Lix shuruudood oo ay Iiraan ku xirtay Trump si ay u furto marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, get
Iiraan ayaa Sabtidii sheegtay in heshiis ay Cumaan kala gasho oo ku saabsan habaynta maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz uu soo dhow yahay, balse heshiiskaasi uusan ku filnaan doonin in marin-biyoodka dib loo furo. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Iiraan ay weerartay markab kale oo halkaas marayay.
Mohammad Baqer Zolghadr, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz uusan furmi doonin ilaa Mareykanku uu buuxiyo lixda shuruudood ee Tehran.
Shuruudahaas waxaa ka mid ah in la fududeeyo cunaqabateynta, in Iiraan la siiyo magdhowga khasaaraha dagaalka, in si degdeg ah loo soo afjaro go'doominta badda ee lagu hayo dekedaha Iiraan, in la joojiyo hanjabaadaha ka dhanka ah Iiraan iyo in la sii daayo hantida dalka ee la xannibay.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hadallada Zolghadr, inkastoo ay inta badan ku celinayaan dalabyo ay Tehran hore u soo bandhigtay, ay muujinayaan in mowqifka Iiraan uu adkaanayo marka laga hadlayo wadaxaajoodyada ku saabsan marin-biyoodka Hormuz.
Hadalladan ayaa imanaya xilli Iiraan iyo Cumaan ay maalmihii u dambeeyay wadaxaajoodyada ku saabsan habraacyada cusub ee maraakiibtu u mari doonaan marin-biyoodka Hormuz ku tilmaameen kuwo "wanaagsan oo wax dhisaya".
























