Dayaxgacmeedka Artemis II oo sawirro cajiib ah ka soo diray meel u dhaxaysa dhulka iyo dayaxa

.

Xigashada Sawirka, Nasa/Reid Wiseman

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Hay'adda NASA ayaa sii deysay sawiradii ugu horreeyay ee aadka u tayada sarreeya ee dhulka loo soo diro oo ay qaadeen shaqaalaha Artemis II markii ay marayeen barta kala barka ah ee u dhaxaysa dhulka iyo dayaxa.

Madaxa howlgalka, Reid Wiseman, ayaa qaaday sawirada "cajiibka ah" Sida ay NASA sheegtay , ka dib markii shaqaaluhu dhammeeyeen isticmaalka dabka matoorka taasoo u leexisay jihada jaarkayaga hawada sare noogu dhow (dayaxa).

Qiyaastii saacaddu markay ahayd 10:00 subaxnimo ee Afrikada bari ayaa barta NASA lagu muujiyey in dayax-gacmeedka Orion uu markaas u jiray 142,000 mayl (228,500 km) dhulka, iyo masaafo132,000 mayl u jirta Dayaxa.

.

Xigashada Sawirka, Nasa/Reid Wiseman

.

Xigashada Sawirka, NASA

Cirbixiyeenadda Christina Koch ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay si wadajir ah u muujiyeen "farxad" markii loo sheegay marxaladda muhiimka ah, taas oo dhacday ku dhawaad laba maalmood, shan saacadood iyo 24 daqiiqo ka dib markii ay dhulka ka duuleen.

Sawirka ugu horreeya, oo loo yaqaan Hello, World, wuxuu muujinayaa baaxadda ballaaran ee buluugga ah oo ah Badweynta Atlaantigga, oo uu sidii galka ugu gedaaman yahay dhalaalka jawiga dhulka, ayadoo dhanka Kalena dhulku uu sababayqorrax madoobaad, iyo aftiinka maidabbada kala duwan leh ee labada cirif ee dunida.

Dhulku wuxuu u muuqdaa mid foorara, ayadoo galbeedka Saxaraha iyo gacan biyoodka Iberian laga arki karo bidixda iyo qaybta bari ee Koonfurta Ameerikana dhanka midig.

NASA waxay u aqoonsatay meeraha dhalaalaya ee midigta hoose inuu yahay Venus. Sawirada ayaa la qaaday saacadihii hore ee jimcaha.

.

Xigashada Sawirka, NASA/Reid Wiseman

.

Xigashada Sawirka, NASA

Dabka ka baxaya matoorka ayaa dayax gacmeedka Orion ka saaray dhowr wareeg oo uu dhulka ku sameeyey iyadoo afarta cirbixiyeen ee la socday uu ujeedkoodu ahaa inay u safraan in ka badan 200,000 oo mayl dhanka dayaxa.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Artemis II waxa uu hadda ku socdaa waddo wareeg ah oo shaqaalaha saaran ku wareejin doonta dhinaca fog ee Dayaxa, ka dibna ay dib u soo laaban doonaan. Waa markii ugu horreysay tan iyo 1972-kii oo ay dadku u safraan meel ka baxsan Khadka uu ku wareego dhulka.

Dayax gacmeedku waxa uu ka soo kacay Xarunta Kennedy Space Center ee Florida, shaqaaluhuna waa in ay maraan dhinaca fog ee Dayaxa 6-da Abriil ka hor inta aanay ku soo laaban Dhulka 10-ka Abriil iyaga oo ku soo dhacaya Badweynta Baasifigga.

Ka dib markii u istaagay dabka matoorka ayaa shaqaalihii dayax gacmeedka "waxay ku dhaygageen daaqadaha" sawiro laga qaadayay, Jeremy Hansen oo ku takhasusay howlgalka ayaa sidaa u sheegay kontoroolka howlgalka ee Houston.

"Waxaan helaynaa muuqaal qurux badan oo ku saabsan dhinaca mugdiga ah ee Dhulka, oo uu iftiiminayo dayaxu" ayuu yiri.

Wiseman ayaa markii dambe dib u yeeray kontoroolka howlgalka Houston si uu u weydiiyo sida loo nadiifiyo daaqadaha, maadaama xiisihii cirbixiyeenadu ay u qabeen in ay arkaan hawada sare ay wasakh ka soo soke martay.