Muxuu yahay heshiiska Trump u gudbiyay Congress-ka ee Sacuudigu ku aqoonsan karo Israa'iil?

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Kongareeska u gudbiyey heshiis la soo jeediyey oo Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ay ku wada shaqeynayaan tamarta nukliyeerka ee rayidka ah, isaga oo ku adkaystay in heshiisku aanu dhaqan geli doonin ilaa boqortooyadu caadiyeyso xidhiidhka ay la leedahay Israa'iil.

Sarkaal ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa Reuters u sheegay Talaadadii in heshiiskan, oo la gaadhay bishii July, uu shirkadaha Maraykanka u oggolaanayo inay Sacuudi Carabiya u dhoofiyaan tiknoolajiyada nukliyeerka ee rayidka ah.

Sida uu sarkaalku sheegay, heshiiska ayaa Isniintii loo gudbiyey Kongareeska. Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa diiday in magaciisa la adeegsado, sida ay werisay warbaahinta Reuters.

Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Washington ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi ay Reuters kaga dalbatay inay arrintan faallo ka bixiso.

Ma cadda sida Trump uu u arko in heshiiska nukliyeerka loo gudbiyo Kongareeska, kuwaas oo haysta 90 maalmood oo fadhiyo ah si uu u eego, inay gacan ka geysanayso himilooyinkiisa siyaasadeed.

"Mowqifka madaxweynaha isma beddelin, heshiiskuna wuxuu horay u socon doonaa oo keliya haddii Sacuudi Carabiya ay ku biirto Heshiisyada Abraham," ayuu sarkaalkan Maraykanku ku sheegay email uu u diray Reuters.

Heshiisyada Abraham waa heshiisyo uu Maraykanku dhexdhexaadiyey, kuwaas oo loogu talagalay in Israa'iil iyo dalal Carbeed iyo kuwo Muslimiin u badan ay caadiyeeyaan isla mar ahaantaana aqoonsadaan Israa'iil.

Heshiisyadan oo la gaadhay sannadihii 2020 iyo 2021 ayaa xidhiidh rasmi ah u sameeyey Israa'iil iyo Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Suudaan.

Maalmo kadib markii heshiiska nukliyeerka ee Sacuudi Carabiya la isku afgartay bishii July, Trump, oo xilligiisii hore ee madaxweynenimada sidoo kale ka shaqeeyey heshiis la mid ah kan, ayaa ku xidhay hirgelinta heshiiska in Sacuudi Carabiya ay caadiyeyso xidhiidhka ay la leedahay Israa'iil.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa isaguna hore u riixayey heshiis nukliyeer, wuxuuna doonayey in sida oo kale uu qayb ka ahaado Heshiiska Abraham Accords.

Diblomaasiyiin ayaa rumaysnaa in Sacuudi Carabiya ay sannadkii 2023 ku dhoweyd inay caadiyeyso xidhiidhka ay la leedahay Israa'iil, balse dagaalka Israa'iil ee Gaza oo billowday bishii Oktoobar ee sannadkaas ayaa wax ka beddelay xaaladda.

Sacuudi Carabiya ayaa ku adkaysatay inay Israa'iil aqoonsan doonin ilaa la helo waddo aan laga noqon karin oo horseedda dhismaha dowlad Falastiini ah.

Heshiiskan nukliyeerka oo soconaya 30 sano ayaa dhigaya in Sacuudi Carabiya laga dhiso warshado nukliyeer ah oo nooca AP1000 ah. Mashruucan oo qiimihiisu gaadhayo tobannaan bilyan oo doolar ayaa faa'iido u noqon doona shirkadda Westinghouse, oo ay si wadajir ah u leeyihiin shirkadaha Cameco ee Kanada iyo Brookfield Asset Management.

Laba ilo wareed oo Kongareeska ka tirsan ayaa sheegay in heshiiska loo gudbiyey hoggaamiyeyaasha Kongareeska, isla markaana la filayo in Arbacada loo gudbiyo guddiyada ay khuseyso.

Haddii Kongareesku aanu diidin 90-ka maalmood ee fadhiyadaas gudahood, heshiisku wuxuu ahaan karaa mid dhaqan geli kara.

Haddii Kongareesku diido heshiiska, Trump wuxuu awood u leeyahay inuu diidmadaas ku sameeyocodka qayaxan. Si Kongareesku uga gudbo go'aankaas, waxaa loo baahan yahay taageerada saddex-meelood laba meel xubnaha Kongareeska.

Qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga iyo dadka u ololeeya ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka ayaa dhaliilay heshiiskan.

Waxay walaac ka muujiyeen inuusan heshiisku Sacuudi Carabiya ka mamnuucayn kobcinta uranium-ka ama dib-u-warshadaynta qashinka nukliyeerka, kuwaas oo ah laba hannaan oo loo adeegsan karo horumarinta hub nukliyeer ah.