Dayax cusub oo hawada sare laga helay

Dayaxa oo loo bixiyay 2025 PN7, waxa uu meereheena ku wareegayay ku dhawaad ​​60 sano (kani waa sawirkiisa)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dayaxa oo loo bixiyay 2025 PN7, waxa uu meereheena ku wareegayay ku dhawaad ​​60 sano (kani waa sawirkiisa)
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Khubarrada cirbixiyeennada ayaa ogaaday in dhulku leeyahay deris cusub – xiddig cusub oo u ek dayax, kaas oo hawada ku jiri doona ilaa sanadka 2083-ka.

Laakiin ma aha kaliya daah-fur cusub ee ka jira xiddigaha ku xeeran meereheenna, marka aynu ku wareegno qorraxda.

Dayaxan yar, oo loo yaqaan 2025 PN7, ayaa ku wareegayay meereheenna tobnaan sano.

"Meerayaashan dayaxa u ek waa kuwo xiiso leh, sababtoo ah uguma wareegaan meereheena sida dayaxu ugu wareego, dhab ahaantii waxay ku wareegaan meereheena," Dr Jenifer Millard, oo ah khabiir ku takhasusay Fifth Star Labs observatory ee Wales ayaa sidaasi sheegay.

Cimi baraistan waxaa helay oo daahfuray cilmi-baarayaal ka tirsan qeybta hawada sare Pan-STARRS ee Hawaii, USA.

Xaruntu waxay leedahay doorbino waaweyn oo loo isticmaalo in lagu eego xiddigaha iyo meerayaasha kale ee samada ee u dhow meereheena.

Waxa hadda la ogaaday in meeraheennu ay ku xeeranyihiin siddeed dayax oo caynkaas ah, iyo weliba tiro aan la garanayn oo ah dayax yaryar ah, iyo laba xiddig oo kale oo iyaguna u muuqda kuwo u ek dayaxa.

Laakiin midkoodna lama mid aha dayaxa dhabta ah ee aynu ognahay.

Xiddigaha dayaxa u ek

Noocyadan xiddigaha ah ee cirka ku yaal waxa loo yaqaannaa dayax,sababtoo ah waxa aynu aragnaa iyaga oo sida dayaxa ugu wareegaya meereheena.

Laakiin haddii aad istaagto oo aad si dhow u eegto, waxa aad arki doontaa in ay dhab ahaantii yihiin xidigo qorraxda ugu wareegaya si la mid ah sida uu meeraheenu u wareego.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan walxahan samada ku yaal ee aan u aragno sida dayaxa waa kuwo yaryar, ku meel gaar ah, oo kaliya dhowr iyo toban sano ama qarniyo jira, laakiin halkan kuma sii joogaan si joogto ah.

Dayaxu si ka duwan kii hore ee aynu ka hadlaynay, waa shay dhulka ku wareegaya ama xidig weyn ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dayaxu si ka duwan kii hore ee aynu ka hadlaynay, waa shay dhulka ku wareegaya ama xidig weyn ah.

Bilahan ama dayaxan dhawrka ah ee meereheena ku wareega waa quruurax yar yar ama xidgo samada ku yaal oo dhulka u soo dhawaada waxayna halkaas joogaan wax ka yar hal sano.

Waa kuwa yar y oo ay adagtahay in la arko, maadaama ilaa hadda kaliya la arkay afar, xitaa kuwaasi kuma dhawa meereheena waqtigan la joogo.

Kii ugu dambeeyay waxaa la arkay bishii Agoosto 2024, oo loo bixiyay 2024 PT5, wuxuuna dhererkiisu ahaa qiyaastii 10 mitir.

Daraasad lagu sameeyay ayaa muujisay calaamado muujinaya sida qeybo kala go'go'an oo dayaxa ah oo mug leh.

Dayaxan yar oo loogu magac daray 2024 PT5, ayaa la rumaysan yahay inuu yahay dayaxsamaysmay ka dib markii xidgiha iyo dayaxu isku dhaceen .

