Ma waxaa loo socdaa dagaalkii III ee adduunka mise waa qiyaas laga badbadiyay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddo bil ka badan ayaa laga joogaa markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iiraan, waxaana sii kordhayay walaaca laga qabo in colaadda Bariga Dhexe ay isku beddesho mid aad u ballaaran.
Dagaalkani waxa uu saameeyay Iran oo kaliya, balse waxa uu sidoo kale saameeyay in ka badan 12 dal iyo gobolo kale, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Ciraaq, Baxrayn, Kuwait, Sucuudiga, Cumaan, Jamhuuriyadda Asarbayjan, Daanta Galbeed ee la haysto, Qubrus, Suuriya, Qatar, iyo Lubnaan.
Dad badan ayaa hadda is weydiinaya in khilaafkani uu ka gudbi karo heer gobol oo uu isu rogi karo dagaal caalami ah.
Goorma ayaa colaadi isu badashaa dagaal adduun?
"Dadku waxay u maleynayaan in dagaalada si taxadar leh loo qorsheeyay iyo in kuwa dagaal gala ay si sax ah u garanayaan waxa ay sameynayaan," ayay tiri Margaret MacMillan, oo ah borofisar ku takhasustay taariikhda caalamiga ah ee Jaamacadda Oxford ee UK, oo la hadashay barnaamijka "Sheekada Adduunka" ee BBC.
"Xaqiiqdii, haddii aad eegto dagaalladii hore, sida Dagaalkii Dunida ee koobaad, wax badan oo ka mid ah qodobbada ugu dambeyntii keenay waxay ahaayeen shil ay sababtay xisaab-xumo hal dhinac ka timid," ayuu tiri. "Mararka qaar waxaad u malayn kartaa inuu yahay dagaal iska caadi ah," ayay tiri.
Sida ay qabto Macmillan, dilkii Franz Ferdinand, oo ahaa dhaxal-sugaha Boqortooyada Australiya-Hungary, adeerna u u yahay Imbraadoor Franz Joseph, ayaa dhigay silsilad dhacdooyin ah oo horseeday dillaaca dagaalkii 1aad ee Adduunka 1914-kii.
Toddobaadyo gudahood, isbahaysi xiriir ah ayaa Yurub geliyey dagaal. Awstariya-Hungary ayaa ka dagaalantay Serbia, Jarmalku waxa uu taageeray Awstariya, Ruushku waxa uu isu abaabulay in uu taageero Serbia, Faransiiskuna waxa uu taageeray Ruushka, Ingiriiskuna waxa uu dagaalka u galay sharaf iyo dano istiraatijiyadeed.
Waxa ay sheegtay in wixii intaa ka dambeeyay ay noqdeen masiibo caalami ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Joe Maiolo, oo ah borofisar taariikhda caalamiga ah ka dhiga King's College London, waxa uu ku qeexay dagaalka adduunka dagaal baaxad leh oo ay ku lug leeyihiin dhammaan quwadaha waaweyn.
Waxa uu intaa ku daray: "Haddii aan ka hadalno dagaalka saddexaad ee aduunka, ma jirto rabitaan ka yimid Shiinaha ama Ruushka oo si toos ah u soo farageliya dagaalka, xitaa Yurub madooneyso in ay ku lugyeelato dagaalkaan."
Waxa uu aaminsan yahay in Shiinuhu uu qorshayaal kale ka leeyahay diblumaasiyadda uu la leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump: "Marka ninka kula tartamaya uu sameeyo khalad weyn oo istiraatijiyadeed, waa inaad daawato oo kaliya."
In kasta oo dagaalku saameyn ku leedahay isbedbedelka qiimaha saliidda, weli miyay danta Shiinaha ku jirtaa in aysan ciyaarin door diblomaasiyadeed?
Mr. Maiolo ayaa sheegay in tani ay tahay kharash yar: "Marka la eego danaha istaraatiijiyadeed ee ballaaran, ka qaybgalka Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa aad uga muhiimsan kheyraadka saliidda ee Shiinaha."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaalinta hugaamiyaasha
Moscow ayaa ka hadashay iskaashiga ay la leedahay Iran, xiriirkan kuma qasbayo Ruushka inuu taageero militari siiyo Iran.
McMillan waxa ay sheegtay in kibirku uu door ka qaadan karo go'aamada hoggaamiyeyaasha, iyada oo farta ku fiiqday Putin: "Waxa uu si cad u sameeyay khalad weyn oo uu isku dayay in uu ku duulo Ukraine.
Wax yar ka dib markii uu billaabay duullaan ballaaran afar sano ka hor, Putin waxa uu sheegay in hadafkiisu uu ahaa "in uu ka saaro militariga" Ukraine, laakiin Ms McMillan ayaa sheegtay in Ruushku uusan weli gaarin hadafkiisa milatari ee Ukraine.
Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa ku qiyaastay in Ruushka ay soo gaartay 1.25 milyan oo dhimasho iyo dhaawac ah, tiradaas oo ah mid aan la dhayalsan karin, ayaa ah weli ka badan tirada guud ee dhimashada Mareykanka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.











