Karnataka: Marka hore Xijaabka ayaa laga mamnuucay haddana xalaasha ayaa lagu haystaa

Doodda Xijaabka
Published

Gobolka Karnataka ee dalka Hindiya kama dhammaadaan doodaha ku saleysan siyaasadda. Dhowr isbuuc ka hor waxaa halkaas ka taagnayd dood ku saabsan Xijaabka haddana waxaa la soo tebiyay in la diiday hilibka xalaasha ah.

Sida ay qoreen warbaahinta Hindiya, bulshada Hinduuga ah ayaa lagu boorriyay in aysan isticmaalin hilibkaas, hal maalin kaddib markii uu dhacay fastasyaha 'Ugadi' oo ah sanadka cusub ee Kannada.

Labo isbuuc uu ayaa laga joogay markii ay gobolkaas Karnataka ka taagnayd hadal haynta ku saabsan muranka ka dhashay Xijaabka ay qaataan gabdhaha Muslimiinta ah.

Murankaas oo qabsaday warbaahinta caalamka waxa uu ka billowday amar kasoo baxay maxkamadda sare ee gobolka oo mamnuucday in Xijaabka ay dumarku u qaataan fasalka.

Amarkaas kaddib, Muslimiinta halkaas ku dhaqan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin go'aanka maxkamadda. Durbadiiba waxaa soo baxay mowduuc kale oo ku saabsan in maxkamad ay amarto in Muslimiintu ay xiraan kawaannada lagu iibiyo hilibka xalaasha ah.

Waxaa kale oo laga mamnuucay in Muslimiintu ay ku ganacsadaan macbadyada ay ka socdeen fantasyaha.

Waa dhaqan u yaalla dadka gobolkaas ku nool, gaar ahaan qaybaha koonfureed in ay karsadaan islamarkaana cunaan raashinka aan khudaarta ahayn si ay ugu dabaaldegaan sanadka cusub. Waxaa munaasabaddan loo yaqaannaa 'Hosatodaku' ama 'Varshada Todaku'. Micnaha erayadan waa "bilaabashada sanad cusub".

Af hayeen u hadlay ururka Hindu Jan Jagruti Samiti (HJJS), Mohan Gowda, oo BBC-da la hadlay ayaa yidhi: "Waxaan bulshada Hinduuga ah ka codsanaynaa in aysan iibsanin hilibka xalaasha ah inta lagu guda jiro fantasyaha Hosatodaku.

Muslimiinta si joogto ah u isticmaala hilibkaas, wax walba oo lid ku ahna waxay u arkayaan weerar iyaga ku socda.

Labo neef oo adhi ah

Mohan Gowda oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Xayawaanka way dilayaan iyagoo ku dhawaaqaya magaca Alle, waxayna aqrinayaan aayado Qur'aan ah. Hilibkaas marka ugu horreysa waxay u hibeeyeen Allahooda. Sidaas awgeed ma isticmaali karaan dadka Hinduuga ah. Haddii aan sidaas sameyno waxaan ka hor imaanaynaa diinteenna."

Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee BJP, CT Ravi, ayaa isagana BBC-da kala hadlay arrintan.

"Waxay sheegaan in waddankeennu uusan diin gaar ah dhankeeda u janjeerin. Marka maxaa loogu yeerayaa Xalaal? Ma aha in lagu magacaabo Xalaal. Dadka aan rabin in ay cunaan ma iibsanayaan, kuwa raba in ay cunaanna way iibsan doonaan. Haddii la dhaho waa khasab in magacaas loogu yeero, markaas arrintu waxay noqonaysaa jihaad ganacsi," ayuu yidhi.

"Haddii qof Muslim ah uu dalbado hilib Xalaal ah, xitaa qofka Hinduuga ah wuxuu su'aal ka keeni karaa sababta uu u qaadanayo Xalaal. Maxaa ka khaldan taas?" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Meherad lagu iibiyo hilibka xalaasha ah

Kaddib markii uu tallaabadan qaaday ururka Hindu Jan Jagriti Samiti, waxaa soo raacay ururro kale oo gobolka ka hirgelinaya codsiga ku aaddan in laga soo hor jeesto hilibka xalaasha ah.

Qaar badan ayaa xitaa dalbaday in dukaamada Hinduuga aysan iibinin hilibkaas, boorarkoodana ay ka tirtiraan erayga "Xalaal".