Maxaan ka ognahay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya?
Dhawan, waxaa si weyn baraha bulshada looga hadal hayay burburka diyaarad helicopter militari ah oo Itoobiya leedahay
Qaar kale ayaa faafiyay sawirro iyo muuqaallo ay ku andacoonayaan in diyaaradda ay soo rideen dagaalyahanno ka tirsan OLF.
Dowladda Itoobiya iyo Ciidanka Cirka Itoobiya midkoodna kama uusan hadlin arrintan.
BBC-da ayaa isku dayday inay Ciidanka Cirka ka hesho xog ku saabsan dhacdada, balse kuma guuleysan.
Dadka deggan degmada Bora ayaa BBC-da u sheegay, in helicopter-ku burburay. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri: “Waxaan maqalnay inuu Arbacadii burburay, duuliyayaashuna ay baarashuud ku soo degeen.”
Dadka deegaanka, oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, waxay sheegeen inaysan si shaqsi ah u booqan goobta shilka, balse ay xaqiijiyeen in dhacdadu dhab tahay.
Hase yeeshee, BBC Verify ayaa baaritaan ku samaysay sawirrada iyo muuqaallada la faafiyay.
Sawirrada iyo muuqaallada la wadaagay waxay muujinayeen dad u muuqday dagaalyahanno OLF ah oo hub sita.
Baaritaanka BBC Verify
BBC Verify waxay baartay in sawirrada iyo muuqaalladu yihiin kuwo dhab ah ama ay yihiin kuwo la sameeyay.
Waxay xaqiijisay in sawirrada iyo muuqaalladuba yihiin kuwo dhab ah, isla markaana aan lagu tafatirin ama lagu samayn farsamada Garaadka Macmalka ah (AI).
Dhacdadu waxay ka dhacday deegaanka Bora ee gobolka Oromia, waxaana la sheegay in helicopter-ku ku burburay tuulada Gooraa Lamaa.
Si kastaba ha ahaatee, lama awoodin in si buuxda loo xaqiijiyo goorta saxda ah ee sawirrada iyo muuqaalada la qaaday.
Muuqaallada ayaa markii ugu horreysay lagu baahiyay baraha bulshada Talaadadii, 11 Agoosto 2026, abbaaraha 3:00 galabnimo.
Muuqaallada iyo sawirrada ayaa muujinaya in diyaaradda aysan burburin xilli subax ah. Helicopter-ka yar ayaa ku burburay dhul beereed.
Laba aqal oo u muuqda kuwo dhaqameed ayaa ku yaala aaga ku dhow goobta.
Waxaa jira warar sheegaya in dagaalyahanno OLF ahi ay ka howlgalaan deegaankaas. Hase yeeshee, taasi ma caddaynayso in OLF ay diyaaradda soo rideen.
BBC-da ayaa la xiriirtay la-taliyaha sare ee taliyaha WBO si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan.
Markii BBC Verify ay isbarbardhigtay muuqaalka dhulka ka muuqda, waxaa la ogaaday inay si weyn isugu egyihiin.
Labada buurood ee ka muuqda sawirrada waxay la mid yihiin buuraha ku dhow tuulada Gooraa Lamaan.
Marka deegaanka lagu eego khariidad 3D ah, qaabka dhulku wuxuu aad ugu egyahay kan ka muuqda sawirrada iyo muuqaallada.
Nooca diyaaradda
BBC-du si buuxda uma aysan xaqiijin nooca helicopter-ka ama diyaaradda burburtay.
Si kastaba ha ahaatee, midabka iyo qaabka diyaaradda ayaa u eg L-39C Albatros, oo ah diyaarad inta badan loo isticmaalo tababarka duuliyeyaasha militariga.
Diyaaradda L-39 Albatros waxaa naqshadaysay oo soo saartay shirkadda Czechoslovakia ee Aero Vodochody.
Inta badan diyaaradaha noocan ah waxaa loo isticmaalaa tababarka duuliyeyaasha militariga. Ma jirto caddeyn cad oo muujinaysa tirada diyaaradaha L-39 ee ay Itoobiya haysato.
Dalal badan ayaa isticmaala diyaaradaha noocan ah si ay ugu tababaraan duuliyeyaasha ciidamada cirka.























