskiisa. Mudane Zhang wuxuu xubin ka ahaa Xafiiska Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga, wuxuu ahaa ra'iisul wasaare ku xigeen, iyo ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Heerkan matalaadda ah wuxuu la mid ahaa heerka joogitaanka Shiinaha ee aaska Kim Jong-il wuxuuna muujiyay xiriirka dhow ee u dhexeeya Tehran iyo Beijing.

Laakiin laba sano ka dib, aaska Cali Khamenei, xaaladdu way is beddeshay.

Marka hore, aaska hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxaa la filayay inuu aad uga muhiimsan yahay kan madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, heerka matalaadda Shiinaha ayaa la dhimay, He Wei, oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Dadweynaha Qaranka iyo guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shaqaalaha Shiinaha iyo Beeralayda, ayaa ka qayb galay munaasabadda. Inkasta oo uu weli hayo jago sare oo ka tirsan dowladda, haddana ma aha xubin ka tirsan Xisbiga Shuuciga mana aha xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda. Intaa waxaa dheer, ma uusan wadan magaca "Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweyne Xi Jinping."

Munaasabaddan, Ruushku wuxuu u diray Dmitry Medvedev, Madaxweynihii hore iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Amniga ee hadda, inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha.