Fannaanadda Madona oo bandhigyo baajisay 'xanuun aad u daran' awgiis

Madonna

Xigashada Sawirka, Madonna / Twitter

Qoraalka sawirka, Madona ayaa raalligalin siisay taageerayaasheeda
Published

Fannaanadda caanka ah ee Madona ayaa baajisay saddex bandhig oo horay loo sii shaaciyay inay ku qaban doonto magaalada Boston ee dalka Mareykanka, iyadoo sheegtay inay dareemeysay xanuun "aad u daran".

"Fadlan iga cafiya isbaddalkan lama filaanka ah ee dhacay", ayey ku tiri boggeeda Facebook-ga, iyadoo la hadleysay taageerayaasheeda.

"Inaan bandhiggeyga sameeyo habeen kasta waxaan ka helaa farxad aad u badan, inaan baajiyana waa nooc ciqaab ah... laakiin xanuunka aan hadda dareemayo waa mid xad-dhaaf ah, waana inaan nasto oo aan qaato amarka dhakhaatiirta", ayey tiri Madona.

Fannaanddu ma aysan faah-faahinin nooca uu yahay xanuunka ay la ildaran tahay iyo waxa uu yahay dhaawaca soo gaaray toona.

Hase yeeshee, horraantii bishan, waxay iyadoo ku sugan magaalada San Francisco taageerayaasheeda u sheegtay inay "lug ka dhaawacantay", "jilibkana ay dhibaato ka qabto".

Kadib bandhiggeedii ugu dambeeyay ee ay ku qabatay magaalada Los Angeles, waxay barteeda Instagram-ka ku tiri: "Waxaan qabeyskeyga barafka ee caadiga ah u qaadanayaa si aan wax uga qabto dhowr dhaawac oo isoo gaaray".

Muuqaal kale oo kaas ka horreeyay ayey kusoo bandhigtay xanuun ka hayay bowdadeeda lugta midig.

Madonna oo baraf ku qubeysaneysa

Xigashada Sawirka, Madonna / Instagram

Qoraalka sawirka, Xiddigtan ayaa sheegtay inay baraf heerkiisu la egyahay 5°C ku qubeysatay xilli 3-da saac ee waabariga ka hor ah, ka dib markii ay masraxa ka dagtay
Transparent line (white space)

Madonna ayaan looga baranin inay bandhigyadeeda baajiso, waxayna horay u tagi weysay ilaa 10 bandhig oo kaliya, intii ay ku dhex jirtay xirfaddeeda 37 sano jirsatay.

Laakiin, bandhigyada Boston oo kaliya ma aha dib u dhacyada ku yimid booqashada Madona.

Waxay bishii September dib u dhigtay munaasabado furitaan ah oo ay ku lahayd magaalada New York, waxaana sabab u ahaa cillado dhinaca farsamada ah. Ka dib bandhig kale ayey ka baaqatay isla magaalada New York, sababtuna waxay ahayd dhaawac ay qabtay. Waxaa sidoo kale la baajiyay xafladdii furitaanka guriga ay ka dagtay magaalada Los Angeles.

Bisha January, ee sanadka 2020-ka waxaa la filayaa inay tagto UK, waxayna bandhig ku qaban doontaa magaalada London.