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dayaxan yar oo loogu magac daray 2024 PT5, ayaa la rumaysan yahay inuu yahay dayax samaysmay ka dib markii xidigaha iyo dayaxu isku dhaceen .

Dayax dayax kale kor saaran

Saddexda shay ee aynu tilmaanay ama aynu u naqaano dayaxa waxa aynu oran karnaa waa kuwa dahsoon, waa kuwa ugu adag in la ogaado halka ay ka yimaadeen.

Waxa ay u muuqataa in ay tahay daruur ama boor sida kubbadda oo kale ah oo ku dul wareegaysa meereheena dhanka gadaalee ama hore, si l amid ah sida meerehu qorraxda u wareego – balse weli ma jirto sharraxaad cilmi ah oo cad oo sheegaya in arrintani oo ay saynisyahannadu ugu yeeraan dayax ay xataa jirto.

Si kastaba ha ahaatee, Dr. Millarda ayaa aaminsan inuu yahay shey ay mudan in la barto.

Dayaxan yar-yar khatar ma leeyahay?

Saynis yahanku waxa uu yiri:- Cirka waxa ku jira boor badan, la yaab ma leh, haddii lakabyadan boorka ahi ay yihiin waxa magnetka ahaan dhulku usoo dhawaynayo.

In kasta oo ay u dhow yihiin meereheena, walxahan yar yar ee ay cirbixiyaashu ugu yeeraan dayaxa, haddana weligood wax dhibaato ah oo kuma keenin meereheena.

Xitaa kuwa ugu dhow meereheena aad bay u fog yihiin marka loo eego masaafada u dhaxaysa meereheena iyo dayaxa.

"Xitaa haddii ay u soo dhawaadaan meeraheena, si tartiib tartiib ah ayay u imaanayaan, waan arki karnaa, waxa aanan bixin karnaa digniin si aan tallaabo u qaadno," ayuu yiri Dr Millard.

Waa maxay meerayaasha kale ee leh astaamo u ek dayaxa?

Waxyaabo la mid ah dayaxa ayaa la arkay iyagoo ku wareegaya meerayaasha Jupiter, Venus, Saturn, Neptune, iyo Pluto (Kani waa sawir)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxyaabo la mid ah dayaxa ayaa la arkay iyagoo ku wareegaya meerayaasha Jupiter, Venus, Saturn, Neptune, iyo Pluto (Kani waa sawir)
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay ayay ahayd markii la sameeyay doorbino (telescopes) kuwaas oo arki kara muuqaallada yar ama kuwa ila qabatada ah ee samada ku yaal (kuwaas oo laga yaabo in aan ugu yeerno dayaxa ama xiddigaha).

Marka laga soo tago tignoolajiyada cusub ee xilligan loo sameeyay ogaanshaha xidigaha , waxa sidoo kale jiray horumar laga sameeyay xisaabinta dhaq-dhaqaaqooda, taasoo suurtagelinaysa in la xaqiijiyo in xidigaha yar yar ee ay adag tahay in la fahmo ay dhab ahaantii u eg yihiin dayaxa.

Dr Millard ayaa yiri: "Ma ahan in walxaha qaar ay adagtahay in la arko, kaliya waa ay dhib badantahay in la arko, haddii ay adagtahay in lagu arko meereheena agtiisa, markaa waa wax lala yaabo sida loogu arki karo meel fog oo cirka ah."

Ilaa hadda, walxaha sida dayaxa u eg ayaa lagu arkay adduunka oo dhan.

Marka laga yimaado meerayaasha Jupiter, Venus, Saturn, Neptune, iyo Pluto, waxa suurtogal ah in kuwa kalena la ogaan doono mustaqbalka.

"Sababta oo ah waxa ku dhex jira circa iyo dhgulka ayaa weli isbedel ku jira, ma ahan wax dhintay ama taagan, ee waa mid si joogto ah u socda," ayuu yiri Dr Millard.